Saddexdii Nin waa ay is eegeen
“Nin bar yar, oo aan caddaan badnayn, oo cod dhuuban leh sidii dumarka” ayaa M bouc yiri asaga oo fakaraya
“Waa tilmaan aan ku salaysnayn qof tareenkaan saran” ayaa Poirot yiri, in yar markii uu aamusnaa ayuu yiri,
“Hadda aan ka farxino M bouc oo u yeerno talyaanigii”
Nin aan caddaan badnayn oo bashaash ah ayaa u yimid.
“Magacaagu waa Antonio fascarelli, talyaani ah?”
“Haa, monsieur, balse dhalasha maraykan ayaa qaatay, ganacsigayga ayay u wanaagsan tahay” waana uu dhola cadeeyay
“Waxaad iibisaa baabuurta fordka ah?”
“Haa, yacni—”
Waxay dhagaystee faafaahin dheer oo habka ganacsiga Foscarelli, ka dib ayaa Poirot haddalkii sii watay oo weydiiyay.
“maraykanka waxaad ku noolayd toban gu’ sow maaha?”
“Haa, Monsieur, waxaan xasuustaa maalintii aan u anbaba baxayay, hooyaday–”
Poirot ayaa ka dhax galay oo yiri
“Waligaa me ratchet ma kula kulantay ameeriko?”
“Maya, balse dad badan Ayaan la kulmay oo muqaalka kore dad wanaagasan oo xaragoonaya ah, balse gudaha sharka ah, ani ahaan, my ratchet waa danbiile”
“Maladaadu waa sax, ratchet wuxuu ahaa cassette, Af duubihi”
“Maxaan idiin sheegay anigu? Aad Ayaan ugu wanaagsanahay akhrinta foolasha dadka, shaqadayda ayay muhiim u tahay”
“Dhacdadii Armstrong xasuusataa?”
“Si fiican uma xasuusto, gabar yar ayay ku saabsanayd sow maaha? Dhacda fool xun bay ahayd, balse waxaas oo kale waa ay ka dhacaan dal weyn sida ameeriko oo kale”
“Weli ma la kulantay xubno ka tirsan qoyska Armstrong?”
“U malayn maayo, waa adagtahay in aan la kulamay oo gu’gii tagay waxaan iibiyay baabuur —”
Poirot ayaa ka dhex galay oo yiri.
“Monsieur, fadlan noo sheeg xalay waxaad samaysay cashadii ka dib”
“Waliba aniga oo ku faraxsan, qolkayga Ayaan ku laabtay, nin adeege English ah ayaa qolka ila dagan balse waa uu maqnaa, markii uu yimidna ma uusan danaynay sheekaysi, maya, haa, kaliya, nin fur furan ma ahayn, buugiisa ayuu akhrisanayay ana kayga, xabbad ama laba sigaar ah Ayaan cabay, ilig ayaa xanuunayay oo uu aad uga cabaadayay, waan seexday, dhowr jeer oo aan soo kacay weli iliggii ayuu ka cabaadayay”
“Xalay oo idl marna qolka miyuu marna ka baxay”
“U malayn mayo, illinka qolka markii la furo nalka marinka oo iftiin badan ayaa ku qaban oo ku kicin”
Mahad celin ka dib Poirot waa xiray wareysigii talyaaniga oo ka baxay qaybii makhaayada.
“Haye, wax badan ayuu ameerika joogay,” ayaa M Bouc yiri, “waa talyaani, talyaanigu waa been loowyaal, midiyahana waa jecelyihiin in ay adeegsadaan, talyaaniga kama helo anigu”
“War cad weeye” ayaa Poirot yiri, “balse wax caddayn ah kuma hayno ninka, haa, talyaanigu midiyahay adeegsadaan waana jecel yihiin, balse markii ay xanaaqsan yihiin weeye, dilkaanse mid si fiican looga soo baaraan dagay weeye oo la soo qorsheeyay”
Labadii baasaboor oo u danbeeyay ayuu eegay,
“Markaan waxaan arkaynaa Miss Mary Debenham”
Miss Debenham oo isku joog madoow xidhan oo daganaansho ka muuqato ayaa soo gashay oo farisatay ka soo horjeedka Poirot fariisatay.
“Magacaagu waa Mary Hermione Debenham, da’da labaatan iyo lix jir, ingriis ah?”
“Ha”
“Miss Miss Debenham maxaad nooga sheegi kartaa dhacdadii xalay?”
“Waxba Ayaan u malayn, oo waan jiifay”
Poirot asaga oo fakaraya ayuu fiiriyay oo yiri
“Waxaad ka timid baqdaad, waxaana u socotaa London, sidaan filayo”
“Haa”
“Baqdaad maxaa ka samaynaysay?”
“Laba caruur ah ayaa ku hayay oo shaqadaydu ahayd”
“Ameerika waligaa ma tagtay?”
“Ameerika? Maya, waligeey”
“Marwada kula dagan qolka side u argtaa?”
“Qof wanaagsan ayay u muuqataa in ay tahay,”
“Dharkaaga jiifku waa midabkee?”
Ayaba oo weydiintii la yaabtay ayay tii
“Waa bunni”
“Istanbuul markaan jooganay Ayaan isha mar ku dhuftay dharkaaga hurdada, waa casaan xigeen sidaan filayo”
“Haa, waa sax”
“Ma dhar kale oo hurdada ayaad leedahay, Miss Debenham,? Sida mid casaan ah?”
“Maya, kaas anigu ma lihi”
Baarihii inta si fudud u dhaqaaqay sidii mukulaal jiir ku boodaysa ayuu yiri.
“Kaagii maaha? Marka dharka guduudan qof kale ayaa iska leh, waa kuma qofkaas?”
Waa ay is gashay gabadhii oo tiri.
“Ma aqaan, xalay Ayaan marinka ku arkay qof xiran, balse foolkeed ma arag”
“Ma dheerayd mise waa gaabnayd? Ma caddayd mise casayd?
“Koofi ayay xirnayd oo tinteeda ma arki Karin, balse waa ay dheerayd oo dhuubnayd, dharka jiifka ee habka shiinaha ayuu ahaa”
“Haa, sax, shiinaha,” in doora ayuu aamusnaa, ka dib asaga oo isla hadlaya yiri,
“Ma garan karo, waxaan oo dhan wax macna samayanaya maahan” oo inta gabadhii kor u fiirshay yiri,
“Baahi danbe kuuma qabno miss Miss Debenham, waad bixi kartaa”
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply