TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-9

 

 

“Waxaa laga yaabaa in aadan qolkaaga shanqar qof aadan ka maqlin balse aad ka maqashay qolka qolka ninka la dilay”

“Ma dhici karto, caddayn ayaana hayaa”

Boorsadeedii ayay ka soo bixisay badhan bir ah ka samaysan.

“Kan ma aragtaa? Aroortaan Ayaan qolkayga ka dhex helay” miiskana dul saaratay badhankii.

  1. bouc ayaa kor u yiri.

“Badhankaan yunifoom kormeere ayuu ka yimid”

“Waxaa laga yaabaa in uu ka go’ay yunifoomka Michel markii xalay uu kaalmeeynayay Mrs Hubbard” ayaa Poirot yiri

“Maxaa dad yahow aad ii rumaysan la’dihiin?” ayaa islaantii maraykanka ahay ku qaylisay “xalay markaan seexan rabay buug Ayaan akhrisanayay, markii aan nalka damiyayna buuggii waxaan dhigay dhulka dariishadda agteeda ah, xalay markii ninku qolkayga ku jiray kormeeruhu dariishadda iyo meel u dhow ma tagin, balse aroortii badhanku wuxuu dul saarnaa buuggii, taasna maxaad ka leedihiin?”

“waxaan ka dhihi lahaa taas waa caddayn, marwo” Poirot ugu war celiyay, “hadda, dhowr weydiimood ma ku weydiin karaa?”

“Haa, maxaa dhacay, I weydii”

“Ninkaan ratchett wer wer ayaad ka qabtay, marka maxaadan xilli hore aadan u xirin illinka labada qol u dhaxeeya?”

“Waan xiray, ama ugu yaraan waxaan weydiiyay naagta Swedish ka ah in illinku xiran yahay, waana xiran yahay ayay igu tiri”

“Maxaad adigu u hubin weyday?”

“Sariirtaan ku jiray, boorsadayduna waxay ka laalaaday qataarka illinka”

“Immisadii ayay ahayd?”

“Abbaaraha tobankii iyo bar Ayaan u malaynayaa, naagta swedhish ka ah ayaa ii timid oo aspirin I weydiisatay”

“Ma xasuusata arrintii af duubkii Armstrong?”

“Dabcan haa, anigu qof ahaan uma aqoon Armstrong oo bulsho iga saraysa ayay ku jireen, balse mar kasta waan maqli jiray in ay lamaane wanaagsan ahaayeen, oh, ibliiskaas cassette-”

“Ratchet wuxuu ahaa cassette” ayaa Poirot yiri

“Cassette, tareenkaan saran! Waa in aan gabdhayda u sheegaa”

“Hadda, marwo, hal wax oo kale, ma leedahay dhar hurdo oo casaan ah?”

“Weydiin ku qaad daranidaa, maya, malihi”

Poiro dhinaca illinka ayuu usii raacay islaantii, markii ugu danbaysay ayuu yiri.

“Fistileetigii ayaa kaa dhacay, marwo,”

Waxay eegtay marada uu gacanta ku hayo ee uu u soo taagayo,

“Kan anigu malihi, aad ayuu u yar yahay, kaygu kan xoogaa ka weyn.

 

 

CUTUBKA AFRAAD

ILLIN FURAN

 

 

 

Markii Ay ka tagtay Mrs Hubbard, m, bouc si wal walk u jiro ayuu u yiri:

“Waxaan rajaynayaa in badhankan macnihiisu uusan ahayn in michel uu yahay dilaaga”

“Badhanku waa wax danayn mudan,” Poirot yiri, “balse marka hore inta aynaan ka hadlin asaga aan waraysano marwda swedishka ah”

Baasabooradii ayuu baaray,

“Waa tan, greta ohlsson, 49 jira aha”

  1. bouc adeegihii ayuu ka codsaday in uu u yeero, waana soo gashay naagtii wajiga idaha lahays iyo tinta cad.

“Xalay wixii dhacay ma ka war haysaa,?”

“Haa, wax laga naxo ayay ahayd”

“Waad garan gartaa Ayaan filayaa, waa igu qasab in aan qof kasta weydiiyo dhaqdhaqaaqiisii xalay cashadda ka dib”

“Dabcan, hagaag, intii badnayd fiidkii waxaan joogay qaybtayda, balse waan u tagay Mrs Huddard, aspirin ayayna I siisay”

“Ma ku weydiisay in aad hubiso in illinka qaybteeda iyo tan Mr. ratchet u dhxeeya uu xiran yahay?”

“Haa, waana uu xidhnaa”

“Ka dibna?”

“Gogoshaydii Ayaan ku laabatay oo aspirin liqay waana seexday”

“Qolkaagu waa kan miyaa?” wuxuu tilmamay naqshadii

“Haa, waan u malayn, waxan wada wadaagnaa gabadh dhalin yaro ah oo ingiriis ah, aadna u wanaagsan, waxay ka timid baqdaad”

“Qolka miyay ka baxaday habeenkaas?”

“Maya, waan hubaa in aysan ka bixin”

“Sidee ayaad u hubtaa hadii aad hurday?”

“Waan hurda fududahay, gogosha iga koreysa ayay jiiftay”

“Adigu ma ka baxday?”

“May tan iyo aroortaan”

“dhar jiif oo casaan ah ma leedahay?”

“maya , ma lihi, kaygu waa huruud”

“Waligaa maraykanka ma tagtay?”

“Anoo ka xun, maya, ddka maraykanka ah waan ka helaa, dhaqaale badan ayay ugu deeqaan dugsiyada iyo bukaan jiifyada turkiga, maxaadse ii weydiisay?”

Poirot wuxuu u faahfaahiyaya arrintii Armstrong, Greta ohlsson waxay baxday ayada oo madaxa ruxaysa oo oynaysa oo leh;

“Side aduunka shar intaan la eg u jiraa?”

Turjime

Suladaan Cali Adam Ameriko

Leave a Reply