“markii aad la joogtay gaashaanle Arbuthnot” ayaa baarihii yiri, siina watay haddalkii” illinka qolkaagu waa uu furnaa Ayaan u malayn, ii sheeg bal, ayaa maray marinka dhexe ka dib markii aan ka soo dhaqaaqnay incovci?”
“Karmeeraha iyo naag u sii socotay makhaayada”
“Naagtee?”
“Ma aqaan, waxaan xasuuntaa oo kaliya in aan arkay in ay xirnayd dharka jiifka oo casaan ah, in ay musqusha u socotayna waa dhici kartaa”
“Ma soo laabatay marka?”
“Maya, u malayn maayo in aan arkay”
“Weydiin kale, baaybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, ma dhuuqo” ayaa Macqueen ugu war celiyay
“Waxaan filayaa waraysigii intaas in uu ku egyahay, waad ku mahadsan tahay waqtigaaga, haddana waxaan rabaa in aan la hadlo adeegihii Mr Ratchett”
Maraynkagii waa baxay, ingriis caata ah ayaa soo galay, Poirot baasaboorkii ayuu ka qaaday ninkii.
“Waxaa thay adeegihii Mr ratchet- edward henry masterman, soddon iyo sagaal jir, dhalasho ingiriis ah, “
“Haa, mudane.”
Ninkaad u shaqaynaysay in la dilay ma maqashay?.
“Haa, mudane. Dil laga naxo”
“Goorma ayaa kuugu danbaysay aad aragtid.?”
“Abbaaraha sagaalkii fiidnimo xalay, markuu seexan rabay ayaa kaalmeeyay”
“Xaaladiisu markaas side ahayd?”
“Mid fiican ma ahayn, mudane. Waraaq ayuu akhriyay waxaana filayaa in waraaqdii uu ka xumaaday, wax walba oo aan sameeyay wax ayuu ka sheegayay”
“Taas wax caadiya miyay u ahayd?”
“Maya, si fudud ayuu u xanaaqayay xalay”
“M.ratchett ma qadan jiray daawo uu ku hurdo markuu seexanayo?” Dr, Constantine horey ayuu u soo durkay si uu u maqlo jawaabta,
“mar kasta oo socdaalayo waa qaadan jiray, la’aanteed ma seexan karo ayuu odhan jiray”
“Xalay ma qaatay?”
“Haa mudane. Anaa galaas ugu shubay”
“ma ka heshay ninkaa u shaqaynaysay?”
Foolkii adeegaha wax dareen ah Kama muuqan.
“Mushaar fiican ayuu I siin jiray, balse dadka maraykanka Kama heli.”
“Waligaa maraykanka ma tagatay?”
“Maya, mudane.”
“Markaad m. ratchet ka soo tagtay xalay, maxaad samaysay?”
“Mr, Macqueen Ayaan u sheegay in uu u baahan yahay, ka dib qolkaygaan tagay oo akhris galay”
“Qolkaagu waa lambar 4 “
“Haa, mudane. Talyaani weynan badan ayaan wada galnaa qolka”
“Kan talyaaniga ah af ingriis ma ku hadlaa?”
“Xoogaa, ameerika ayuu tagay-chicago, saas uma wada haddalno, in aan wax akhriyo Ayaan door bidaa”
“Immisadii ayaad seexatay?”
“Abbaarha tobankii iyo bar Ayaan gogosha tagay, balse ma seexan, ilig ayaa I xanuunayay”
“Gabi ahaanba ma seexan miyaa?”
“Haa, tan iyo affartii aroortii”
“Qolkaaga marna ma ka baxaday habeenimadaas?”
“Maya, mudane.”
“Talyaaniga na?”
“Maya mudane. Habeenkii oo dhan waa uu jiifay”
“Weydiintii u danbaysay, baaybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, sigaarka kaliya Ayaan dhuuqaa”
“Waad mahadsan tahay Mr. Masterman, intaas ayay noogu egtahay”
“Raaliga iga ahoow mudane, balse islaanta maraykanka ah, Mrs. Hubbard waxay tiri, wixii dilkaas ku saabsan way ogtahay, aad ayay u murugaysan tahay”
“Waxay ila tahay in aan ayada ka dhigno qofka xiga ee aan la kulmayno” ayaa Poirot yiri
Mrs Hubbard oo dhoolla cadaynaysa ayaa soo gashay qaybtii makhaayada si qiira lehna u hadlaysa.
“Yaa halkan ka mas’uul ah, waayo war aad u muhiim ah ayaan hayaa”
“Soo dhawoww marwo. Fariiso,” ayaa Poirot yiri, “arrintoo dhan ii sheeg”
“Hagaag, waxaan idiin sheegayaa, xalay dil ayaa ka dhacay tareenka, kii wax dilayna qolkayga ayuu ku jiray”
“Ma hubtaa, marwo.”?
“Dabcan, waan hubaa! Waan jiifay kadibna si kasid ah Ayaan u kacay, mugdi ayay ahayd, waana dareemayay in nin qolka ku jiro waan baqay ma qaylin Karin, waxaan is iri caawa lagu dilaya, naxdin ayay ahayd-tareemaydaan qurunkaa ee waxa laga naxo ay ka dhex dhacayaan, ka dib waxaan is iri, dahabkayga ma qaadan karo, waayo barkinta hoosteeda Ayaan ku xaseeyaya, iga rumayso wax laga war waro weeye, haddase taas muhiim maahan baan u malaynayaaye, xaggee Ayaan marayay?”
“Waxaa dareentay in nin qolka ku jiro”
“haa, gogoshaan iska dul aalay indhahayguna in doora ayay isku qabsanaayeen, ka dib koortii ayaa gacanta ku dareemay oo riixay si aan kormeeraha ugu yeero, waan garaacay oo garaacay, balse waxba isma badalin, malaha dadkii tareenka saarnaa oo dhan waa ay dileen Ayaan is iri, ugu danbayn kormeerihii ayaa soo galay, nalkii Ayaan daaray, balse qof meesha joogay ma jirin”
Sida ay u hadlayso hadii la eego, waxay u malaysaa in erayadeedu ay yihiin kuwa ugu xiisaha badan sheekadaan oo dhan.
“ka dib maxaad dhacay?”
“hagaag, kormeeraha Ayaan u sheegay wixii dhacay, balse uma ekayn mid haddalkayga rumaystay, waa ay caddayd in ninkii baxsay, balse kormeeruhu wuxuu isku dayay oo kaliya in uu aniga I dajiyo, balse aniga waxaa war war igu haysay oo ku fakarayay in ninku uu ka yimid qaybta na xigta, kormeerihii Ayaan ku iri eeg illinka labada qayb u dhaxeeya, dabcan ma uusan xirnayan, durbadiiba anaa xiray boorsadaydiina ku tiiriyay”
“Ma waxaad u u malayn in ninku uu ka tagay qolkaaga oo tagay qolka ratchet ama marrinka?”
“Side ku ogaan karay anigu? Indhaha waan isku haystay, oh, haddii gabadhaydu ogaan lahayd saan u baqay”
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply