TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-7

 

 

 

CUTUBKA SADDEXAAD

DHARKII JIIFKA EE CASAA IYO BADHANKII BIRTA AHAA

 

Qaybitii makhaayada wax walba diyaar ayay ku ahaayeen, raso baasabooro iyo tikidho ah, xaashidii ay ku qornayd dadka tareenka saraan, mid wax lagu qoro oo cad iyo qalin iyo khad.

“Waa hagaag,” Poirot yiri, “waraysiga u horeeya waxaan la yeelanaynaa kormeeraha, waa aad taqaan dadnimadiisa Ayaan u malyn M bouc. Cadaymihiisa ma rumaysan karnaa.?”

“Hubaal,” ayaa M bouc ugu soo warceliyay, “Pierre Michel shan iyo toban gu’ ayuu shirkada u shaqaynayay, waa nin franch ah, aadna daacad u ah”

Michel ayaa soo galay, wuxuuna u muuqday in uu sidii hore ka dagann yahay, balse weli fiigtaal ayaa ku jiray.

“Michel” ayaa Poirot yiri, “waxaan rabnaa in aan wax kaa weydiino arrintii xalay dhacday, Mr ratchet immisadii ayuu sariirta galay.?”

“Durbadii uu casheeyayba, monsieur-intii aynaan Belgrade ka tagin”

“ma aragtay qof qolkiisa galaya markaas ka dib,?”

“Ninkii adeegaha u ahaa, monsieur, iyo xoghayntiisa, qof kale ma galin”

“Ma waxyna ahayd markii kuugu danbaysa ee aad aragtid ama maqashid asaga?”

“Maya, monsieur, koorta ayuu yeeriyay kowdii oo labaatan dhimman, illinkii Ayaan ku garaacay asaga oo aan furin ayuu yiri,  Ce n’est rieti. Je me suis trompe. “waba maahan, waan qaldamay”

“Halkee ayaad ku sugnayd kowdii iyo shan iyo toban daqiiqo adigu?”

“Inta badan waxaan ku fadhiyay kursigayga marinka gasadiisa danbe yaal, mase garan karo xilligii ay ahayd oo dhab ah, waxaan aaday qaybta kale oo kormeerayaal aan ka wada haddalnay barafka, ka dib waxaa soo garaacday Mrs hubbard, oo la hadlay…”

“Ka dibna?”

“Abaaraha labadii markay ahayd Mr Macqueen ayaa I weydiistay in aan sariirta u goglo, waxaa la joogay gaashaanlaha ingriiska ah ee lambar 15 dagan, markii aan sariirtii u goglayna waxaan ku laabtay fadhigaygii tan iyo intii waagu ka baryayey”

“Ma seexatay?”

“U malayn mayo, monsieur.”

“Cid rakaab ah ma ku aragatay marinka dhexe?”

Indoora ayuu fakaray kormeerihii.

Mid ka mid ah dumarka ayaa musqusha aaday.”

“Waa tuma?”

“Ma aqaan, balse waxay qabtay dharka jiifka oo casaan ah, dhabarkana waxaa uga sawirnaa farshaxan shiinays ah”

“Markaas ka dibna.”

“Adiga ayaa qolkaaga furay oo banaanka soo eegay il bilisqi”

“Hagaag” Poirot yiri, “waxaan is weydiinayay in aad midaas xasuusan kartay, hadda, haddii dilaagu tareenka soo fuulay xalay……”

“Cid soo dibada ka timid oo soo galeeti  ah ma saaranayn tareenka xalay, monsieur. Illinka qaybta nagu xigta hoostay ka xirnayd, anaa illinka dhinaca ah furay markii aan joogsanay vincovci, laba iyo tonakii iyo labaatan daqiiqo, balse aniga xilligaas oo dhan joogay, cid soo gudubtay ma jirin”

“Illinka dhinaca ah ee qaybta maqaayadana?”

“Xilliga habeenkii markasta hoosta ayuu ka xiran yahay.”

“Hadda ma xirna?.”

Ninkii in yar wuxuu u muuqday qof yaabay.

“Laga yaabee mid ka mid ah socotada in uu furay oo barafka eegayay,” ayuu yiri ugu danbayn, oo ku daray “monsieur, ma aniga I eedaynaysaa?”

Poirot si naxariis leh ayuu u dholla cadeeyay oo yiri:

“Maya saxiibkeeyoow, waydiin kalaan ku weydiin, markii aad Mr Ratchet iridiisa garacaysay koor kale ayaa dhawaaqday, kumuu ahaa qofkaas?”

“Amiirada Dragomiroff, Monsieur, waxay doonaysay shaqaalaheedii.”

“Ma ugu yeertay shaqaalaheedii?”

“Haa, monsieur”

“Waa noo intaas marka, aad ayaad ugu mahadsan tahay kaalmadaada”

Kormeerihii waa baxay, Poirot na waraysi kale ayuu ugu yeeray Mr Macqueen.

Markii Macqueen uu ogaaday in ninkii u shaqaynayay uu ahaa burcadkii cassette, aad ayuu u xanaaqay.

“Xumaan badanaa sidaan u kaalmeeyay ninkaas sharta ah” ayuu kor ugu dhawaaqay.

“Mr Macqueen, waxay u muuqataa in aad uga kacsantay arrinta”

“haa, waan ku xumahay, aabahay wuxuu ka mid ahaa qareenadii arrintii Armstrong, waan uu ogaa in cassette uu danbiila yahay, balse maxkamadii ayaa si wax noqdeen oo danbigiisii lagu cadayn waayay, waan ku faraxsanahay in uu dhintay, in kasta oo aanan anugu dilin, waad I garataan u malayn.”

“Dabcan, dabcan, hadda, waan in aan ogaada dhaqdhaqaaqii qof kasta oo tareenka saaran, cashadii ka dib, maxaad qabatay adigu xalay?”

“Waxaan la sheekaystay qaar ka mid ah socotada, ka dib tobankii ayaan aaday Mr Ratchet qolkiisa, ka dib wuxuu I weydiistay in aan waraaqo u qoro, ka dib waxaan sheeko dheer yeelanay gaashaanle Arbuthnot”

“Xilligii aad seexatay ma garanaysaa?”

“Abbaaraha labadii Ayaan u malayn.”

“Tareenka marna ma ka gadtay?”

“Aniga iyo Arbuthnot, ayaa kaga dagnaya ee… meeshaas magaceedii muxuu ahaa? –vincovci, balse qaboow xun ayaa dhacayay dhaqasaan ugu soo laabnay marka,”

“Illinkee yaad ka baxdeen?”

“Kan ku xiga qaybta makhaayada.”

“Ma xasuusan kartaa in uu xirnaa iyo in kale?.”

Mr Macqueen fakar ka dib wuxuu yiri:

“Haa, sidaas ayan rumaysnhy”

“Ma xirteen markaad tareenka ku soo laabateen.?”

“Anaa danbeeyey, maya, u malayn maayo in aan xiray.”

Turjime

Suladaan Cali Adam Ameriko

Leave a Reply