“Iridu hoostay ka xirnayd” ayaa Poirot si fakarsan u yiri, “in uu is miidaamiyay ayaa dhici karta”
“Qof ma ku dhacaa mana isku dili karaa in uu middi xabadkiisa ruubiyo laba iyo toban jeer?” aya dhqtarkii weydiiyay
Maamulihii tareenka ayaa markii u horeysay hadlay oo yiri,
“Naag ayaa dishay, kaliya naag uun baa sidaa wax u disha”
“Marka naag xoog badan ayay ahay, waayo meelaha qaarkoo mididu lafta ayay ka dhex baxday” ayaa dhaqratkii yiri
“Hadda maxaad iga rabtaan oo idiin qabto?” ayaa Poirot weydiiyay
“hogaanka adigu noo qabo, hadhow markii booliisku yimaado, waxaa dhacaya dhib iyo daahniin aan wanaagsnayn, waxay ku wanaagsnaan lahay in ay yimaadaan adoo arrintii xaliyay, qof kaaga wanaagsan howshaana ma leh, maydka baar, warayso socotada tareenka saaran, kolley sheekeeyinkooda ma hubin kartid, balse adigaa had ka hor yiri, si kiis uu u xalliyo waa in qofku kursi ku dhacdiidaa oo fakaraa, haddana sidaa yeel, waad ogaan qofkii diliye”
“Waa oglaaday in aan qaato kiiskaan,” ayaa baarihii yiri “waqti is dhaafin ayay ba ii noqon”
“Hagaag, anaguna intaan awoodno Ayaan ku kaalmayn” bouc yiri
“Marka hore, waxaan rabaa in aan arko qolka falku ka dhacay, iyo magacyaha dadka saran tareenka, iyo baasabooradooda iyo tigidhadooda”
“Michel ayaa intaas kuu qaban”
Karmeerihiina qolkii waa ka baxay.
“Waa ayo socdaalayaasha tareenka saran?”, ayaa Poirot weydiiyay
“Qaybtaan aniga iyo Dr Constantine ayaa ah socotada kaliya ee dagan, gadaal waxaa jira darajada saddexaad qaybta ah, balse markii la casheeyay waa la xiray qaybtaas, horay waxaa ku yaal qaybta makhaayada kaliya”
“Marka sida muuqata waxaa dhici karta in dilaagi hadda ku suganyahay tareenka” Poirot yiri
“Haa” waxaa ku racay Dr Constantine, “laba iyo tobankii iyo barkii xalay waxaa na celiyay baraf, qof tareenka ka dagayna ma jiro, ama ugu yaraan wax raad ah oo barafka ka muuqda maleh”
“Ugu horayn waa in aan la hadlaa ninka dhalinyarda ah, M Macqueen”, ayaa Poirot yiri, “waxaa dhici karta in uu na siiyo war bixin faa’iido leh”
Maamulihii tareenka ayaa u yeeray Macqueen.
“Wax dhiba miyaa jira?” ayaa ninkii dhillinyarada ahaa ee maraykanku si aan daganaansho ka muuqan u yiri, “wax miyaa dhacay?”
“Haa, monsieur,” ayaa baarihii ugu war celiayay “ qarracan isku diyaari, ninkii aad u shaqaynaysay, M ratchet waa la dilay,”
Indhaha ayaa Macqueen banaanka yimid, balse wax qarracan iyo naxdin ah ma muujin, wuxuuna yiri
“Ugu danbayn waa ay heleen”
“Maxaad ula jeedaa hadlkaas M Macqueen?”
Maqueen inta aamusay xoogaa ayuu yiri:
“Adiguna–?”
“Danbi baare u shaqeeya, compagnie intenationale des wagons, magacayguna waa M hercule , hadda adoo raaliya, bal ii sheeg maxaad uga jeeday haddalkii aaaaa, ugu danbayn waa ay heleen”
“Waxaa loo soo diri jiray farriimo lagu handadayo”
“Ma aragtay adigu xaashiyahaas?”
“Haa, waxaan ahay-ahaa xoghayntiisa, shaqadayda ayay ahayd in aan waraaqaha ka jawaabo, tii u horeysay waxay timid toddobaadkii hore, ma doonaysaa in aad aragtid?”
“Haa, kaalmo ayay noo noqonayaan” ayaa Poirot ugu war celiyay
Macqueen inta baxay ayuu si dhaqsa ah usoo noqday asaga oo waraaqo yar yar oo uskagaysan wada, Poirot si taxadar ku jiro ayuu u akhriyay xaashiyihii gacan ku qorka ahaa.
Ma waxaad u malaysay in aad na dhagri kartid, sidaas ayaad u malaysay sow maaha? Waan ku heli doonaa ratchet!
“Farriimaha kalana ma isla sidaas ayaa ku qoran?” ayaa Poirot weydiiyay
“Haa, waa isku mid, ratchet markuu akhrinayo nin ku qoslaya ayuu iska dhigi jiray, balse waan dareemi jiray in uu war warsan yahay”
“Immisaad ratchet u shaqaynaysay?”
“hal gu’, aad ayuu u socdaal badnaa balse af aan ingiriiska ahayn ma uusan aqoon, turjume Ayaan u aha ka badan intaan xoghayn u ahaa”
“Haddaa bal inta aad awoodo iiga sheeg nolosha ninkaad u shaqaynaysay”
“Ma fududa taas” nin isku ku buuqsan ayaa u ekaa markuu sidaan odhanayay
“Maraykan ayuu ahaa?”
“Haa”
“Maraykan ka xagee ayuu ka yimid?”
“Ma aqaan, wax sidaas ah kama aanan aqoon asaga, waligiis kama uusan hadlin naftiisa ama cidiisa ama noloshiisii maraykanka “
“Maxaad u malayn taas marka?”
“Waxaan u malaynayaa in uu wax qarinayay, wax tagtadiisii ku saabasan, xataa ma hubo in ratchet uu ahaa magaciisa dhabtaa”
“Weydiintii u danbaysay, xariirka adiga iyo ninkaad u shaqayn jirtay ma wanaagsana?”
“Haa, qof ahaantiisa kama aanan helin, balse wax dhiba kuma qabin u shaqayntiisa”
“Kama aadan helin asaga, maxay ku dhacday taas?”
““Dhabtii ma sheegi karo,” inta yara aamusay ayuu haddalkii sii waday “wuxuu ahaa, mase hubee nin naxariis daran oo halis ah, ujeedo aan sidaas ugu maleeyayna ma hayo M Poirot, balse dareenkaas ayaa igu xoog badnaa”
“Waad ku mahadsan tahay daacadnimadaada, Mr Macqueen”
M Poirot iyo Dr Constantine waxay isku raaceen qolkii dilku ka dhacay, gudihiisu aad ayuu u qaboobaa, dariishaduna hoos ay dagsanayd intii ay dagsnaan kartay.
“Dariishadda ma xirin,” ayaa dhaqtarkii yiri, “waxba lagama taaban qolka, aad ayaana uga taxadarayay in aanan dhuuxin maydka markii aan baarayay”
“Si fiican” ayaa Poirot yiri,
Dariishadda ayuu sawir faro ka raadiyay, balse waxba kuma ool,
“Xilligaan danbe danbiilayaashu aad ayay isga ilaaliyaan faraha, waana runtaa Dr, wax raada kuma yaalaan barafka, qof dariishadda ka baxay ma jiro, in kasta oo dilaagu uu doonayay in aan u malayno in uu dariishadda ka baxay”
Poirot dariishadii ayuu xiray wuxuuna usoo jeestay meydkii, ratchet dhabar dhabar ayuu u yaalay sariirta korkeeda, danabi baarihiina waa uu ku foorarasaday oo dhaawacii maydka ku yaalay fiiriyay.
“Immisa dhaawac ayaa ku taal” ayuu weydiiyay
“Laba iyo toban, Ayaan u malayn, qaarkood saas uma sii xuma, balse saddex ayaa ugu yaraan dhimasho gaysan garta, waxaase jira wax la yaab leh, labadaan dhaawac, kan iyo kaas” farta ayuu ku fiiqay,”waa dhaawacyo gudaha u fog haddana sidii caadiga ahayd uma dhiig bixin”
“Oo macnaheedu yahay —?”
“Ninkan muddo ayuu mayd ahaa markii dhaawacyadaan gaareen, balse waxaan dhici Karin ayay u egtahay”
“Hubaal wax aan dhici Karin weeye, haddii aan dilaagu ka war wary in shaqadii uusan si fiican u qaban oo soo laabtay si uu si fiican u hubiyo,” ayuu yiri Poirot, kuna daray, “nalalku ma daarnaayeen?”
“Maya” ayaa dhaqtarkii ugu war celiyay
Poirot in doora ayuu fakaray ka dibna yiri:
“marka sida muuqata laba dilaa ayaa jira, kii hore shaqadiishii ayuu qabsaday, markuu sii baxayayna nalka damiyay, kii labaad qolka oo mugdiya ayuu soo galay, mana uusan ogayn in shaqada uu u socday ama u socotay la qabtay, ka dibna maydkii midi ku mud muday, sidee kula muuqataa adiga?”
“Si fiican,” ayaa dhaqtarkii yiri, “taas waxay caddayn u tahay, sababta dhaawacada qaar ay gudaha u galeen, balse kuwa kale meel kore yihiin”
“haa, balse laba dilaa oo isku habeen ah? Wax in ay dhacaan u badan maaha” Poirot intuu aamusay ayuu haddalkii sii watay, “ma dhici kartaa in dhaawaca gudaha sii jira ay naagi gaysatay?”
“waa dhici kartaa, balse kaliya hadday tahay mid xoog badan”
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply