TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-4

 

sida qof kasta oo tareenka, Poirot  waa ka dharagsanaa sheekada gabadha Mr Hubbard, in ay bare ka tahay kollej weyn oo maraykan ah oo turkiya ku yaal, waxaa kale oo ay ka dharagsanaayeen, ra’yiga Mr hubbard ay ka qabto turkida, caadooyinkooda caajisnimada ah iyo xaaladda xun ee wadooyinkoodaIllinkii xigay ayaa la furay waxaana ka soo baxay adeege caata ah, intaan illinku xirmin Poirot wuxuu arkay m. Ratchet oo sariirta dul fadhiya., Mr Hubbard waxay u dhwaatay  Poirot.

‘“waan ka baqay ninkaas,” ayay si hoos ah u tiri. “ adeegaha maahan ee waa ninka kale, waxaan dareemayaa in uu halis yahay. Illinka igu xiga ayuuna dagan yahay, mana jeclaysan taas, . Mana la yaabeen haddii la yiraahdo waa dilaa”

Gaashaanle Arbuthnot iyo MacQueen marinka dhexe ayay soo maryeen oo xagooda u soo socdeen,. “qolky kaalay,” ayaa MacQueen lahaa, “aan sheekadeena sii wadanee, marka ma waxaad u maleyneysaa in Hindiya British ay— “

Maqalkii codkiina waa dhamaaday markii labadii nin ay qolkii  MacQueen galeen.

“Waan seexanayaa,” ayaa Mrs Hubbard ku tiri Poirot. ‘Habeen wanaagsan’.

Poirot wuxuu galay qolkiisii gaarka u ahaa, oo ahaa tan ku dhagan qaybta ratchet, muddo saacad barkeeda ayuu sariirta ku dul akhristay ka dibna nalka iska damiyay,

Wuxuu ku kacayhal saac  dabadeed qaylo, u ekayad oohin xanuun, oo meel aan ka fogayn ka imaanaysay, waxaana qaylada daba socday shanqar koor [kambaleel]la garaacay.

Poirot hurdadii ayuu ka kacay oo nalkii shiday, wuxuuna dareemay in tareenku istaagan yahay oo uusan socon, asaga oo xasuusan in ratchet oo daganaa qolka ku dhagan kiiisa, ayuu sariirtii ka dagay oo illinkii furay, kormeerihiina wuxuu si dhaqso leh ugu soo socday marinka dhexe, illinkii ratchet ayuu garaacay, wax jawaaba kama soo bixin, koor kale ayaa ka dhawaaqday dhinaca kale ee marinka, nalna waa ka shidnaa, qof ayaa markaas afka farnsiiska ku yiri, “Ce n’est rien. Je me suis trompe.” waxba maahan, waan qaldamay,

“waa hagaag , , Monsieur” ayaa kormeerihii yiri, oo aaday dhinaca illinka nalku ka shidnaa, Poirot sariirtiisii ayuu ku laabtay, goorsheegtada ayuu eegay, waxay ahayd kowdii oo labaatan iyo saddex daqiiqo dhiman.

Hurdo ayaa ka soo dhici weyday, buuqa tareenka ka dhex yeeraya wuxuu u muuqday mid badan, wuxuu maqlayay dhaq dhaqaaqa ratchet ka qolka ku xiga dagan, iyo dhabbaha dhexe oo shanqar saan ka socoto.

Haraad ayuu dareemay Poirot, wuxuu iloobay in uu mar hore kormeeraha weydiisto  dhaladii biyaha ahayd, sidii caadada u ahayd, wuxuu ku fakarayay in uu koorta garaaco si karmeeruhu ugu yimaado oo uu biyo u weydiisto, balse meel kale ayaa koor laga garacay, ting….ting…..ting.

Poirot waa uu iska sugay waayo laba meel hal mar kormeeruhu ma wada tagi karo.

Koortii waa dhawaaqday oo haddana dhawaaqay, sida muuqata qof ayaa samirku ku yaraa, ugu danbayn kor meerihii waa uu u tagay wuxuuna maqlayay Poirot asaga oo raali galin bixinaya, cod haween ayuu maqlay, Mrs Hubbard, in doora ayay hadlaysay, kormeeruhuna mar mar ayuu haddal ku dhex darsanayay, ka dib kormeerihii wuxuu ku yiri habeen wanaagsan, illinkiina waa la xiray.

Poirot koortii ayuu yeriyay waxaana u yimid kormeerihii oo caro ka muuqato, wuxuuna yiri,

“wa Mr.hubbard, waxay ku leedahay qolkeeda nin baa ku jira, adba malee, qol intaan la eg xagee ayuu kaga dhuuman karaa? Waan u sheegay waxaas wax dhici Kara maahan, warse waa iga maqli diiday, awalbaa dhib nagu filan na haystay oo barfkaan—”

“baraf?”

“haa, Monsieur. Baraf aad u badan ayaa jidka yaal, waa tan tareenka loo joojiyay, in aan maalmo halkaan ku xayirnaano ayaa dhici karta”

Biyihii inta u keenay Poirot ayuu habeen wanaagsan ku yiri

Poirot biyihii ayuu cabay waana uu seexday, balse durbaba waa kacay, wuxuu dareemay in shanqar weyn ay ka yeertay qaybta ku dhagan, ma waxbaa irida ku dhacay? Sariirtii ayuu ka booday oo banaanka eegay, waxba ma jiraan, kaliaya wuxuu marinka dhiniciisa shishe ku arkay naag dharka jiifka oo guduudan xiran, iyo kormeerihii oo waraaqo eegaya, xaalku waa daggan yahay.

“War war kaan waa in aan joojiya” ayuu naftiisa u sheegay, sariirtiina dib ugu laabtay tan iyo aroortiina hurday.

 

 

CUTUBKA LABAAD

 

NIN NAXARIIS DARAN OO HALIS AH

 

 

 

Kolkii Poirot uu hurdada ka kacay, treen kii weli waa uu istaagnaa, baraf aad u badan Ayaana ku hareeraysnaa, qof kasta oo makhaayada joogaynaya wuxuu ka cabanayay daahida,

“immisaan halkaan sii joogaynaa?” mary debenham ayaa weydiisay “qof yaqaan ma leh miyaa?”

Codkeeda waxaa ka muuqday Samir yari, sida ay hadda u dhibsanayso daahniinkaan, uma aysan dhibsanayan daahniinkii intaan la soo gaarin istanbuul.

Mrs Hubbard u jawaabtay,

“tareenkaan asaga oo dhhan ba cid wax ka garaynaysa maleh, cid isku dayaysa in ay wax ka qabatana ma jirto, haddii ay maraykanka ahaan lahayd, dadku wuxuu isku dayi lahaa in ay wax uu qabtaan, gabadhaydaa waxay tiraahdaa……”

Aroortiina sidaas ayay ku socotay, Poirot wax badan ayuu ka ogaaday gabadha Mrs hubbard, iyo Mr hubbard ba, kaas oo mar aan fogayn dhintay.

Poirot dhinac ayuu isku babcay wuxuuna suxulkiisa agtiisa ka arkay kormeerihii, kormeerihii xalay maaha, waa mid kale oo weyn, wuxuuna ku yiri Poirot,

“raali iga ahoow, , Monsieur, M bouc, waa uu ku farxi lahaa haddii aad u tagi kartid dhowr daqiiqo”

Poirot dumarkii ayuu u cudur daartay oo kormeerihii u daba galay qaybtii kale.

M bouc wuxuu la fadhiyay nin bar yar oo aan aad u cadayn, oo unifoom buluug ah xiran, -maamulihii tareenka- kormeerihii xalayna wuxuu istgaagnaa daaqada agteeda.

“Saaxiibkaygii wacnaa, waxaan u baahanahay kaalmadaada” ayaa M bouc si kor ah u yiri

M bouc waxaa ka muuqday war war, Poirot na durbadiiba waa gartay in arrintu dhab tahay.

“Maxaa dhacay?” ayuu weydiiyay

“Waa hagaag, markii hore barafkaan dhibka badan iyo daahniinkaan, haddana.”

Haddalkii ayuu joogiyay

“Haddana maxaa?”

“Haddana qof rakaabka ka mid ah ayaa gogoshiisii lagu dilay oo dul saran”

“Waa kuma kaas?”

“mid maryakan ah, oo la yiraahdo-oo la yiraahdo” M bouc wuxuu eegay waraaqo uu gcanta ku hayay “ratchet, waa musiibo, dil kaligiis baa wareer ahaa, balse tareenkii xataa ma dhaqaaqi karo, dhowr maalmood in aan halkaan joognaa laga yaabaa, booliis la socda tareenkana ma leh, dr Constantine na wuxxu u malaynayaa in qofkii wax dilay uu nagu dhex jiro”

Ninkii barta yaraa ayaa hadlay markaas.

“Daaqda qolka ratchet ayada oo ballaqan ayaa loo tagay, balse wax raad ah kuma yaalaan barafka dushiisa, qof tareenka dhinacaas ka aaday am aka kaga dagay majiro”

“Immisadii ayaa dilku dhacay?” ayaa danbi baarihii weydiiyay

“Xilli go’an in la sheego waa ay adagtahay”, ayaa daqtarkii ugu war celiyay, “balse waxay u dhaxayn kartaa saqdii dhexe ilaa labadii aroortii”

“Goorma ayaa la ogaaday dhacdadan”

M bouc wuxuu ku jeestay Michel, kormeerihii dariishadda ag joogay oo ay ka muuqato baqdin.

“Adeegaha oo makhaayda ka yimid ayaa doonayay in uu ogaado haddii monsieur ku qado rabo” ayaa kormeerihii yiri, “illinka markii uu garaacay wax jawaab ah ma uusan helin, furahayga Ayaan markaas ku furay illinkii, balse sil sildii  ayaa ku jirtay, waxaan u yeearay maamulaha tareenkanka, sil siladiina waan jarnay gudahana u galnay, wax baqdin leh ayay ahayd, baqdin,”  calaacalahiisiina ku daboolay foolkiisa.

 

Turjime

Suladaan Cali Adam Ameriko

 

 

 

 

 

Leave a Reply