TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-21

 

Poirot dadkii ayuu eegay intii uusan haddalkii sii wadin.

“Durbadiiba waxaa ii cadaatay in intiina badan aad been sheegayseen, Mr Hardman, ama qolkiisa seexo ama qol kale oo aad ka arki kartay illinkiisa joog, waxaad ii sheegtay wax macna ah ma samaynayaan, kaliya waxay markhaati u noqonaysaa in qof tareenkaan saran uusan dilin Ratchettt”

“Miss Miss Debenham iyo gaashaanle Arbuthnot, Konya markii la joogay wuxuu ugu yeerayay Mary, nin darajada gaashaan laha oo kale joogana dumarka uguma yeero magacooda koowaad, gaar ahaan markii ay xilligaas is barteen, waxaa cadayd marka in ay been sheegayeen oo ay xariir lahaayeen”.

“Mrs Hubbard qudheedu gaf ayay samaysay, waxay tiri boorsadeedu wxay surnayd gacanka illinkeeda ayada iyo Ratchettt u dhaxeeya, qataarkana qarisay, taasna wax dhici kara maahan waayo qolalaka 2, 4, 12, tusaale ahaan, iyo qolalka lambarka dhabanka ah oo dhan, qataarku waa ka hooseeyaa gacanta iilinka, balse qolkeeda lambar 13 qataarku wax badan ayuu kor ka jiraa gacanta illinka, mana ku qarsoomi karo boors la suray, waxay cadayd in Mrs Hubbard ay sheekadaas ayadu samaysay”.

“goorsheegtada jeebka surweelka jiifka ee Ratchettt ku jirtay ayaduna wax kale ayay ahayd, meel goorsheegto la galiyaa badan ee ciriirigaas qof isgalinaya!! waan hubay in taasna ay ahayd raad been ah, Ratchettt marka ma xilli hore ayaa la dilay, markii qayladu qolkiisa ka soo baaysay?

“Maya, Ayaan u malayn, si aad ah ayuu u maandoorsanaa Ratchettt sidaa darteed isma difaaci Karin, ma qaylin Karin, waxaan qabaa in qayladii kowdii oo  labaatan iyo saddex daqiiqa la’ iyo weedhihii af ka Faransiiska ahaa ay ahaayeen qorshe la ii dagay si la ii wareeriyo, Macqueen wuxuu ii sheegay in Ratchettt uusan aqoon Faransiiska, waxaa loola jeeday in aan ku fakaro in dilku xilligaas dhacay.

“Xilliga dhabta ah ee dilku dhacayana? Waxaan u malayn in uu ahaa labadii meelahaas, qofka dilayna?”

Waa uu aamusay asaga oo fiirinaya dadkii, shib ayaana is qabsatay goobtii.

Hadalkii ayuu sii wata.

“Qof kasta danbi la’aantiisa waxaa cadeeyay oo markhaati u ahaa qof kale oo idin ka mid ah, inta badan, mid aan horay saxiib ula ahayn, Macqueen, Arbuthnot, kan inigriiska ah ee madaxa adeegayaasha ah, talyaaniga, marwada Swedish ka ah, iyo aqal maamushadda Ingriiska ah, “waa wax yaab le”Ayaan is iri, “ayaga oo dhan danbiilayaal ma noqon karaan”

“mudane iyo marwooyin, waxaan odaagay ka dib, in ay dhammaan danbiilayaal yihiin, wax dhici kara maahayn in dad intaas tira la’eg oo dhamman xariir la lahaa Armstrong , ay si kadis ah hal tareen isugu yimaadaan, tan kaliya ay ku dhici karto in ay isgu yimaadaan wa in qorshe la soo dajiyay uu yahay, waxaa kale oo taas markhaati u ah tareenkaan cariiriga ah iyo xilliga lagu jiro oo aan caadi ahayn, laba iyo toban socoto ah ayaa ka danbeeyay dilkii Mr Ratchettt, laba iyo toban tooray ayaa ku taalay jirka Ratchettt, Ameerika, kiisas ka dilak waxaa go’aan ka gaara koox dad ah, oo laba iyo toban ka kooban.

“Rachett waa ka fakaday ciqaabtii iyo xukunkii maxkamada maraykanka, in kasta oo aan caad cidna ka sarnayn in uu danbiile yahay, markii maxkamadii wax ka qaban weyday, ayaa koox laba iyo toban qof ka kooban go’aansadeen in ay si kale u ciqaabaan Ratchettt, durbadii si cad ayaa kiiskii iigu muuqday markaas.

“wax walba waa la sharraxay, dhaawacyada yaabka leh ee aan dhiigin, warqadaha hanadaada beenta ah ay ku qornayd oo cadayn ahaan loo sameeyay, ninka codka naagta leh ee aan qof tareenka saran u ekayn iyo kormeeraba, waxaan rumaysnahay in qof walba uu galay qolka Ratchettt, asaga oo u soo maray qolka Mrs Hubbard markaas hal mar ruubiyay tooreyda, cid ogaan kartana ma leh dhabtii qofkii oo gacan tiisa ku dhintay.

“Cadayn walba si faah faahsan ayaa loo qorsheeyay oo loo dajiyay, xalka kaliya ee muuqdayna wuxuu ah in dilaa soo koray tareenka, ninka dilay kadibna dagay isla habeenimadii, balse baraf ayaa yimid, Ayaan darradii ugu horreysay,

Waxaan qiyaasayaa in shir dag dag ah la yeeshay, dhamaantoodna ay go’aanseen in qorshihii meeshiisa laga sii wado, waa cadayd markaas in danbiilaha la tuhmayo in uu yahay qof tareenka saraan, balse waxaa qofba kan kale ku difaacayay sheekadiisa, raadad dheeeraad ahana waa ku dareen si jaha wareer u yimaado, bayb tir tire, fistileeti naageed, dhar jiif oo dumar oo casaan ah, maradaasna waxaan u malaynayaa in ay lahayd marwo Andrenyi, waayo dhar jiif boorsadeeda kuma jirin”

“Macqueen wuxuu ogaaday in aan ku aragnay warqada la gubay magaca Armstrong, intiina kale ayuuna u sheegay, waxay ahayd taasna Ayaan darradii labaad ee ay la kulmaan, war war ayaana ku yimid marwo Andrenyi, odageediina wuxuu badalay magaceedii baasaboorka.

“qorshahoodu marna ma guulaysteen haddii aysa gacan ka helin, kormeere Michel, balse haddii uu kooxda ka mid ahaa, saddex iyo toban ayay ahaayeen, ma ahayn laba iyo toban, waxaanse qabaa marwo Andrenyi oo sabab fiican oo ay ku disho Cassette haystay, in ay tahay tan kaliya ee aan dilkiisa ka qayb qaadan, odageedu wuxuu noogu dhaartay in aysan habeenkaas qolkeeda ka bixin, ana waa ka rumaystay.

“Balse muxuu Michel kii dacada ahaa lugta ula galay waxaan? Waa nin wanaagsan tareenkana wax badan ka shaqaynayay, markaas waxaa soo xasuustay Susanne, ilma haysadii Armstrong, ee Faransiiska ahayd, waxaa dhici kara in gabdhaas ayaan darradu ku dhadday ay ahayd gabadhii Michel, kuwa kalana? Arbuthnot ciidanimadii ayuu saaxiib la ahaa Armstrong, Hildegrade, waa cunno kariyii cida, Hardman, baare ayuu ka ahaa kiiska ama waxaa dhici karta in uu jeclaa Susanne, Mrs, Hubbard shaqadii u adkayd ayaa ku timid, oo waa qolkeeda halka qof walaba uu uga gudbayay Ratchettt, qof yiri waa uu la joogayna ma jirin, si qaybtaan adag loo jilo oo ah habar doqon ah, waxaa loo baahnaa qalajo dhab ah oo jili karta, marwo Armstrong hooyadeed, linda arden.

Waa uu joojiyay haddalkii.

Markaas ayay cod dabacsan oo aan ahayn kii ay ku hadlaysay intii socdaalka lagu jiray, Mrs Hubbard ku tiri.

“Waligayba waan jeclaa in aad jilo qaybta dadka yaabka leh, balse gafka boorsada ayaa doqonimo ahaa, howsha waxaan ka soo bilownay dhinaca bari, markaas waxaan ahaa qol lambar dhaban ah, saas Ayaan filayaa”

Inta dhaqaaqday oo Poirot qumaati u eegtay ayay tiri.

“wax badan ayaad male ku soo saartay, M Poirot, balse ma qiyaasi kartid maalintii new York ee Hector Macqueen noo sheegay in maxkamadii ay sii daysay Cassette, murug iyo ciilkii aan la waashay, iyo shaqaaluhuba, gaashaanle Arbuthnot waa uu joogay, wuxuu ahaa Robert Armstrong saxiibkiisa koowaad.

“Noloshayda ayuu dab baadiyay” Arbuthnot yiri,

Mrs Hubbard warkii sii waday.

“Markaas Ayaan go’aan sanay in aan marino ciqaabtii maxkamaddu ku guul daraysatay in ay mariso, malaha waan waalnayn, ma aqaan, laba iyo toban Ayaan ku joognay-maya kow iyo toban, Susanne aabaheed faransa ayuu joogay, Mary ayaa qorshaha oo dhan la samaysay Hector.

“muddo ayay nagu qaadatay in aan qorshaha salka u dhigno, Hardman ayaa soo helay Ratchettt, ka dib Master man iyo Hector ayay ahayd in ay shaqo ka helaan tareenka, asaga ayaana ka helay, shir Ayaan la yeelanay Susanne aabaheed, gaashaanle Arbuthnot muhiim ayay u ahayd inaan ahaano laba iyo toban, qaabka ayay toosinaysaa, sidaas ayuu yiri, Michel waa naga ogolaaday, waan ogayn in Ratchettt uu bari ka imaanayo oo tareenka bari ee dheereeya soo qaadanayo, waxayna noogu muuqatay in ay tahay fursadii ugu fiicnayd.

 

 

 

“Waxaan isku daynay in aan qaybta oo idil kiraysano, balse Ayaan darro qol ayaa mar hore laga soo qabsatay shirkada tareenka,” waxay u dhoollacadaysay, M Bouc, “dabcan Mr Harris Ayaan been abuurnay, ma yanaan rabin qof soo galootiya in uu qaybtaan soo dago, balse ugu danbayn adaa yimid M Poirot”

Intay yara aamustay ayay tiri.

“Haye, hadda waad ogtihiin wax walba, maxaad ka qabanaysaan? haddii qof la ciqaabayo kaligay sow ima eedayn kartaan, danbiga kaligayd ima saari kartaan? Wax faa’iido ah ma leh in dadkaan wanaagsan oo dhan dhib lugaha loo galiyee, miskiin michel, Mary iyo gaashaanle Arbuthnot waa is jecel yihiin aad iyo aad —”

Poirot wuxuu eegay saaxiibkiis oo ku yiri

“Maxaad ka leedahay M Bouc?”

M Bouc inta yara qufacay ayuu yiri

“Aniga wxay ila tahay, xalkii hore ayaa quman, muran la’aan, dilaagii tareenka wuxuu kaga dagay vincovni, waxaan soo jeedinayaa in xalkaan aan u sheegno booliiska Yugoslav ka, ma igu raacsan tahay Datoore?”

“Hubaal waan kugu raacsanahay,” Dr Constantine yiri, “waxay u malaynayaa in markii aan sameeynayay-ee- cadaymihii baaritaanka dhaqtarnimo aan gaf sameeyay oo si aan sax ahayn aan wax u arkay”

“Marka” Poirot yiri, “kiiskii waan xallinay, howshaydiina waa ii dhamaatay”

DHAMMAAD

Diyaarye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

 

 

 

Leave a Reply