“Markana bal aan talyaanigaagii aragno, M Bouc” Poirot yiri
Talyaanigii weynaana durbadiiba waa yimid asga oo dagaansho aysan ka muqan oo yiri,
“Maxaad rabtaan? Waxaan ogaa oo dhan waan idiin sheegaye”
“Hadda waxaan rabnaa sheekada runteedii,” Poirot yiri, “mar hore Ayaan ogaanay, balse waxaa wanaagsan in aad adigu noo sheegto?”
“Sida booliiskii maraykanka ayaaba u hadlaysaaye,” asaga oo xanaaqsan yiri,”“runya sheeg” ayay yiraahdaan, “qaaligu waa kuu naxariisanayaaye”“
“Ah, marka waad soo aragtay booliiska New York?”
“Maya, maya waligay, waxba waa igu cadayn waayeen si kasta oo ay isugu dayeen”
“Dhacdadii Armstrong ayay ahayd taas, sow maaha?”si dagan Poirot u yiri, asaga oo indhaha ka eegaya talyaanigii “baabuurtaad ku wadi jirtay, darawal ayaad u ahayd?”
“Haddii aabad ogtahay maxaad iga weydiin?” talyaanigii yiri
“Saaka maxaad beenta u sheegtay?”
“Arrimo ganacsi la xariira, waayo ma doonayan in ay wax I weydiinyaan booliiska Yugoslav ku, talyaaniga waa necbyihiin, xabsi ayay iskaga kay tuuri lahaayeen”
“Laga yaabee in aad xabsi istaahishid”
“May, may, anigu ninkaas ma dilin, ninka Ingriiska foolka dhuuban ayaaba idiin sheegi kara in aanan dilin”
“War fiican, waad bixi kartaa” Poirot yiri
“Ninkaas doofaar ayuu ahaa” ayaa talyaanihii Foscarelli kor u yiri, indhihiisana ilama ayaa ku soo joogsatay, “Daisy yaray, waa ay wanaagsanayd, Fatuurdayada ayay ku ciyaari jirtay, shaqaalaha dhan waxay odhan jireen waa gabar wanaagsan”
Poirot wuxuu u yeeray, Ohlsson, ayada oo ilamynasa ayay timid oo kursi danbi baaraha ka soo horjeeda sal sal iskugu tuurtay
“Ha warwarin, Mademoiselle,” Poirot si naxriis leh u yiri, “waxaad ahayd kalkaalisadii Daisy Armstrong”
Ayada oo oynaysa ayay tiri.
“Waa runtaa, aah, wax macaan ayay ahayd, gabar yar oo naxariis badan” in ay hadalka sii wadi karto uma muuqan, “waan qaldanaa saaka, cabsi ayaa igu jirtay, cabsi, aad Ayaan ugu farxsanaa in ninkaas shaydaanka ah uu dhintay, si uusan caruur kale u dilin”
Poiro si naxariis leh ayuu garabka uga taabay, yirina.
“Waan gartay, waan gartay wax walba, wax danbana ku weydiin mayo”
Naagtii Swedish ka ahay si aayara ayay uga baxaday makhaayadii ayada oo illin wax la arki la’, irridka waxay kaga hortagtay nin soo galaya, wuxuu ahaa madaxa adeegayaasha, Masterman
“Iga raali ahoow mudane,”ayuu ku yiri cod aan wax dareen ah ka muuqan, “waxaan ila qumanaatay in aan haddaba kuu sheego in aan u shaqayn jiray Mr Armstrong xilligii dagaalka iyo ka dib New York, waan ka xumahay in aanan horey kuugu sheegin”
“Ma intaas uun baa waxaa doonaysay in aad ii sheegto?” ayaa Poirot yiri asaga oo ninkii eegaya
“Haa, mudane,”
Markii Poirot hadli waayay ayaa ninkii sii jeestay oo baxay
“Tani waxay la mid tahay sidii buugta sheekooyinka dilka qarsoon” Dr yiri
M Bouc na waa uu ku raacay oo yiri
“Laba iyo toban socoto ah oo sagaal kamid ah xariir la leeyihiin kiiskii Armstrong”
“Laga yaabee in aan gabidoog aan ku dari karno collection keena” ayaa Poirot oo dhoolla cadaynayaa yiri, “waxaa dhic kara in ay joogaan-ma aqaane-jardiin hayhii, guri hayihii, iyo kariyihii Armstrong”
“In la rumaysto taasi waa ka badan tahay, dhamaantood xiriir ma wada lahan karaan” M Bouc yiri
“Ma aadan garan, dhammaantiin ma Aydan garan” Poirot yiri
“Adigu ma garaty?” M Bouc ku yiri, “adigu ma ogaatay yaa dilay Ratchettt?”
“Oh, haa,” Poirot yiri, “in muddo ah waan ogaa” inta xoogaa amusay ayuu ku yiri M Bouc
“Fadlan, isugu yeer dhammantood halkan, laba xal ayay lahaan kartaa arrintaan, in aan idiin faah faahiyaan rabaa dhammaantiine”
Socotadii waxay iska soo buuxiyeen makhaayadi oo fariisteen, waxaana ka muuqday war war
Kormere Michle wuxuu weydiisatay Poirot in uu gob joog ahaan karo
“Dabcan, Michle” ayuuna ugu war celiyay.
Markii uu istaagay iyo qufac yar ka dib wuxuu yiri
“Mudanayaal iyo Marwooyin, halkaan waxaan iskugu nimid in aan helno qofkii dilay, Samuel Edward Ratchettt-sdioo kalana loo yaqaan Cassette, laba xal ayayna yeelan kartaa dhacdadaan, waana idiin faah faahin doonaa labada xal, M Bouc iyo Dr Constantine na waxay go’aamin doonaan xalkii sax ah.
“Mr Ratchettt wuxuu dhintay xalay abbaaraha intuuu dhaxaysay, laba iyo tobankii tan iyo labadii, nusa saaco markii la gudbay saqdii dhexe tareenku wuxuu la istaagay baraf dartiis, xilligaasna wax dhici kara ma ahayn in qof tareenkaka dago.
“xalkayga koowaad wuxuu yahay, qof nacab u ah Ratchettt ayaa tareenka ka soo koray magaalada Belgrade, wuxuuna xirnaa dharka kormeeraha wuxuuna watay fure kormeere, oo uu ku furay qolka Ratchettt ee xirnaa ka dibna midiyeeyey oo dilay, ka diba aaday qolka Mrs Hubbard”
“Waa run taas” Mrs Hubbard tiri
“Mididii wuxuu ku dhex riday boorsada Mrs Hubbard, asaga oo aan war ka hayna waxaa ka go’ay jaakadiisii badhan, ka dib wuxuu aaday marinka, yuniforkiina uu ku tuuray qol maran oo dharkiisii cadiga ahaa xirdhay, tareenkana wuxuu ka dagay markii la yimid vincovci asga oo adeegsaday illinka makhaayada u dhow”
“Faah faahintaas ma soconayso,”ayaa M Bouc yiri, “aaway codkii laga maqlay qolkiisa kowdii oo labaatan iyo saddex daqiiqa la’”
“Kaas Ratchettt na ma ahayn dilaagana ma ahayn, laga yaabee in uu ahaa qof doonayay in uu la hadlo Ratchettt kana dul dhacay asaga oo mayd ah, ka dibna koorta garaacay si uu kormeeraha ugu sheego, markii danbana is rogay asaga oo ka baqaya in dadku u maleeyaan in uu asagu dilay”
Amiirad Dragomiroff si la yaab leh ayay u eegaysay Poirot, waxayna tiri
“Caddayntii shaqaalahaygu arkayna, oo ay aragtay nin yunifoomka xirnaa kowdii iyo rubuc, taas sidee u faah faahin?”
“Taas waa fudayad, fistileetigaaga ayay aragtay, sheekadaan ayay alifatay si ay adiga kuu badbaadiso”
“Wax walba waa aad ka fakaraty” ayaa Amiiradii tiri
Waa la wada aamusay, ka dib qof kasta wuxuu ku soo baraarugay Dr Constantine oo miiska calaacasha ku dhuftay.
“Maya maya, oo haddana maya, faah faahintaas siyaabo badan dartood mid shaqaynaysa maahan. Adna waad ogtahay sidaas Poirot” ayuu yiri
“Marka xalkii labaad Ayaan sheegayaa, balse kii hore ha illoobin in aad hadhoow igu raacdid ayaa dhici kartee”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply