CUTUBKA SIDDEEDAAD
LABA XAL
Gaashaanle Arbuthnot ayaa mar kale makhaayadii loogu yeeray, asaga oo ay ka muuqato in uu dhibsanayo ayuu soo galay oo yiri.
“Haye?”
“Ugu horrayn waxaan rabaa in aan ku tuso cad tir tire bayb ah,” Poirot intuu u taagay, “kan ma adaa leh?”
“Ma aqaan, sumad ii gaaran ma saarto anigu”
“Qofka kaliya ee bayb dhuuqa ee tareenkaan saran waa diga, tirtirahaana waxaa laga helay meydka agtiisa, ma noo sheegi kartaa gaashaanle sidee tir tiruhu halkaas ku tagay?”
Haddalkii in uu la yaab ku noqday gaashaalaha ayaa ka muuqatay.
“Ma aqaan, kaliya waxaan idiin sheegi karaa in uusan iga dhicin aniga”
“Mr Ratchettt ma adaa dilay?
“Waligay xataa lama hadlin, haddiise aan dili lahaa idiin ma sheegeen, miyaan idiin sheegi lahaa?”
“Taasi dhib maleh, waxaanse u rabay in aan ku arko waa arrin kale, ee Miss Debenham ma kuu sheegtay in aan sheekadiina maqlay markaan joognay konya?
Arbuthnot uma war celin, Poirot ayaa sii watay haddalkii.
“waxay tiri ‘hadda maahan, markii wax dhan dhamaadaan, markay na dhaafto” ma taqaan earaydaas waxay uga jeeday?”
“Ma doonayo in aan ka jawaabo weydiintaan”
“Sirta gabadha ma sheegasyid miyaa?”
“Waa sidaas”
“Xataa haddii laga yaabo in ay dilaa tahay?”
“Waxa kan waa waalli, Miss Debenham maaha dilaa”
“ Miss Debenham wayax u shaqynaysay Armstrong markii Daisy la af duubtay” Poirot yiri
Amusnaan yar ka dib ayaa Poirot yiri.
“Fiiri, intaad u malaynaysid ka badan Ayaan ognahay, haddi Miss Debenham aysan danbi lahayn, maxay u tiri waligeed Ameerika ma tagin?”
“In aad gafsantahay ayaa dhici karta” ayaa gaashaanlihii yiri asaga oo qufacaya
“Maya, ma qaldani, maxay Miss Debeham beenta iigu sheegtay?”
“Waxaan soo jeedin lahaa in aad ayada weydiiso, in aad wali qaldan tahay Ayaan u malayn”
Poirot adeegayaashii mid ka mid ah ayuu u yeeray ooo ku yiri;.
“Fadlan, iigu yeer marwada English ka ee qolka lambar 11”
Intii Miss Debenham ka imaanaysay affarta nin aamusnaan ayay ku fadhiyeen, aad ayay u qurux badnayd Miss Debenham, in yar ayay eegtay Arbuthnot, wax yar, ka dibna Poirot ku tiri.
“Ma in aad I argit ayaad rabtay?”
“In aan wax ku weydiiyaan doonayay, maxaad noogu tiri waligaa maraykanka ma tagin, waxaan hadda oganahay in aad ku noolayd aqalka Armstrong xilllii Daisy la af duubay”
Mar qudha ayaa foolkeedii is rogay, haddana sidiisii ku soo laabatay.
“Sababata aan beenta idin kugu sheegay waa fududahay,” ayay tiri, “waxaan u bahnahay in aan shaqaysto, waana ogatahay dhibka lagu helo laguna haysto shaqada maamule guri, haddii magacyga lagu xusi lahaa dhacdadaas oo sawiradayda lagu soo saari lahaa wargaysyada Ingriiska, sumcadaydu waa bur buri lahayd waligayna shaqo ma heleen mar kale”
“Balse haddii aadan wax danbiya lahayn, wax dhibaata ah maleh”
“Dadku waxay xasuustaan oo kaliya foolasha iyo magacyada, balse ma xasuustaan yaa danbiile ah iyo yaan ahayn”
“Mademoiselle, markasta in runta la sheego ayaa wanaagsan, waxaad kale oo aad qarisay in marwo Andrenyi ay tahay marwo Armstrong walaasheedii yarayd”
“Marwo adnrenyi? Oo dhab ah?” madaxay ruxday, “waa dhici kartaa in aysan maan gal idinla muuqan, balse daacadii in aanan aqoonsan, saddex gu’ ka hor ayaa igu danbaysay, dugsi ayay dhiganaysay, si kale ayay u egtahay, been maahan markii aa naan arkay qof aan arki jiray waa iila muuqatay, balse waan soo dhifan waayay qofka ay tahay, markaas ka dibna danba kama galin ayada oo anaa taydu I haystay”
“Sirtaada ma ii sheegaysaa?” Poirot yiri
“Ma awoodo in aan kuu sheego, ma awoodo”
Si lama filaan ah ayay sacabada foolka ugu qarisay, waa ay oynaysay, qof qalbi jabsan ayay u ekayd.
Gaashaanlihii inta soo booday ayuu dhinaceeda istaagay si uu naxariis ugu dhawaadayoo ku qayliyay Poirot yirina.
“Laf kasta Ayaan ku jabin”
“Monsieur” ayaa M Bouc ku qayliyay, balse Arbuthnot wuxuu la hadlayay gabadhii.
“Mary, waan ku baryayaa—”
Intay sare joogsatay ayay tiri.
“Waxba maahan, wax kale miyaad iiga baahan tahay M Poirot? Haddaad iiga baahato waad I soo raadin kartaa, oh, doqon baan u ekaaday”
Si dhaqso ah ayay goobtii uga baxday, Arbuthnot na waa daba joogay
“Haye jaalle, mala kale oo wanaagsan” M Bouc oo dhoolla cadaynayaa yiri
“Side ku ogaatay?” ayaa Dr kii weydiiyay asaga oo qiimaynaya
“Waa ay fududayd, marwo Miss Debenham Ayaan ka ogaaday”
“Sidee?”
“markii aan weydiiyay, naagta aqalka maamulaysay magaceeda, waxay tiri freebody, in aydaan aqoon ayaa dhici karta mudanayaal, balse dukaan waxaa ku oolli jiray London la oran jiray, Miss Debenham and freebody, maskaxdeeda ayada oo ku haysay magaca Miss Debenham, magaca freebody ayuu ahaa kan kaliya ee ay dhaqso u soo dhifan kartay, durbadiiba waan gartay markaas”
“Wax danbe oo aan la yaabayo maleh,” M Bouc yiri, “qof kasta oo tareenka saaran waxaa cadaatay in uu saxiib la ahaa reer Armstrong”
“Been maaha waa kiisyaab leh,” ayaa Dr Constantine yiri.
“Markana bal aan talyaanigaagii aragno, M Bouc” Poirot yiri
Talyaanigii weynaana durbadiiba waa yimid asga oo dagaansho aysan ka muqan oo yiri,
“Maxaad rabtaan? waxaan ogaa oo dhan waan idiin sheegaye”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply