Mrs Hubbard waxay bilowday in ay ka war washo daahida tareenka,
“Sidaan doonta Ayaan ku gafayaa oo iga tagaysa, dhib badanaa–”
Poirot ayaa hadlkii ka dhex galay oo intaysan mar kale ilmayn yiri.
“Qarracan ayaa ku helay, Madam, waxaa ila wanaagsan in aan qaxwo doonano”
“Sidaas ayaa wanaagsan, mahadsanid”
Qaxwdii ayaa loo keenay Mrs Hubbard, Poirot na wuxuu weydiiyay in uu boorsadeeda baari karo waana ay ogolaatay, balse wax la daneeyo kuma jirin, baritaankii qolka Mr Hardman sidoo kale mira dhal malayn, balse boorsadii gaashanle Arbuthnot waxaa laga helay box ay ku jiraan bayb nadiifiyaal la mid ah kii laga helay goobtii dilka.
Poirot wuxuu ku xijiyay qolkii Mudane iyo Marwo Andrenyi, markii uu galay poirot qolka, Mudanuhu wuxuu fadhiyay illinka agtiisa oo wargays ku akhrisanayay, xaaskiisu kursi ayay ku kuusnayd dariishadda u dhow, in ay hurudana waa u muuqatay.
Baartitaan ka dibna Poirot wuxuu yiri asaga oo boorsa buluug ah kor u qaaday.
“Xaashida sumada boorsadaadu waa qoyan tahay, Madame”
Kursigeedii ayay ku kuusnayd uma jawaabin, wax danayn ah oo ku saabsan dadkaan u yimidna kama muuqan.
Waxaa ku xigay qolka ay wdaagaan Miss Mary Debenham iyo Freta Ohlsson, Poirot na wuxuu u faah faahiyay ujeedkiisa.
“Miss Ohlsson, markaan boorsadaada baarno, u tag Mrs Hubbard, waxaan u wareejinay qaybta kale, aad ayay u calool xuntay qof la hadla waa iska rabi lahayde”
Ayaduna inta boorsadii u furtay Poirot si uu u baro ayay Mrs Hubbard aaday, si dhaqso ah ayuu u baaray oo ku jeestay miss Miss Debenham oo asaga eegaysay.
“Maxaad u dirtay miss Ohlsson?”
“Sida ay islaanta maraykanka ah u kaalmayso”
“Mar marsiyo wanaagsan, balse waa mar marsiyo,” intay dhoola cadaysay,”in aad kaligay ila hadashid ayaad doonaysay, sow maaha?”
“Sida aad u malaysid uma qorsho fiicnid miss Miss Debenham”
“Fadlan, doqon ma ahi, si baad u go’aansatay in aan anigu mas’uul ka ahay danbigaan xun”
“Adiga ayaa sidaas is ka dhaadhiciyay”
“Ma, iskama dhaadhicin, waqti asaga oo aan naga dhumin, waxaad odhan lahayd dheh”
“Sidaad jeceshahay, Mademoiselle, suuriya markaan ka nimid waxaan istagnay konyo, anoo luga baxsnaya Ayaan maqlay adiga oo ku leh gaashaanle Arbuthnot “hadda maya, markii ay dhamaato, oo aan ka gudubno” maxaad ula jeeday erayadaas?”
Si aayar ah ayay u tiri.
“Ma in aan anigu dilaagii ahay ayaad umalayn?”
“Waxaad ula jeeday Ayaan ku weydiiyay”
In doora ayay aamustay oo fakaraysay ka dibna tiri
“Eraydaas ujeedo aanan kuu sheegi Karin ayay leeyihiin, Monsieur, balse waxaan kuu ballan qaadi karaa in ninkaan Rachett aanan arakin tareenkaan ka hor”
“Waa diiday in aad erayadaas ah faah faahisid?”
“Waxaa jiray wax in aan sameeyo ay hayd –”
“Haddana waad samaysay?”
“Maxaad ula jeedaa?”
“Daahniin ayaa jiray intii aynaan istanbuul soo gaarin, aad ayaana u war warsanayd adigu, adigii mar kasta daganaa, balse daganaanshii waa kaa luma markaas”
“In aan gafo ma rabin tareenka kale een ku wareegayo”
“Tareenka dheereeya ee bari maalin kasta oo toddobaadka ah waa uu ka baxaa istanbuul, haddii aad gaftid, waa uun 24 saac kaliya waxaad dib u dhacdaa, tareenkaan xataa dhaaniin ayaa nagu dhacay waliba mid xun haddana dulqaad ayaad u leedahay oo waa aad dagantahay”
Miss Miss Debenham foolkeedii waa guduutay, dhoolla cadayskiina waa joojisay.
“Maxaad iigu jawaabi weyday, Mademoiselle?”
“Waan ka xumay, maxaan kuu sheegaa”
Waa markii u horeysay ee daganaansho la aan ay ka muuqatay
“Ii sheeg dhaqamadaadaas kala duwan”
“Wax aan kuu sheegi karo maleh, wax la faah faahiyana meesha ma jiraan”
“Wax dhiba maleh”ayuu yiri,”anaa iskay u ogaan doona”
Waana uu ka baxay qolkii.
Qolkii ku xigay Hildegrade Schmidt waa ay dhawraysay imaatinkooda, markii boorsooyinkeeda la baaray, Poirot wuxuu ku jeestay M Bouc oo yiri:
“Ma xasuusataa eraygaan ku iri, eeg halkan”
Waxaa ka muuqday yunifoom kormeere oo bunni ah oo si habaysan u dhex yaalay boorsada naagta shaqaalaha.
Baqdib ayaa duraba ka muuqatay naagtii.
“Anigu ma lihi” ayay ku dhawaaqday, “sidaan istanbuul uga soo tagnay boorsadaan maba fiirin”
Poirot si naxariis leh ayuu gacata uga taabtay oo yiri:
“Ha war warin, waan ku rumaysanaynaa ninkii unifoomkan lahaa in aan la arkin ayuu doonayay, markii uu marinka ku soo cararay ayuu u baahday meel uu ku qariyo, qolkaaga oo furan ayuuna arkay, si dhaqso ah ayuu iskaga bixiyay oo boorsadaada ku tuuray”
Jaakadii ayuu kor u qaaday, badhanka saddexaadna waa uu maqnaa, jeebkana waxaa ku iray fure kormeere.
“Furahaas asaga oo haysta illinkii uu rabo ayuu furi karaa ama xiri karaa” ayaa M Bouc ku dhawaaqay.
“Hadda waa in aan helnaa maaradii jiifka ee casayd” Poirot yiri
Qolka ku xiga wuxuu ahaa kii Mr Macqueen, kan ka danbeeyana qolkii Masterman, ka dibna kii talyaaniga, wax muhiim ahna lagama helin boorsooyinkoodii, qolal danbe oo la baarana ma jirin.
“Maxaan samaynaa hadda?” ayaa M Bouc wediiyay
“Wixii cadaymo ah oo aan awoodnay waan soo helnay, waxaan tagaynaa qaybta makhaayada si aan u fakarno, blasé sigaar in aan cabbo ayaan u baahnahay, anaa xagga kuugu imaan wax yar ka dib ee sii soco”
Poirot wuxuu ku laabtay qolkiisii si uu boorsadiisa sigaar ugala soo baxo, markii uu boorsadii furayna yaab iyo eegmo ayaa ka soo haray oo uu la fariistay, si wanaagsan ayada oo loo laalabay ayuu alaabtiisa ku dhex jiray dharkii jiifka ee casaa ee dhabarka ku lahaa sawirka shiinaha.
Turjume
Suldaan cali Adam Ameeriko
Leave a Reply