TAREENKII ORIENT EXPRESS Q-14

 

 

CUTUBKA LIXAAD

BOORSADII YARAD

 

 

“Nin bar yar oo cod dhuuban” ayuu yiri M bouc markii kormeerayaashii iyo Hildegrade Schmidt ay qolka ka baxeen, “kaa waa qofkii nacabka u ahaa ratchett ee uu sheegay, balse aaway hadda? Tareenka kama dagin, haddana ma saarna tareenka”

“Sidaada oo kale aniguba waan ku wareeray” Poirot yiri, “xaaladdaan, oo waxaa wanaagsan in aan dib ugu laabano xaqiiqaha aan hubno, xaqiiqda koowaad:

Rachett  ama Cassette sariirtiisa ayaa lagu dul dilay xalay, oo laba iyo toban toorreey xabadka laga galiyay, xaqiiqda labaad:

goorsheegtadiisu waxay ku joogsatay kowdii iyo rubuc ayada oo tilmaamaysa–”

“Taas waxay na siinaysaa xiligii dilku dhacay oo huban” ayaa M bouc yiri

“Qasab maahan,” ayaa baarihii yiri, “waxaa dhici karta in dilku xilligaas ka hor dhacay am ka dib, oo dilaagu uu noogu tala galay in aan raad beena raacno, tan kale warbixintii Dr Constantine   waxay sheegaysaa in laba tooray ay ku dhacday asaga oo mayd ah”

“Ninka kormeeraha dharkiisa qabana ka waran? Asna waa xaqiiqda saddexaad”

“Ha dag dagin jaalle, waa in an marka hore cadaynta baarnaa, Hardman, kan baaraha ah, ninkaan waa uu sheegay, marka ma rumaysanaa? Waan u malayn rumaysano, waayo warka uu noo sheegay oo ahaa in Rachett shaqaalaysiiyay, taana waxaa ku filan in aan ku ogaano telefoon aan u dirno shirkada Mcneil ee New York, cadayn kalana waan haynaa in warkiisu run yahay, Hildegrade na waa sheegtay, sida ay u tilmaanta ninka dharka kormeeraha xiran ayuu asna u tilmaamay, waxaa kale oo jira badhanka laga helay qolka Mrs. Hubbard, markaas waxaan haysana saddex caddaymood oo kala gooniya oo ku saabsan ninkaan codka naagha leh”

 

“Haa, haa, “ ayaa si Samir darro ah u yiri M bouc, “intaan oo dhan in ay jiraan wann isla oggolnahay, balse aaway asagii?”

“Waxaa dhici karta in uu laba qof yahay, yacni uu hal qof isku yahay, ninka barta yar ee Rachett   handaday iyo qof tareenka saran oo muuqaalka is ragay aan isku ekayn sidaasna Rachett  ku aqoonsan waayay”

“Balse raga tareenka saran oo dhan waa dhaadheeryihiin, marka laga reebo adeegaha ninka madaxda ah, asaguna uma eka mid wax dili kara” ayaa M bouc yiri

“Waxaa dhici karta ninkuba in uu naag tahay”Poirot yiri, “taas oo cadaynaysa codka naagta”

“Balse taas ma cadaynayso dhawaca aan dhiiga lahayn” Dr Constantine yiri, “taas waa in aynaan illoobin”

“Waxba ma illowsani datoore, balse wali ma anaan helin xalkii aan raadinayay, laga yaabee in naagta dharka guduudan xirnayd ee aan aniguba arkay in ay tahay dilaaga labaad, mid gaystay dhaawacyadaas, datoore, haddii aan isla ogolaano qof dumar ah oo tareenka saran oo dhar jiif oo cas leh ayaa jirta, aaway hadda? Aawayse yunifoomkii kormeeraha ee badhanku ka maqnaa?

“Ah,”ayaa M bouc yiri istagayna, “boorsooyinka dadka socdaalaya oo dhan Ayaan baaraynaa”

Poirot na waa sara kacay oo yiri.

“Waan malayn karaa halka aad yunifoonka ka helaysid, waxaanse hubaa in aadan ka heli doonin qolka Hildegrade Schmidt”

“sideeya-” haddalkiina waxaa ka kala jaray M bouc qaylo ka yeertay marinka, iyo illinkii oo furmay iyo Mrs Hubbard orod ku soo gahsay.

“Waa musiibo,” ayay ku qalisay, “boorsadayda yar gudaheeda, boorsadayda yar! Middi dhiig leh”

Si kadis ah ayay horay ugu dhacday oo M bouc gacmihiisa ku dhex dhacday, asna kursi ayuu ku friisiyay madaxana miiska u saaray, banaankana u daba galay Poirot.

Dr Constantine wuxu u yeeray adeegihii kuna yiri

“Sidaas madaxeeda ku hay” labadii baxadayna kadaba orday

Qolka Mrs Hubbard hortiisa ayaa la xoonsanaa ayada oo qayladu meesha ay ka timid la raadinayo, Michel illinkii ayuu u faray danbi baarihii iyo labadii la socotay.

“Mididii waa taas Monsieur, ma aanan taaban” ayuu yiri

Illinka qolka ku dhagan waxaa ka laaladay boorsadii yarayd, hoosteeda dhulka ahna waxaa yaalay middi af badan oo dhiig qalalay ku yaal, Poirot na si taxadar leh ayuu u soo qaaday.

“Maxaad ualayn datoore? Mididii Rachett dishay miyaa?

Constantine mididii ayuu eeg eeagy, waqti badana kuma qaadan in uu yiraahdo.

“Haa, dhaawacyada ku yaal Rachett oo dhan mididaan ayaa gaystay”

“Marka ninku qolkaan ayuu dhex maray markii oo marinka u socday, boorsadaan ayuu arkay oo mididii ku qariyay, mana uusan dareemin in uu Mrs hubbard kiciyay, dhaqsana ku baxay”

“Haa, shaki la’aan” Poirot yiri, balse balse maankiisu meel kale ayuu ku maqnaa oo wuxuu eegayay qataarka illinka oo dhowr senti mitir ka koreeya gacanka iilinka oo boorsadu surnayd.

Waxaa kala jaray fikirkii uu ku jiray soo laabashadii Mrs hubbard,

“Qolkaan habeen kale jiifan maayo” ayay tiri, “seexan mahayo mar kale halkaan hadii xataa milayan dollar la I siiyo, way oo way, hadday gabadhaydu ogaan lahayd–”

Poirot ayaa si kor ah u yiri

“Haddaa lagu wareejinyaa, boorsooyinka laguu qaadayaa”

Mrs Hubbard oo hintii ayay joojisay.

“Walle? Nafis Ayaan ba dareemay mar hore” ayay tiri

Poirot wuxuu u sheegay Michel in uu boorsooyinka u geeyo qolka 12 ee qaybta kale, danbi barihii asgaa waday Mrs hubbard oo tusay qolkeeda cusub, ayadana farxad ayaa ka muuqatay

“Qalkan waa wanaagsan yahay” ayay tiri, “dhinaca kale na waa u sii jeedaa saas ayuu kaga gadisan yahay qolkii hore, oh, weli waxaan rumaysnahay in dilaagii uu qolka soo galay”

“Qataarka qolka ayaa weli wareer igu haya, sariirta markaad jiiftid ma arki kartay?”

“Sax, waayo boorsadaa surnayd”

Poirot boorsadii ayuu qaaday oo suray gacanta illinka laga furo oo yiri,

“Haa, qataarku gacanka hoostiisa ayuu ku yaal marka boorsadaa qarinaysa”

“Sax. Balse naagta Swedish ku waxay tiri waa xiran yahay”

“In ay gaftay Ayaan u malayn” Poirot yiri

“Ka fiirsaso la aan ayay ka ahyd baan u malayn”

la soco qaybta xigta

Turjume

Suldaan cali Adam Ameeriko

Leave a Reply