CUTUBKA SHANAAD
NINKII CODKA DHUUBNAA
baarihii markaan wuxuu u soo jeedstay waraysigii xigay,
“Maraykanka qolka 16,”
Maraykankiina durbadiiba waa soo galay, wuxuuna xirnaa isku joog midaB dhalaalaya ah, shaati casuur ah, fool ballaaran oo bashaash ah na wuu lahaa,
“Subax wanaagsan mudanayaal,” ayuu yiri, “maxaan idiin qaban karaa?”
Dilka waad maqashay Mr. Eeeeee, hardman?”
“Haa”
“Dadka socotada ah oo idil Ayaan warsaysi la yeelanayna, adigu waxaa tahay,” Poirot wuxuu eegay baasaboorkii hor yaalay, “affartan iyo kow jir, gada qalabka xafiisyada?”
“Haa, waa aniga kaas”
“Socdaalkaagu arrimo ganacsi ayuu la xariiraa?”
“Sax”
“Wax uun ma iiga sheegi kartaa wixii xalay dhacay?”
“Waan ka xumahay, waxba kama sheegi karo”
“Ah, Ayaan darro, Mr hardman, bal noo sheeg dhab ahaan cashadii ka gadaal xalay maxaad samaysay?”
Hardman in doora ayuu aamusay ka bidna yiri
“Idinka oo iga raaliya, adigu maxaad ahayd?”
“Anigu waxaan ahay hercule Poirot, Compagnie Internationale des Wagons Lits, ayaa ii shaqaalaysiisay in aan dilkaa xalliyo”
“horay Ayaan kuu maqlay,” Mr Hardman yiri, oo inta yara aamusay ku daray “waxaan filayaa marka waa in aan daacad ahaado”
“Marka waa in aad noo sheegtaa waxa aad ogtahay oo idil”
Maraykankii markaan cod kii hore ka gadisan ayuu ku hadlay, dhabtiina qof kale ayuu u muuqdayba asagii oo dhan,
“Hagaag, sidii aan hoary u iriba wax aan ogahay ma leh, balse aniga ayay tahay in aan wax ogaado”
“Fadlan, faahfaahi Mr Hardman”
“War bixinada ku qoran baasaborkayga qaar ayaa been abuur ah, dhabtii anigu waxaan ahay waa tan”
Kaar ayuu jeebkiisa ka soo saaray.
Mr CYRUS B. HARDMAN
Baare madax banan ee shirkada McNeil
New York
Piorot waa uu yaqiinay shirkada, waxayna ayahyd mid sumcad fiican leh
“Itanbuul Ayaan u daba galay laba danbiile oo aan dhacdadaan shaqo ku lahayn, waxaana qorshaynayay in aan ku laabto new York markii aan warqadaan helay”
Warqdii ayuu dhinaca Poirot u soo riixay.
“Mudane gacaliye,
Waxaan u gartay in aad tahay baare madax banana, fadlan iigu kaalay qolkay affarta galabnimo.’
Waxay fariintu ku qornayd xaashi yar oo laga leeyahay hotelka tokatlian ee Istanbul, waxaan ku saxiixnaa ‘S.E.Ratchett.
“Waan u tagay ratchett wuxuuna I tusay waraaqo loo soo diray oo loogu goodinyo, wuxuuna ii shaqalaysiiyay in aan ilaaliyo inta socdaalka lagu jiro, ilaaladaydiina wax ma tarin, sow maaha?”
“Side ayaad qorshaynaysay in aad u ilaalisid?”
“Waxaan qorshaynayay in aan dago qolka ku xiga balse waa la qaatay, lambar 16 meel haboon ayuu ku yaal, oo qof u gudbi kara Mr ratchett ma jiro asaga oo aan kayga soo hormarin”
“Waxaan u malaynayaa in wax fikrada aadan ka haysan, qofka weerarka gaystay cid uu yahay?”
“Sidii u egyahay waan aqaan oo Mr Ratchet ayaa tilaamantiisa ii sheegay”
“Yaa?”
Saddexdii qof ee warkiisa dhagaysanaysay in ay fadhiga ka kacaan ayay ku dhawaadeen, hardman haddalkii ayuu sii watay.
“Nin bar yar, aan aad u cadayn, oo cod dhuuban leh”
“War ma ka haysay in ratchet uu ahaa cassette, kii dilay Armstrong.”
Hardman filan waa ayaa ka muuqatay
“Maya, humaagyo [sawiro] laga qaaday waan ku arkay wargaysyada, saan filayo, balse sawiro caynkaas ah hooyaday xataa kuma aqoonsadeen”
“Fadlan, Mr Hardman, noo wad warka”
“wax badan oo aan sheego ma leh, maalintii oo dhan waa jiifay habeenkii oo dhanna waaan soo jeeday oo marinka ayaa isha ku hayay, wax dhacayna ma jirin habeen kii koowaad, kii labaadna sidaas iyo si la’eg, cid soo martay ma jirin”
“Ma hubtaa taas Mr Hardman?”
“Haa, waan hubaa”
“Waxaan filayaa in waraysigii intaas noogu egyahay,” ayaa Poirot yiri, “baybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, kulan wanaagsan Mr Poirot” xabbad sigaar ah intuu la soo baxay ayuu dhaqaaqay
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply