Poirot in doora ayuu xasuusyo qortay,
Kormeeruhu wuxuu yiri Mrs Hubbard waxay koorta garaacday mar ka danbaysay 1dii”
“sida muuqata waxaa hubaal ah, in dilku dhacay 1:15” ayaa M bouc yiri, “taas waxay ku jaan go’maysaa caddaynta saacada, iyo warka kormeeraha iyo Mrs hubbard, waxaana u malaynayaa in aan malayn karo dilaaga, waa talyaaniga weynanka badan, talyaanigi inta badan middi ayay wax ku dilaan, asaguna maraykanka ayuu ku noolaa, asaga iyo ratchet aff duubka ayay shirka ku ahaayeen, ka dib ratchet ayaa khiyaamay, talyaaniguna aar gosasho ayuu rabay, asaga ayaa soo diray warqadaha handadaada ah ka bibna dilay, aad ayay u fududahay arrintu”
“Waa fudayd, balse shaqaalaha gowsku xanunayay oo yiri talyaanigu qolka kama bixin ka waran”
“Haa, taas ayaa dhib ah, balse wax maan gal ah waa loo heli donaa taas”
Poirot madaxa ayuu ruxay,
Maya, sidaas uma fududa ayaa ka baqayaa, balse aan maqalno wuxuu Pierre Michel ka yiraahdo badhanka”
Kormeerihii ayaa loo yeeray oo badhankii la tusay.
“Waxay u muuqataa oo dhab ah,” ayaa m. bouc yiri “in dilaagu uu ku tuuray badhanka qolka Mrs Hubbard”
Michel waa carooday
“Ma lihi badhakaan anigu, monsieur, unifoormkaygu wax badhan ka maqan maleh, danbigaan lug kuma lihi anigu”
“Xagee ayaad joogtay markii Mrs Hubbard koorta garaacday?”
“qaybta kale, jaallahay ayaa la haasaawayay’,
Jallihi uu la joogay ayaa loo yeeray, haddalkii Michel sheegay ayuu asna ku raacay, badhamdii kormeerayaasha oo dhan ayaa la hubiyay, mid uu badhan ka maqan yahay ma jirin.
“Monsieur, hadda ma argtaa? Danbi ma lihi anigu”, ayaa Michel ku qayliyay.
“Is daji Michel,” ayaa m. bouc yiri, “xasuuso xalay, markii Mrs Hubbard koorta garaacday, marinka cidna ma ku aragtay?”
“Maya monsieur”
“La yaab maleh marka, Mrs Hubbard, markiii ay dareentay in qolka lagu jiro, in badan ayay indhaha isku haystay, qofkii markaas in uu baxay ayaa dhici kaarta, hadii dilaagu ahaa mid ka mid ah socotada, intaan Michel imaan ayuu qolkiisa ku laabatay”
“Waxaa noo haray siddeed socota ah in aan warsano,” ayaa m. bouc yiri, “ma u yeernaa talyaaniga”
“Talyaaniga ayay adiga kaaga dhagan tahay,” ayaa poirod oo qoslaya yiri, “maya, amiirada ayaa ka horeysa, Michel, ma u sheegi kartaa in ay timaado”
Amiirad dragomirrof, waxay u muuqatay in ay sidii shalay ka sii fool xun tahay, balse garaad iyo firfircooni ayaa ka soo birqayay indhaheeda yar yar ee madoow.
- bouc oo uu uga cudur daaranaya dhibka ay soo dhibeen, ayay inta haddal kii ka dhex gashay cod weyn oo nadiif ah ku tiri,
“Dil waa arrin aan dheel gali monsieur, waaan ku faraxsanahay in aan idiin kaalmeeyo si kasta oo aan awoodo”
“Mahadsanid marwo, “ayaa Poirot yiri,”waxaa tahay amiirad Natalia gragomirrof, oo u socota dagaankeeda oo ah paris.”
“Haa, gabadha ii adeegtana waa ila socotaa”
“Fadlan ma ii sheegi kartaa, dhaqdhaqaaqii xalay cashadda ka dib?”
“anoo waliba ku faraxsan, markii aan casheeyay qumaati Ayaan gogosha u aaday, tan iyo kow iyo tobankii Ayaan wax akhristay, xuunan inta badan lugta iga qabta Ayaan la seexan waayay, abbaaraha kowdii oo rubuc la’ Ayaan u yeeray gabaha ii adeegta, buugii ayayna ii akhrisa tan iyo intaan ka hurday, ma hubo xilli ay iga tagatay, waa dhici kartaa saacad barked ka dib”
“Weli ameerika ma tagatay?”
Mowdiicii laga hadlayay oo hal mar is rogay ayaa kadis ku noqday islaanta.
“Marar badan”
“marna ma la kulantaya qoys la oranayay, Armstrong?”
Cod yara garrir ku jiro ayay ku tiri.
“Haddi aad ka wadid Sonia iyo Robert Armstrong, haa, Sonia waxay ahayd, gabdhii aan soo gardaadshay, hooyadeed qalanjo Linda Arden ayaa saxiibo isku dhow ahayn”
“Linda arden ma nooshahay hadda?”
“Waa ay nooshahay, balse cid isma arkaan, caafimaadkeedaa liita”
“Waxaan filayaa in ay gabar kale oo walaal ah lahayd?”
“Haa, oo aad uga yar marwo Armstrong,”
Islaantii ayada oo yaaban ayay tiri.
“Waa maxay xariirka ka dhaxeeya weydiimahaan iyo dilka tareenka ka dhex dhacay?”
“Ninka la dilay wuxuu ahaa ninkii ka mas’uulka ahaa dilkii cunugtii marwo Armstrong?”
“Ah!” amiirad dragomirrof tiri ayada si qumaatiya fadhigii isku toosisay, “marka dilkaani waa mid aad u farxad leh, raallina ka ahaada aragtiga adag ee aan arrinta ka qabo”
“Dabcan, marwo, aan ku laabano weydiimeheenii horee, aaway hadda gabadhii ka yarayd ee linda arden?
“Daacadii kuuma sheegi karo, monsieur, wada xiriirkeeni mar hore ayuu go’ay, waxaan rumaysnahay in ay Nin ingriis ah guursatay gu’yaal ka hor, balse magaciisii ma xasuustao”, intay yara aamustay ayay tiri, “wax kale miyaa jira, mudanayaal?”
“Hal wax kaliya, midabka dharkaaga jiifka”
“Waxaan filayaa in ay jirto sabab wanaagsan oo aad ii weydiisay, waa buluug”
“Waan naga intaas, aad ayaana ugu mahadsan tahay sidaad noo kaalmaysay”
Waxaa loo yeeray markii xigatay, marwo iyo mudane andrenyi, balse mudanuhu kaligiis ayaa makhaayadii soo galay, nin qurxoon ayuu ahaa, dheer, oo dhisan jir ahaan, isku jooo ingriis ah oo qaaliyana xiran.
Haye, mudanayaal,” ayuu yiri, maxaan idiin qaban karaa?”
“Sida aad ogathay, dil ayaa dhacay xalay, anna waa in aan weydiimo gaar ah aan weydiiyo socotada tareenka saran”
“Dabcan, in kasta oo aan filayo in aniga iyo xaaskaygu aan xilligaas hurudnay oo aynaan waxba maqlin haba yaraatee”
“Qofka la dilay ma taqaan?”
“Sidaan u garatay waa qof maraykan ah oo sare”
“Haa, waaa la oran jiray, cassetti, wax yeelooyin xun xuna ka gaystay ameerika”
Wax daren ah ma muujin mudanihii.
“Taas ayaaba faah faahin ugu filan dilkiisa, sidaan u malaynayo” ayuu yiri
“Weli ameerika ma tagatay, monsieur?”
“hal gu’ Ayaan Washington joogay”
“Ma taqaanay qosyaka reer Armstrong,?”
“Armstrong, Armstrong, waa adagatahay in in aan xasuusto, magacyo badan ayaa isoo maray,” waa uu dhoolla cadeeyay, “dilkii aan ku laabanee, maxaan idinka kaalmayn karaa?”
“Immisadi ayaad xalay seexataya?”
“Abbaarha kow iyo tobankii, labadeenuba, tan iyo aroortii, waxna na ma aynaan dareemin, waan ka xumay in aan sina wax kaalmo ah idinkugu noqon Karin”
“Mahadsanid monsieur”
“Uma baahnidin in aad xaaskayga la haddashaan Ayaan filayaa, intaan idiin sheegay ka badan idiin sheegi mayso”
in yar ayaa muqaalkii Poirot is rogay wuxuuna yiri.
“Waan hubaa waa runtaa, balse waa in aan marwado wax yar la hadlo”
“Looma baahan” ayaa mudanihii yiri
“Waxaan u malayn in ay muhiim u tahay war bixinta aan gubin doono, waad garan kartaaye”
“Sidaad jeceshahay” ayuu yiri oo inta baxay u yeeray xaaskiisa
Poirot wuxuu eegay baasaboorkii ninka, xaaskiisa ayaa kula socdaalaysay, korna u yiri:
“Magaca, Elena Maria andrenyi, guurka ka horna magaca cidaydu wuxuu ahaa, Goldenberg, da’da 20 jir”
Khad ayaa dhinac kaga daadsanayd bogga, oo malaha qof taxadar xun oo xafiiska joggay ay kaga daadatay.
Marwo andrenyi ayaa soo gashay oo tiri:
“Ma in aad I aragtaan ayaad doonayseen, mudanayaal?”
“Aad ayaa u mahadsan tahay,” ayaa Poirot yiri, “waxaan doonayay oo kaliya in aan ku weydiiyo, wax aan caadi ahayn ma arkatay mise maqashay xalay?”
“Maya, waxba, daawo aan ku seexdo Ayaan qaatay”
“Ninkaaga ameerika ma u raacday?”
“maya, monsieur, markaas isma aynaan qabin, hal gu’ kaliya Ayaan is qabnaa,” xishood ayay la dhoola cadaysay, indhaheeda waaweyn ee madoow iyo dibnaheeda dhalaaya, aad ayay u qurub badnayeen, “maxaad ii weydiisayna” ayay ku dartay.
“danbi baarayaashu waa weydiimo badan yihiin, tusaale ahaan, dharkaaga hurdadu waa midabkee?”
“Midabka labeenta, ma kuu muhiim baa taas?”
“Aad iyo aad, ninkaagu bayb ma dhuuqaa?”
“sigaar, balse bayb maya”
“English ma ku haddashaa?”
“In yar”, ku dhawaaqeeda English kuna waa cuslaa, balse qurxoonaa,
“Waa in taas uun” aya barihii yiri, “sow ma aadan arag, wax dhib leh maahayn”
Waa ay dhoolla cadaysay oo baxday.
“Ma faa’iido badnayn,” ayaa m boic yiri, “hadda talyaaniga ma aragnaa”
Poirot xoogaa ayuu aamusnaa oo uma war celin, wuxuu eegayay khadda ku taal baasaboorka Hungarian ka ah, ugu danbayn inta m. bouc eegay ayuu yiri:
“Talyaaniga noogu kaadi hadda saaxiib, ee waxaan warsanaynaa ninka qurxoon ee English ka ah, gaashaanle Arbuthnot”,
Gaashaanlihii markii uu soo galay, ayaa Poirot ku yiri:
“waxaad ka timid hindiya una socotaa biritan sidaan filayo, ee maxaad doon usoo qaadan weyday?”
“Dhulka in aan soo maro Ayaan go’aansaday, sababa aniga ii gaara dartood”
“Hagaag, qumaati miyaad uga timid hindiya?”
“Saddex maalmood Ayaan ku hakaday baqdaad si aan wadey ma saxiib hore ugu soo booqdo”
“Gabadh dhallinyaro ah oo English ah ma kula kulantay baqdaad-miss debenham?”
“Maya, lama kulmin, markii u horesay miss dbenham tareenka ayaa kula kulmay”
“Waxaan u malaynaynaa in Mr ratchet la dilay kowdii iyo rubuc xalay, xilligaas maxaad samaynaysay adigu?”
“Waxaan la sheekaysanyay ninka dhalinyarada ah e maraykanka ah, ninka dhintay xoghayntiisa, qolkiisa ayaan joognay”
“Socdaalkaan ka hor, Macqueen ma taqaanay?”
“maya, shalay Ayaan bolownay in aan sheekaysano, waana is fahanay, sida badan ma jecli maraykanka, balse waan ka helay Macqueen, mudo dheer Ayaan ka haddalnay, hindiya, maraykan, iyo guud ahaan aduunka, kadis ayay igu noqotay markaan goorsheegtada eegay oo aan arkay in ay tahay labadii oo rubuc la’”
“Xilligaas ayaad sheekadii joojiseen?”
“Haa”
“Ka dib maxaad samayasay?”
“Qolkaygaan aaday waana seexday”
“Gaashaanle waxaan kaa doonayaa in aad gadaal uga fakartid sheekadii aad la yeelatay Macqueen, tareenka waxaad kaga dagtay sow maaha vincovci?”
“Haa, balse hal daqiiqo ayay ahayd, baraf ayaa dhacayay”
“Markaas dib ayaad u soo laabatay oo aad fariisatay, sigaar baad dhuuqday ama bayb”
Aniga waa bayb, Macqueen ayaa sigaarka cabayay”
“Tareenkii waa dhaqaaqay haddana, cid illinka gudubtay ma jirtay?”
“Cid aan kormeeraha ka ahayn ma xasuusto, sug, naag na waa ay martay, waxaan u malayn in ay wax guduudan xirnayd”
“Waad mahadsan tahay, weli ma tagtay ameerika, gaashaanle?”
“maya waligay, wax dana oo iga jirta halkaas maleh”
“Aqoon ma u lahayd gaashaanle, Mr Armstrong?”
“Armstrong, armstromg, laba ama saddex Armstrong Ayaan aqiinay, ma waxaad u jeedaa selby Armstrong? Mise tommy”
“Waxaan ula jeedaa, Robert Armstrong, oo naag maraykan ah qabay oo ilmihiisii yaraa la af duubay oo la dilay”
“Ah, waan xasuustaa in aan wargaysyada ka akhriyay, balse aqoon uma lahayn”
“Ninka la dilay waa ninkii af duubkaas gaystay”
“Oo dhab ah? Mar wuu istaahilaa in uu dhinto, inkasta oo aysan wanaagsanayn si aan sharci ahayn in lagu dilo, maxkamad la marsiiyo, dabcan, dadka la iskama dilo karo aargoosasho darteed, sida Corsicans ka”
Poirot gaashaanlihii ayuu eegay oo yiri:
“Wax weydiimo kala ah ma hayo, hadii ayna jirin wax aan caadi ahayn oo aad xalay dareentay?”
“Maya,” ayuu yir, “waxba, hadiise–” waan aamusay
“Hee?”ayaa baarihii yiri
“Wax sidaas u sii weyn maahan, markii aan qolkyga ku labanayay ayaa dareemay illinka qolka gadaale–”
“Lambar 1?”
“Haa, illinku si fiican uma xirnayn ninkii ku dhex jiray si tuhun ku jiro ayuu banaanka qoorta ugu soo taagay, durbadiina illinka xiratay, wax aan caadi ahayn ayay iila ekaatay”
“Haa,” ayaa Poirot yiri
Makii gaashaanlihii tagay, Poirot in canbaar ah ayuu meel maran ku dhaygagay, ka dibna yiri:
“Gaashaanle Arbuthnot bayb ayuu dhuuqaa, qolka m ratchet waxaan ka dhex helay bayb nadiifiye”
“Ma u malaynaysaa—?”
“Asaga iyo armstrong na isku ciidan ayay aheeyeen, mana aqaan ayuu yiri, waxaa dhici karta in uu been sheegayay”
“Waxaa dhici kara marka in—-?”
Poirot si xanaaq leh ayuu madaxa u ruxay.
“maya, wax dhici kara maahan in ninkaan englishka ah oo garsoorka iyo kala danbaynta sidaan u rumaysan, in uu qof nacabkiis ah uu laba iyo toban jeer midi galiyo”
Turjime
Suladaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply