JACAYL TAN IYO AAKHIRO-Q-5

 

Samatar oo ilmadii ka socoto ayaa yiri?

‘‘Maya, Sagal, sidaas ha oran”

 

”Samatar gacaliye, ha ii murgin aniga, ilaahay ha ku garab galo, waan sii baxayaa”

‘‘Xagee u socotaa? Xagee baad aadaysaa”? Ayaa Samatar yiri asaga oo talo ka wareersan tahay, ka dib intay fiirisay ayada oo ilmadii indhaheeda ka soo burqanayso ayay inta dhunkatay tiri:

‘‘Nabadeey”

 

Waxayna u dhaqaaqda dhicii dadka, ayadoo hadba gadaal u soo eegaysa, oynaysa hoosna u leh:

‘‘Aaaaah waqti yoow, waqtiyoow, markaan ilmaha ahaa ma oyn, maantana anoo da’daan joogaan oynayaa, waqtiyoow cidaan adiga iyo ilaahay aan ahayn oo aan u dacwoodo maaqaan, maanta dhib iyo dulmi igu dhacay baan la ilmaynayaa”

 

Fiiro kale ayay ugu laabatay ayada oo wadnaha olol kaga shidan yahay, ilmadiina wali ka socoto, aaaaaaa ayay kor ugu qaylisay ka dibna dhulkay ku dhacday, dadkii ayaa ku xoomay, Samatarna sidii taallo ayuu asagoo istaagan u qalalay hadalna ka soo bixi waayay, xubin walba oo jirkiisa ah howshii ayay joojisay xataa garaacii wadnahu halis galay, xididadiisii, gacaladiisiina dhulka fidsan tahay, markaasuu magaceedii kor ugu qayliayay ”Sagal….Sagal” wuxuuna orod iskuguqaaday halkii ay taalay, balse waa uu soo daahay, Sagal xabiibtiisii, qalbigiisii, noloshiisii,  naftii ayaa ka baxday, wax ka haray ma aysan jiri oo aan ka ahayn jir aan ruux lahayn, asaga oo oynaya ayuu u yimid oo qaylinaya, dadkii oo dhanna eegayaan, maykeedii ayuu ku dul baroortay oo laabta gashaday asagoo magaceeda ku qaylinaya, jaakadii uu xirnaa ayuu dusha ka huwiyay, Sagal…. Sagal…… si xoog ku jiro ayuu xabadka u gashay oo hab u siiyay.

 

Maydkii gacalisadiisa ayaa baabuur lagu qaaday asna uu wali oynyo oo uu u dhawaaqayo, asaga oo oynaya ayay qaadeen gacaladiisii, indhihiisuna waxaan ayada ahayn iyo ilmada ka socota ma yasan arkayn, wax walba waa kala daateen, wax walba waa is rogeen, tagtay, Sagashii gacantiisa qaban jirtay aroortii markuu kaco,  tagtay tii uu sheekooyinkeeda dhagaysan jiray, dhimatay tii aduunka ugu fiicnayd, murug iyo uur xumay la dhimatay, dhimatay tii iftiinka noloshiisa u ahayd, madaxuu iska qaraacay asaga oo qaylinaya, hooyadiis oo oynaysa ayaa u timid oo hab siisay,

‘‘Hooyooy Sagal dhimatay, Sagashii ifka ugu qaalisanayd waa tagtay hooyooy, ” hooyadiina waa oyday oo wiilka hab siisay,

“Ilaahay ha u naxriisto, maandhoow”

Hooyadii waxay dareentay in wiilkeeda laabta ugu jira uusan dhaq dhaqaa lahayn, markaasay ku dhawaaqday:

”Samatar…Samatar”

 

Waxay aragtay in uusan nuuxsanayn, miyirkii ayaa ka tagay Samatar, waa uu suuxay,  rugta bukaan eegtada ayaa lala cararay oo laba maalmood ka dib laga soo saaray.

Guriga ayay yimaadeen hooyadiis oo garabka kaga jirta, aqalkii markuu soo galay ayaa ilma iyo oohin soo dhaafeen:

‘‘Gurigaan la’aanteed wax qiima ah ma leh”

Habartii oo oynaysa ayaa tiri:

”Ilaahay naxariis uga bari”

 

Samatar wuxuu galay qolkiisa, wuxuuna soo xasuustay in ay ku tiri xashi baan kuu dhaafay, markuu farriintii ay u dhaafta uu helay ayuu akhriyay:

”gacaliye Samatar, si dhab ah oo qalbigayga ka soo go’day ayaan kuugu rajaynayaa guul iyo wanaag, guurkaagana waan kuugu hambalyaynayaa, gacaliye Samatar, ma doonayo in aan ifkaan aan la’aantaa ku noolaado, wayo adaa noloshayda oo dhan ah, noloshaydiina waa dhamaatay, waxaan rajaynayaa in aan xasuustaada ku jiro waligay, nabad galyo xabiibi, nabadgalyo aan nabad galyo kale ka danbayn, waan dareemayaa waan sii socdaaye, gacalisadaa Sagal”

 

Asaga oo oynaya ayuu inta xoog xabadka iskaga garaacaya ayuu yiri:

‘‘Sababta anaa leh, anaa sidaas ku yeelay, adna waan ku dhumiyay ana waan is dhumiyay,”

Hooyadiis ayaa u timid oo xabadka gashatay ayada oo oynaysana ku tiri:

”Is daji maandhoow, ilaahay ha u naxariistee’’?

”Sagal tagtay hooyo, waligeedna soo laaban mayso, nolol aan gadaasheed noolaado nolol iima ahan”

 

Hooyadii ayadana xanuun ba’an ayaa ku dhagay markay aragtay wiilkeedu xaalada uu ku sugan yahay, ayaduna waa la booyday intay si xoog leh hab u siisay oo ayada oo oynaysa ku tiri:

”samir maandhoow, sabraa ayaa sadki helee, bes iga dheh wadnahaad I xanuujisee, shalay dadkii dhinaceena joogay oo markaan dhaawac noqono qalbiga noo dhayi jiray, oo dabka nagu shidan dareemi jiray oo ahaa wadnayaal na dareema, oo noo damqan jiray, oo haddaan aaaaa dhahno dhinaceena taagnaa, oo ilmada naga tiri jiray, tage, kun oohin iyo qaylo, kun illin iyo shalaaytan wax ma taraan, la kala fogaado waa xanuun, kalinimadu waa cadaab, sidaan ayaa qadarka rabbi noo qoray ah oo ayaankeenu noqday, iyo murug nagu habsata, illahoow waa u sabirnay sidaan ku jirno, ilaahoow ii danbi dhaaf lamaaane is jecel baan kala keeyay, qabriga waxay u jiifto miskiintaas maanta waa fal aan gaystay, naftayda kaliya ayaa u danaynayay, teedii waan iloobay, dhaawaac ayaan qalbigeeda yar u gaystay oo ay xamili weyday, ilaahoow waan ku tuugee I cafi”

 

Markaas ka dib ayuu aaday in uu soo booqdo oo soo arko xabaasheeda, markuu u tagay oo arkayna lugihii ayaa gariiray oo celin waayay, أxusuusyo badan ayaa maskaxdu dib u soo gocatay oo sidii biriq u marayay, maalintii guurkooda, wixii xasuus ay Sagal soo wada mareen. Sagal, ugu danbayna maalintay dhimanaysay, xabaasheeduu ku dul ooyay:

”I cafi Sagal, I cafi gacaliso, Xanuun intaas igu filan, naf tagtay sooma noqoto, maantana illin wax ma tarto iyo shalaytiin, waqti dhamaaday dib uma soo noqdo, maxaa noo haray, xataa murugtii iyo calool xumadii ayaa na qaadi la’, wax haray maleh, shalaytiina wax ma taro, balse jacaylka dhabtaa ma dhinto, jacaylka dhabtaa waa waaraa, raali kuma noqonayo in aan ku waayo, adna raali kuma noqonaysid in aad I weydid, intii rabbi na kulansiiyo qalbigaan kugu sidan, xusuustaadaan quudan, waan ku jeclahay dumar tii u sareeysaay, waan ku jeclahay Sagal gacliso, waligayna waan ku jeclaan, sidaas kuma dhamaan jacaylkii”,

 

Dhabanka intuu qabrigii saaratay ayuu ku hurday, aroortii danbana sidii asagoo dhabanku ugu saaran yahay qabrigii oo ku naf baxay ayaa loogu yimid.

DHAMMAAD

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply