Dhowr maalmood ka dib hooyadii waxay u heshay gabar, ciddii gabadhu ka dhalatayna wax kasta ayay la dhamaysatay waxaana la qabtay ballantii arooska, xilligii la dhigi lahaa, oo laga dhigay toddobaadka soo socda maalinta khamiista.
Taddobaad ka hor arooskii markii Samatar gurigiisii yimid oo dharkii iska badalay ayuu arkay xaashi miiska saaran, markii uu u dhawaaday wuxuu arkay in fartii Sagal ay tahay, waana uu la yaabay, akhris ayuuna ku bilaabay:
”gacaliye Samatar, alaabtaydii oo dhan waan qaatay, guriga waan ka tagay, aqlkana waan u kala hagaajiyay xaaskaaga cusub, igana raalli ahoow gacaliye balse ma awoodo qof aan aad u jeclahay oo noloshayda ah in aan qof kale ku arko, balse waxaan kuu hubinayaa in aan aad u farxsanahay, waxaana kuu rajaynayaa nolol tan ugu wanaagsan, ilaahay idankiin ubad suuban baad dhali doontaa oo habaryartay farxad galiya,   Waan ka xumahay in fartaydu aysan si fiican u kala caday, anoo awoodayda oo dhan isku geeyay oo ilmadayduna ku dul gobo’ leedahay ayaan qoray, ifka inta ku nool qofka ugu daacadsan ayaa tahay waana ku jiclahay, waana ku jeclaan doonaa waligay, nin aan adiga ahayna raalli ku noqn maayo agtiisa, la’aantaana waa dhamaadka noloshayda waayo markii horeba waxaad ahayd noloshayda, gacaliye tani waa qadar rabbi iyo arrin xilligu keenay qofka hor imaan karana ma leh, ku nooloow noloshaada gacaliye, igana rumayso xabiibii adiga dartaa arooskaaga waan imaan, si imaantinkaygu u noqondo is arageenii ugu danbeeyay, markaas ka dibna waan baqoolayaa, nabadeey macaane hambalyana, nabad galyayntii koowaad waa tan, nabad galyanta labaadna waa habeenka arooskaaga gacaliye, xaashidaan kuu qoray laba jeer akhri, mar waa hadda, marna habeenka arooskaaga, nabadeey, Sagal.
Samatar waraaqda markuu akhrinayay ilmadaa ka socotay, wuxuu xaashida kaga jeeday ilamdii Sagal oo qoraaka dhex gashay, mar qura ayuu ku soo baraarugay dhabta, qaylo aan qaylo ka dheerayn oo wadnihiisa ku qarsoonayd ayuu qayliyay, qalbiguu ka ooyay ilamduna sidii dur dur uga timid, toddobaadkii si aayar oo murug iyo ilmo xanbaarsan ayuu ku dhaafay, ugu danbayn habeenkii aroosakaa la yimid, habeenkii aqal galkiisa oo kursi ku ag fariisanayo naag uusan aqoon, aroosaddii baa soo gashay, mashxarad ayaa is qabsatay, hooyadiis waxay ahayd qofka ugu farxada badan naagaha inta badana waa la qaybsanyeen faraxada, markii Samatar soo galay gadaashiisana ay dhalliyardii soo socoto hooyadiis farxad kor ula dhawaaqday, dumarkii kalana waa ku darsameen, dhawaaqii mashaxaraduna is qabsatay, oo dhawaqii mashaxaradu sii korodhay iyo sacabkii, Samatarna si aayara u socday, indhihiisuna wax bay day dayayeen qof bay raadinayeen intii uu ka gaaray aroosadii oo uu dhanac fariistay, dhoolla caddayn ayuu la birqayay foolka asroosadu, hooyadiina farxad tii ugu saraysay ayay ku jirtay,
Samatarna wuxuu ka dhex raadinayay dadka dhexdiisa, aaway ayadii….aaway ayadii, xaflada ma ay joogto.
hooyadiis waxay dareentay murugta ku taagan wiilkeeda oo intaan oo dad ah ku dhex jira, intay u tagtay ayay dhegta ugu sheegtay dhoolla caddee haddii kale dadka tuhun baaba ka galaya guurkaagee, balse Samatar wax uu dan ka lahaa ma jirin, dadkana qaabkiisa ayaa ba muran galiyay, aroosaduna waa ay eegaysay oo waxaa u muuqday in uusan dan ka lahayn, waxba in uusan dan ka lahayn, ayadii ayuu raadinayaa, markii illinkii furmay oo ay soo gashay qoftii uu raadinayay, saako qurux badan ayay qabtay, indha kuul indhaheeda sii qurxisayna waa u marsanayd, waa ayadii, Sagal, idhihiisa qabtay ayadoo dadka ku dhex jirta, waa ay aragatay, eegmay is weydaarsadeen intaan oo dad ah dhexdooda, buuqaan dhexdiisa, hada waxay kala aadeen laba aduun oo aan is lahayn, waa kala tageen.
Samatar waa iloobay wax walba oo hareerihiisa ahaa, dadkii la soo casuumay, aroosadii, wax kasta, aragtidiisii oo dhan ayaday ku beegan tahay, ayada kaliya, ayaduna ay soo dhawaanayso…soo dhawaanayso, wadnihiisuna sii gaaraacay…si garaacayo, dadkii oo dhanna is weydiinyaan tani yay ahayd,? Waa tuma? Oo ay dhagaha wax isugu sheegayaan, oo hoos u faqayaan dadkii, maxay tartiib ugu socotaa? Maxay ilmadu indhaheeda u buuxisay? waxaas oo weydiima ah ayaa dumarkii iyo dadkii la soo casuumay si faq ah isku weydiinayeen, heesihii iyo qoob ka ciyaarkii ayaa bilowday,  Sagalna aayar u soo socotay, wabi illin ahna ka da’aysay, markuu muqaalkeeda murugta ah arkay asagana ilmaa ka soo daadatay, dadkuna la yaabanyihiin waxa labadaan ka dhex socda, Samatar waxuu eegayay ayada oo qoobka ciyaaraysa oo haddana oynaysa, wuxuu laabta iska yiri amay meesha ku dhex dhacdaa waayo daal badan ayaa ka muuqday iyo murug culays badan, fariiso oo naso ma ku dhahdaa ayuu ku hammiyay, si kadis ah ayay ugu dhaqaaqday dhinicii arooska iyo aroosada, dadkiina ay wada eegayaan , waa ay ku dhawaatay, indho guduutay baroor darteed ayay ku eegtay, oo ay ka burqanayaan wabi illin ah, waxaa ilmdii ay mayrta indha kuushee oo dabannada ka dareertay oo madoow, markii ay u tagtay ayay ku tiri:
‘‘Hambalyo”
Waa uu awoodi waayay in uu ilmadii isku celiyo, waana ka soo daadatay, intay u dhawaatay ayay gacanteeda kaga tirtay ayadoo leh:
‘‘Ha ooyin gacaliye, ha murgin, waan sii soconayaaye”
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply