JACAYL TAN IYO AAKHIRO-Q-3

 

 

‘‘Nolosheena anagaa u madax banaan hooyo, cid kale oo shaqo ku leh ma jirto”

Habartii oo xaqaan dhuunta kala jaray ayaa tiri:

‘‘Aamus, eray kale kama dhihi kartid arrintaan, war ma waxaa ifka jooga nin aan rabin inuu arko carruurtiisa oo hortiisa ku koraysa oo ku weynaata, oo magaciisa iyo magaca cidiisa xanbaara? Maxaad rabtaa in dadku na yiraahdaan? Samatar hooyadiis ayuu hadal ka diiday waana ku caasiyay, oo hooyadiis ku yiri, ayadaan jeclahay, oo ubad ma rabo,”

Samatar oo si hoos u hadlaya ayaa yiri:

‘‘Waan ku baryaa ee hoos u hadal oo aamus, arrintaan darteed ayaa Sagal la murugaysan tahay, in aan murug ku sii kordhiyo ma rabee”

Waaba yaabtay habartii oo ayada oo caraysan tiri:

” Yaaa? Ha maqasho, wax iga galay maleh haday maqasho iyo hadii kale, ceebta ayadaa iska leh oo ma dhasho ah, adigu mal lihid cay, maxaad uga baqaysaa, I maqal Samatar, wali dhallinyaro ayaa tahay, ha igu oran marka noloshaada dhan waxaad u dhuminaysaa in aad daba roorto naag aan faa’iido lahayn”

 

Sagal weli madixii ayay darbiga ku haysa oo oynaysaa, waxayna dhagaysanaysay hadalka dhex maraya Samatar iyo hooyadiis ayada oo ilmadu ka qubanayso, iyo Samatar oo hadalkii sii wata oo leh:

‘‘Noloshayda oo dhan Sagal baan la qaadan, danna kama lihi si kasta ba udab haddaan dhalo iyo hadaanan dhali”

Si jees jees ah ayay habartii u tiri:

‘‘Waah waah waxaasaa jacayl ah, hadalkaan dhalanteedka ah jooji iyo sheekooyinka filimada, maanta duq Canbaro ayaan u tagayaa si ay kuugu raadiso naag tan ka fiican, oo kuu dhasha ubad magacaaga nooleeya iyo magaceena”

Samatar wuxuu hooyadii ugu war celiyay si adag oo ku adkaysi leh, wuxuuna yiri:

”I maqal hooyo, haddii cirka iyo dhulku isku yimaadaan Sagal ka tagi mayo, wax kasta oo dhaca, mana ka tagayo xataa haddaad ii keentid naagta ifka ugu qurxoon oo ugu hodan san”

‘‘Aamus, eray danbe ha oran, berri laga bilaabo naag ma dhashadaan ka fiican ayaan kuu raadin, ma dhasho aan caruur keenayn ii ag fadhin maysid”

 

Sagal weli waxay dhagaysanaysay hadalkoodii ayada oo ilmadii indhaha ka gubtay, daad ilma kululay ah ayaa dhabanada ka qooyeen, erayda habaryarteedana ay dhagaheeda ka yeerayaan,”ma dhasho….. ma dhasho…. Aan udab dhalayn”

Samatar oo xanaaqiisii xanaaq dhaafay ayaa yiri:

‘‘Waligay ma guursanayo naag kale, Sagal waa gacalisadayda, waa jacaylkaygi, waa noloshaydii iyo aduunkaygii, waxaad rabto samee”

‘‘Akhas ayada iyo adigaba” ayaa hooyadii si caro ku jirto u tiri, siina wadatay hadalkii,” qasab baad ku kuursan ayaduna juuq ma dhihi karto, hooyadaa baan ahay dantaadana anaa og, ubadkaaga inaan arkaan rabaa inta aanan dhiman, ma I maqlaysaa? Hadii aad warkayga diido, oo aad go’aankaaga ku adkaysato wiilkayga ma tihid, hooyadaana ma ihi, tan iyo qiyaamana caraan kuu sidayaa”

”Sagal waa xaaskaygii, waa jacaylkaygii, waligeedna waa ay ahaan, inta noloshayda ka hartayna waa ay ahaan”

 

Habartii waali yar baa ku dhacday caro ayay jiq la tiri, indha kulul ayay wiilkeeda ku fiirisay sidii ay wax yeelayaan ama dunida ka qarinayaan, afkana kala furatay oo tiri:

”bax, ma anaa……..”

 

Intaysan weedhii dhamayn waxaa furmay illinkii qolka, waxaa ka soo baxday Sagal oo ordaysa, oo ilmo kulul sidii biyo dhaceen uga socoto, oo indhihii guduuteen siday u oynaysay,

Waxay ku qaylisay habaryarted:

‘‘Bes habar yar”

Oo dhinicii ninkeeda u oraday ayada oo baryootamaysa, oo gacanta ka dhunkatay ilmadeediina gacantiisa qoysay, ayadaoo weli baryaysa oo tiri:

”Samatar gacaliyoow, gacmaha iyo cagahaan kaan dhunkan, waan ku baryaa guurso, hooyadaa dartay ha uga xanaajin”

Ilmo kulul yaa Samatar ka soo daadatay oo dhabannadiisa qoysay, labadeeda gacmood ayuu qabtay oo xoog u dhunkaday.

“naag aan adiga ahayna ma guursansanayo, ma awoodo in aan naag kale guursado, waligeen waan isla joogaynaa, waligeen gacaliso”

Hooyadii si yaab iyo amankaag leh ayay u fiirinaysay waxa dhacaya, tan iyo intii Sagal ay lugaha Samatar qabsatay ayada oo oynaysa walina baryootamaysa:

‘‘Waan ku baryaa Samatar, waan ku baryaa ee ogoloow, anigu waan ogolahay in aad guursato, ogoloow, hooyadaa ha ka caraysiin, yaysan kuu caroon”

In yar intuu aamusay ayuu yiri asaga oo ooynaya:

‘‘Qof aan adiga ahayn in aan la noolaado ma rabo, carruur ma rabo, kaliya adaan ku rabaa”

Sagal oohintii iyo baryadii ayada oo wada oo gacmaha ka dhunkanaysa ayay tiri:

‘‘Hadaad I jeceshahay, oo naftaydu in ay qaboowdo aad rabtid guurso, waan ku baryayaa”

Go’aankii Samatar halkaas ayuu ku jabay, mar haddii ay jacaylkooda ku dharisay iyo nafteeda, wuxuu eegay hooyadiis oo xanaaq dartiis illin ka socoto, haddana wuxuu eegay Sagal oo weli oohin iyo baryo wada, madaxii ayuu hoos u laalaadiyay, si uu u muujiyo in uu ogolaaday, hooyadii markay aragtay in uu ogolaaday ayay illintii iska tirtay, dhoolla cadayn guulna dhoolla cadasay, mar hadii wiilkeedii ogolaaday in uu guursado, gurigeediina aaday.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply