JACAYL TAN IYO AAKHIRO-Q-2

 

 

Gurigii markuu ku labatay Sagal waxay dul fadhiday quraacdii, oo ay sugaysay inta uu ka soo laabto, Samatar oo murug ka muuqato ayaa yiri:

”Ii waran gacaliso?”

‘‘Macaanoow adaan ku sugayay in aan wada quraacano ee kaalay, intii yarayd ee aad maqnayd waan kuu hiloobay. Aragtidaadaan igu dheeratay oo sugi la’aa”

Samatar intuu yiri quraac naf uma hayo ayuu qolkii galay, Sagalna waa ka daba gashay,

”Samatar, murugtaan ku haysana maxay ahayd? Sidaan dhaqan uma aadan layhne”

‘‘Waan fiicanahay gacaliso, wax dhiba ma jiraan”

‘‘Hadalkaas qof aan ku aqoon ku dheh, xaaskaagaan ahay si fiican baan kuu aqaan”

Inta si fiican u neef jiiday oo in yar aamusnaa ayuu yiri:

‘‘Waa hooyaday, Sagal, hooyaday weeye ”

‘‘Habaryartay baa, maxaa ku dhacay”?

‘‘Waa markii labaad ee ay igu leedahay ……” hadalkiina waa uu joojiyay si uusan ayada dareenkeeda u dhaawicin.

‘‘Maxaa jira Samatar, gacaliye? warka ii dhamaystir”

Samatar ayaa hadalkii sii watay oo yiri:

“Waxay leedahay waxaan rabaa in aan caruur aad dhashay aan arko”

Sagal oo foolkeeda murug soo fiishay ayaa tiri:

”Samatar gacaliye, waa hooyadaa waana wax caadiya in hadaladaas tiraahdo, waayo waxay rabtaa in ay ubadkaaga aragto oo ku faraxdo, oo ay aragto ayaga oo horteeda ku ciyaaraya, wax la yaab leh in ay habaryartay tiri u malayn maayo, waayo waa arrin caadiya in hooya walbo ay ku tiraahdo wiilkeeda”

‘‘Bes, bes”

‘‘Haddaad rabitid waan isa soo baaraynaa, diyaar baan u ahay, balse ma rabo in aan arko adoo murgaysan oo dhibtoonaya”

Samatar intuu istaagay oo xaaskiisii u tagay oo labada dhaban ka dhunkaday ayuu yiri:

”Ma ogtahay, macaanto, in la’aantaa noloshaydu in aysan wax qiima ah lahayn”

Ayada oo dhoolla cadaynaysa ayay tiri:

‘‘Anigaba sidoo kale”

 

Maalmo ka dib waxa ay aadeen in ay isa soo baaraan, dhowr maalmood ka dibna jawaabtii ayaa loogu yeeray waxayna aadeen rugtii bukaan eegtada, si ay u ogaadaan waxa soo baxay, Samatar waxaa ka muuqday baqdin iyo war war, Sagalna waaba ka sii darnayd balse waa qarsanaysay, dhoolla cadayn been ah ayay muujinaysay, jawaabtii loo sheegay sidii biriq ayay u haleeshay labadoodii, Sagal waa ma dhasho, ma dhasho, ilmo ma dhali karto, si loo daaweyana waa ay adag tahay, afkay gacanta saaratay.

 

Indhaheedana waxaa suu buuxiyay ilmo ayada oo Samatar eegaysa oo asagana indhihhisa ilmo soo buuxisay, waana uu isku duubay oo si xoog leh hab u siiyay ayada oo oynaysa, gurigii markay tageena waxay la kulmeen kadis kale, habartiibaa ku sugaysay oo barsada fadhiday, si yasid ka muuqato ayay u tiri:

‘‘Arooryo wanaagsan, maladaydii baa sax ahayd sow maaha, anigaa sax sanaa sow maaha?

Sagal orod ayay ku aaday qolkii ayada oo si xun u oynaysa, Samatarna meeshiisii waa ka nuuxsan waayay, markii Sagal qolkii gashay ayaa hooyadii u yeertay Samatar oo tiri:

‘‘Anaa gar lahaa sow maaha”?

Samatar oo hadalkii ka soo bixi la’yahay oo shig shigaya ayaa yiri:

“Hooyo, hooyo”

Intay hadalkii ka dhex gashay ayay si kulul oo caro ah ugu tiri:

‘‘Anaa gar lahaa, madhashadu waa yada, sow maaha”?
‘‘Hooyo, waxaan waa wax alle qoray”

Ayada oo xanaaqsan ayay tiri:

‘‘Ma aragtay Samatar, abaal marinta wiilkaan hooyadii u ducayn, waa tanaa tii aad jeclaatay oo aad ku waalatay, fiiri bal waxay dhashay iyo waxay noqotay, waa tanaa tii aad guursatay intaad warkeena diiday, sow kuuma sheegin? Sow kuma oran tan wanaag sooma wado”?

 

Qolka ayay dhex taagnayd Sagal ayadoo madax darbiga ku haysa oo ilmadu ka qubanayso, hadalka barsada ka socdana waa maqlaysay, Samtarna weli hooyadiis ayu la hadlayay:

‘‘Hooyo waxa kan waa qadar raabi”

Hooyadii oo wali xanaaqsan baa tiri:

‘‘Haba ahaato qadar rabai, balse waad istaahishaa waxa kugu dhacay, tanna waa abaalmarintaad heshay, haddaad gabadhaan kuu doornay guursan lahayd waa kuu dhaami lahayd ma dhashadaan, aan waxba dhalayn”

Samatary waa u ka xanaaqay hadalkii oo hooyadiis wuxuuna ku jiri:

‘‘Hadalkaan badan jooji, waa nolosheenii waana u madax banaanahay, caruur ma rabo, qof aan rabo maleh, qof aan Sagal ahayn ma rabo mana guursanayo”

”Balaayo idin jeclaatay adiga iyo ayadaba, aamiin dheh, I maqal Samatar, markii u horreysay amarkaygaa ku caasisay oo iskaa ayaad u guursatay, waana kuu yeelnay waxaad rabtay, hadana madax adaygaaga inaan qaato ayaad rabtaa, ma dhasho aan caruur kuu dhalayn inaan kaa yeelaad rabtaa, markaan anigaa hadlaya mana aamusayo”

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply