Waa sheeko laba is jecel oo u istaagay una halgamay jacaylkooda, wax kastana u sameeyay in jacaylkoodu waaro, jacayl xalan oo xilliyadan danbe noqday mid dhif ah in la arko, asagu si soohdin ka bax ayuu u jeclaa ayadana waxaa maankeedi la tagay jacaylkiisa iyo galgacaylkiisa, waxay noqdeen hal ruux oo laba jir ku wada jira, cid kala dhex gali kartayna ma jirin, jacaylkoodu wuxuu noqday tusaale la soo qaato, waxay u adkaysteen dhib walba oo ka hortimid, waxay ka biya diideen cidahoodii oo is ka hor yimaadeen si jacaylkoodu u mira dhalo, dibindaabya katsa oo loo dhigay waa ay ka gudbeen waana is guursadeen, in kasta oo cidahoodu ay ka soo horjeedeen guurkooda, jacaylkoodiina waa uu u dhamaystirmay.
si dhab ah ayay u jeclayd, ruuxaan asaga ahayna ifka kama arkayn, ilbiliqsina kama maarmi karin, asaguna waali ayuu u jiclaa tan iyo dhimasho ayuu jeclaa.
Guurkii ka dib toddobadii ayay galeen, oo ahayd noloshooda intii ugu macaanayd, bil, labo, saddex ayaa martay guurkoodii tan iyo intii hal gu’ ka buuxsamay, gugaas waxay ku noolaayeen riyo aad u macaan oo aysan rabin inay ka soo naaxaan.
Maalin maalamaha ka mid ah ayaa Samatar ku soo kacay dhawaaqa siinkiisa, markii uu qabtayna waxaa ka hor yimid cod caro ka muuqato, hooyadiis, hooyadiis oo qaylinaysa, inta hadalkii ka dhex galay ayuu yiri:
‘‘Aroor wanaagsan hooyo macaan”
Si kulul ayay markaas ugu tiri:
‘‘Aroortaad ka hadlaysid waa maxay, shan saac duhurkii baa la joogaa, markaasaad arooryo san I leedhay”
‘‘Weli aroor baan ku jirnaa anagu hooyo”
‘‘Warkaas ka bax, si dhaqsa ah dhar u soo xiro oo ii imoow, hana soo daahin”
‘‘Wax dhib ah miyaa jira hooyo,” ayaa Samatar yiri
‘‘Dhaqso u kaalay, arrin muhiim ah ayaan rabaa in aan kaala hadlee” ayaa hooydiis ku tiri
‘‘Waayahay hooyo, aniga iyo Sagal markaan soo quraacano, ayaa ku soo maraynaa, kaana daahi mayno”
Cod yaab iyo caro ka muuqato ayay ku tiri markaas:
‘‘Yaa? oo adigu ayada la’aanteed ma socon kartid miyaa, guriga ku soo dhaaf oo adiga kaligaa ii imoow, hana daahin”
Samatar waa ogyahay in aan hooyadiis aysan jeclayn xaaskiisa Sagal, cod murug ku jirto ayuu ku yiri:
‘‘Waayahay hooyo”
Markii uu hadalkii dhamaystay oo uu dhar soo xirtay, ayuu u yimid Sagal oo quraacdii diyarinaysa, markay aragtay in ninkeedu uu dag dagsan yahay ayay ku tiri:
‘‘Samatar gacaliye, xageed u dag dagaysaa, quraacdii wan kuu diyaariyee”
‘‘Dhib maleh macaanto, hooyaa tiri arrin dag dag ah ayaa kaa rabaye ha iga soo daahin, waa inaan u dhaqsadaa marka, haddaan soo laaban oo quraacan” ayuu yiri
‘‘Khayr allaha ka dhigo, hana illoobin in aad habaryartay igu salaantid”
Samatar illinkii ayuu sii xiray, wuxuuna aaday hooyadiis bal inuu soo ogaado arrinta dag dagtaan ay ugu rabo, oo sidaan adag ay ugu la hadashay, gurigii hooyadiis markuu tagay, hadal kulul ayay ka horkeentay ayadoo leh:
‘‘Meeqa ayaa guurkaaga ka soo wareegtay?”
”Hal gu’ weeye ayaan u malayn”
‘‘Maxaa tiri? Hal gu’ ka badan ayaa laga joogaa markaad guursatay”
‘‘Maxaana hooyo? Ma qof guurkaygu khuseeyo ayaa jira?
‘‘Waa maxay weydiintaasna? Ma ogid miyaa waxa jira?
Asaga oo yaaban ayuu yiri:
‘‘Maxaa jira hooyo?
”Hal gu’ iyo ka badan baa guurkaaga ka soo wareegtay, waxna kaama aragno”
‘‘Anigaa”
‘‘Wallaahi? ma anigaa? maye waa xaaskaaga qumayda ah”
‘‘Maxaad ku hadlaysaa hooyo?
”ilaahay ka baq, sow gu’ iyo kaban kama soo wareegan, waxaan ka aragnayna ma leh”
Samatar ayaa markaas yiri:
”Caruur haddaan dhalno iyo hadaanan dhalin waa arrin anaga noo gaar ah, aniga iyo ayada kaliya, tan kale guurkeena hal gu’ uunba ka soo wareegay”
‘‘Yaa salaam. Anaabad carrab dheeri igula hadlaysaa, oo hadalka kor igu qaadaysaa, danbiga adigu ma lihid ee waa qumayada aad qabto ee agtaada joogta”
‘‘Hooyo wax yaabaha qaarkood waa ceeb, ha dulmin naagtayda”
Habartii qof oynaya ayay iska dhigtay si ay wiilkeeda ugu beer laxowsato ayay tiri:
” Maye, ceebta anaa leh, oo raba in aan aragtida caruurtaada ku farxo inta aanan dhiman oo ciida laygu rogin”
‘‘Hooyo sidaas ha oran, cimrigaaga allaha dheereeryo, carruurtayda iyo kuway sii dhalaanba waa arki doontaa” ayuu yiri Samatar
‘‘Goormay imaan doontaa maalintaan arki doono?”
‘‘Dhawaan haddi alle idmo”
‘‘Dhow goormeeya?, markasta sidaas baad tiraahdaa, hal gu’na waa laga soo wareegay, waxaan araganayna ma lehe”
Samatar oo raba in uu hadalkaan oo dhan soo af jaro ayaa yiri:
‘‘Wax walba gacanta Eebe ayay ku jiraan, hooyo, waxaan anagu awoodno ma leh”
”I maqal maandhahay, waan iska samrayaa, ilaahyna waan tala saranayaa”
‘‘Ilaahay idankii hooyo, haddana waan sii socon, ma waxbaad u baahantahay?”
‘‘Ilaahay ha ku nabad yeelo”
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply