JACAYL KAA KA WEYN

 

Xiriir laba is qaba oo yaab leh, oo sir daahdoon ku jirto oo xilli danbe sirtii soo banaan baxayso, waa sheeko muujinaysa jacayl iyo xiriirka adag ee laba is qabtay ka dhaxeeyay, oo tirtiraysa waxii tuhun ah loogana gudbayo kufaa dhaca qoyska.

 

Sagal gu’yaal badan ayay xaas ahayd mana ahayn dumarka ka sheekeeya guurkooda iyo xiriirka ninkeeda, dadka la shaqeeyana qof xaajigeeda arkay kuma jirin, magaciisa se waa yaqaaneen, maalin ayaa duqeedu ugu yimid meesha shaqada markii xilligii shaqadu dhamaaday, si uu horay ugu sii wado, waxayna ahayd markii u horeysay ee jaallayaasheeda la shaqeeya ay arkaan ninkeeda, gabar la shaqaysa sagal oo hadal badan ayaa inta u dhawaatay si ay isku bartaa oo ninkii ku tiri:

”See tahay adeer?”

Sagal oo xishoonaysa ayaa u hadal celisay oo ku tiri:

‘‘Iska baro xaajigayga”

Dhamaantood waa yaabeen waayo ninku aad ayuu uga weynaa sagal, oo qaarkood waxay u haysteen aabaheed, qaar waxaa galay tuhun ah, maxaa gabar yar oo qurxoon oo aqoon leh sida sagal oo kale ah u geeyay oo ay u guursatay nin aabaheed la’eg?.

 

Sagal waligeed jaallayaasheda shaqada kalama hadal umana sheegin, farqiqa da’ ahaaneed ee u dhaxeeya ayada iyo duqeeda,  waxaa markasta ka muuqday foolkeeda markay ninkeeda telefoonka kula hadlayso rayn rayn, dhoolla caddayn, hoos u qosol, sidii gabar yar oo jacaylkii ugu horeeyay hayo oo caashaq iyo galgacayl ku dhex jirta, markii ay taleefoonka dhigtana waxay gali jirtay riyo maalmeed in muddo ah.

 

Balse maalintii labaad sidii hore si ka duwan ayaa dhacday, oo markay taleefonkii dhigtay ayay gashay fakar iyo aamusnaan, iyo inay dareenka foolkeeda ka muuqda qariso si aan qofna uusan dareemin inay oynayso,

Waxaa u soo dhawaaday gabar la shaqaynaysan oo ku tiri:

‘‘Ma fiican tahay sagal, see wax u jiraan?”

‘‘Ma fiicni” ayay ugu war celisay

Gabadhii ayaa markaas ku tiri:

‘‘Waa maxay murugtaan, ii sheeg maxaa jira?, inaan kaa kaalmayn karo ayaa dhici kartee”

Sagal ayaa markaa tiri:

”Waxaan ka baqayaa inaan jacaylka noloshayda iyo farxadayda waayo, waxaan la oynayaa cabsi aan ninkayga aan jeclahay ka qabo, ninkayga sida xad dhaafkaa ii jecel, oo maalin kasta oo noloshayda ka mid ah ka dhigay sidii aan toddobadii aqal galka ku jiro, oo daqiiqad walba isoo waca si uu u ogaado inaan bad qabo, mar kastana ii sheega inuu ii hiloobay”

 

Gu’yaal badan ayaa sidaas ku gudbay, tan iyo markii danbe uu geeriyooday ninkii Sagal, dad badan ayaa duugtii isugu yimid, markii duugtii dhamaatay oo dadkii baxeen ayaa waxaa u yimid Sagal saaxiibteedii ay horay ninkeeda iyo in ay badqin ku jirto u sheekatay, balse maalintaas aysan waxba u faahfaahin, intii aysan u tacsiyayn gabadhii ayaa Sagal waxay tiri:

‘‘Waa uu geeriyooday, balse sirtii jacaylkeena qaaliga ahayd ma dhiman, waligeedna ma dhiman doonto”

 

Habeenkaas sagal waxay shaaca ka qaaday, sirtii ka danbaysa xiriirka wanaagsan ee heerka sare ahaa ee ka dhaxeeyay ayada iyo duqeedaa sida uu ku dhashay, markhaatina u ahaa in sagal aad u nasiib badnayd, in kastoo ninkeedu uu dhali karay oo aad uga weynaa..

 

Sagal oo indhaheeda ilmo ka qubanayso oo gabadhii u sheekaynaysa ayaa tiri:

”intii aanan guursan waxaan xiriir la lahaa, wiil dhallin yaro ah oo da’dayda ah, si waaliya ayaan u jeclaa, waxaan markasta dhalanteed ku dhisi jiray aayatiinkeena danbe oo aad u qurxoon, balse wuxuu ahaa sabool aan rumayn karin nolosha aan ku riyoonayay, markaas ka dib xal ayaan keenay oo ah, in aan in muddo ah guursado nin da’ weyn oo dhaqaale fiican haysta, kuwa raadiya gabdho yar yar oo ay ku raaxaystaan, markaas ka dibna aan isku howlo sidii aan dhaqaale uga aruursan lahaa oo markaan xoogaa helo aan ku dhaho I fur,

Balse jugtii ugu xumayd waxay igu dhacday markii hal gu’ la I qabay, oo waxaan ogaaday in uur igu soo baxay uusan lahayn ninkaygu, balse saxiibkay leeyahay, durbadiiba waxaan wacay gacaliyahaygii oo u sheegay, waxaan kale oo ku iri, furriinkii waa ii soo dhowyahay, dhaqaale fiicanna waa noo aruuriyay, jugtii labaadna waxay I heshay, siduu iila dhaqmay markaan warkii oo dhan u sheegay oo wuxuu yiri, ma ogoli in lagu furo, balse wuxuu iga baryay in xiriirkeenu dhammaado ilmahana aan soo rido, taleefonkii ayaan dhigay anoo walbahaar ba’an I hayo, waxaan si kadis ah iigu soo galay ninkaygii, waana ii soo dhawaaday, waxaan filayay inuu I garaaco ama nafta iga qaado, balse waxaa dhacday in uu ilmadii iga tiro oo uu jacayl iyo naxariis I huwiyo, waxuuna yiri,

”is daji hana oyn, arrinta dhan waan la soday tan iyo bilowgiiye, ee ha war warin, wax kasta waa hagaagayaane”,

inkasta oo aan been u sheegay oo aan dhagrayay, kuna danaysanayey, haddan ima cayn, naf ahaan iima dhaawicin, ixtiraam darro ima tusin, bog cusub ayaa nolosheena u furmay oo ku dhisan galgacayl iyo jacayl aan dhamaad lahayn.

    DHAMMAAD

     Qore

Suldaan Cali  Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply