JACAYL AAN MIRA DHALIN Q-1-AAD

 

Markii u horeysay ee ay is barteen, ayadu waxay jirtay 16 gu’ asaguna 17 gu’, waxay iska barteen khadka, howla la’aan darteed ayay ula sheegaysan jirtay iyo waqti dhumis, toddobadyo ayay saacada badan sheekaysan jireen maalintii, waxay bilowday in ay ku qososho inta badan sheekooyinka uu u sheego, wadanaheedii iska daganaa wuxuu bilaabay in uu garaaco oo uu nolol cusub dareemo, waan ka helay kan, ayay laabta iska tiri.

Waxay  aqal kula noolay walaalaheed oo gabdho iyo wiilal ah, oo markast ku howlan, xaasaskooda, nimankooda, iyo shaqadooda, mar kasta waxay dareemi jirtay cidlo iyo kalinnimo, mar walba waxay rabtay cid ay la sheekaysato,

Labadii dhalay markasta waxay ku howl lanaayeen dajinta iyo xallinta buuqa guriga, ayaduna qolkeeda uun bay iska joogi jirtay, cid ay u sheegato kalinimadeeda ma lehayn, dugsigu waa ku cusub tahay asxaab kuma leh, wiilkaan ayay is barteen oo toddobaad ka wada sheegaysteen khadka, balse toddobaakii ku xigay oo dhan  lama aysan xariirin oo howlo ayaa ku  furnaa, balse waxay dareemaysay in ay u xiistay, oo in ay la hadsho rabo, khadka kula haasaawdo, waxay is oranaysay, toloow kani ma mid wanaagsan baa mise waa kuwa gabadh kasta is kala sheekaysta oo habluhu ku meel gaarka u yihiin?, si kastaba waxay dareemaysay in uu yahay kay waligeed rabtay inay la sheekaysato.

 

Dhammaadkii toddobaaka markii laga baxay ayay khadka furatay, waxayna aragtay fariimo aad u badan oo asaga ka yimid, wuxuu u sheegay inuu rabo in uu la hadlo oo uu u xiisay, wuxuuna u soo qoray lumberkiisa, geesinnimo inta is ka raadisay ayay wacday lumberkii.

Codkiisa markay maqashay waa ay ku qanacday, cod dheer oo dhagaha kaa dhibaya ma ahayn, cod dabacsan oo ay isku qaadatay in uu habsiinayo markuu la hadlayo ayuu ahaa, habeen kasta saacado badan ayay wada hadli jireen, qosol aan kala go’layan iyo farxad ayay saacadahaas ku dhamaysan jireen.

 

Maalin ayay ku ballameen in ay kulmaan, waxayana ku kulmeen meel dad badan, waxayna la yaabtay sida ay ku aqoonsatay durbadiiba, jir dhisan, fool qurxoon, in kasta oo uu yaryahay hadana gar habaysan ayuu lahaa, iyo midab maariin ah ayuu lahaa, kii la rabay weeye, waxay rumaysan weyday ruux saan u eg, oo ay khadka ku baratay, inta badan sidaan uma dhacaan arrimuhu.

Sidii ay waligood is yaqaaneen ayay sheeko iyo kaftan galeen, waqtigiibaa orod ayuu ku dhaafay, 10 daqiiqo in ay la joogaty iskuma haysan, iskaba daa maalin dhane.

 

toddobaadkii ku xigay waxay ahayd in ay socdaal gaaban oo muddo affar maalmood ah gasho, in aysan affar maalmood oo ku dhan aysan arkayn murug ayay ku abuurtay iyo war war, waayo nafteedu ma awoodin in ay intaas ka maqnaato, aad ayay u rabtay, sidaas iyo ka badan ayuu asna ugu baahnaa ayada, balse waa in ay tagto qasab ayay ku ahayd, affar maalmood si ay kula xariirto ma aysan jirin, aad ayay ugu xiistay.

Affar maalmood oo ula mid ahayd nolosheeda oo dhan markay ka maqnayd ayay ugu danbayn soo laabatay, horey ayayna ka aaday in ay soo aragto.

Ciddeedu waxay rumaysnaayeen in jacaylku guurka ka dib yimaado, taasna dhib iyo war war ayay ku haysay, si kastaba waalidkeed been ayay u sheegi jirtay si ay u aragto oo ula kulanto  gacaliayheeda jacaylka curdunka ah lawada, aroor walba oo ay firaaqo leedahay mar marsiiye ayay sheegtaa ay ku baxdo, markaas ayay isku yimaadaan, oo maalintii oo dhan isla joogaan, meesha ay aadaan wax dana kama aysan lahayn, haddiiba ay isla joogaan, habeenkii telefoonka ayay ku sheekaystaan tan iyo inta ay ka hurudo, asaguna neefsashadeeda ayada oo huruda ayuu ka dhagaystaa telefoonka oo asna ku hurdaa.

Xilliga ay school aroortii leeyihiin farriin qoraal ayay ku wada sheekaystaan hal saac ka dib markay tel ku hadalka joojiyaan, imtixaan markay galayso oo habeenkii ay casharada akhrinayso, telefoonka ayuu u soo diraa oo ka dhagaystaa, sida ay bogoga buuga u rogayso, markay isla hadlayso, markay si hoos ah wax u aqrinayso, jacayl ayuu ahaa ayaduna waa ogayd asna waa uu ogaa, waxa hayay oo isku soo jiidayay labadooda wuxuu ahaa jacayl, jacayl aan labo qof isku jeclaan siday isku jeclaadeen.

Tan iyo intii ay timid maalin, maalintii nolosheeda bur burisay, toddobaadyo isma aysan arag, oo mar walba wax baa ku soo baxayay baajiya, asaguna intaas farriin qoraal ayuu u soo dirayay oo ka baryayay in uu arko, Shan daqiiqaba alaha ka dhigee.

 

 

maalintaas waalidkeed ayay rabtay in ay ka dhaadhacsiiso in ay dan meel ka leedahay, balse waa u diideen in ay baxdo, ciil iyo uur xumo ayay sariirta kula dhacday waana ku huruday, hurdo waxay seexatay ay waligeed ka shalayso, hurdo nolosheedii madax iyo maja u ragay oo wadnaheedii yaraa tiiraanyo iyo murug baday, hurdadii ayay ka soo booday ayada oo xasuusatay in gacaliyaheedii meel ku sugayo, oo ka dhowrayo war celin ah in ay imaan karto iyo in aysan imaan karin,

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply