Maalitii oo dhan qolkeeda ayay ku jirtay waliba go’a hoostiisa, waxay haysatay saacad uu hadiyad ugu keenay oo hadba ay dhunkanaysay, asagii ayaa uga soo carfaya markay sanka saartaba, waxaa u soo galay walaalkeed oo u sheegay in ay berri dugsiga aadayso una sheegay hadii ay fal isku daydo dugsiga ka hor iyo ka dib ba in uu wajiga ka badali doono.
Aad ayay u faraxsanayd, danna kama aysan lahayn handadaada walaalaheed, telefoonka dusiga ayay ka wacaysaa, codkii ay inta badan u xiistayna waa ay maqli doontaa, aroortii danbe sidii ayay samaysay, codkiisa markay maqashay ilma kulul ayaa ka soo daadatay, in badan ma aysan wada hadli karin balse waxaa asaga u muhiim ahaa in uu ogaado in ay nabad qabto, wuxuuna u sheegay in inta aysan dugsiga ka bixin oo fariin ugu dhaafi doono xafiiska, waana ugu dhaafay oo intaan xisadii u danbeeysay maalinta aysan dhamaan ayaa maamule ku xigeenkii u keenay boorso yar, gacan qaad ”mobile” uu ku jiray, waxayna ku qarsatay rajabeetada,”keyshaliga” aqalka markay tagtayna habeenkii oo dhan ayay isla hadlayeen, wuxuu u sheegay in uu waali ku dhawaaday, In uu aad u tabay, in gacan qaadkeedu dansanaa oo uu aad u war war waray oo uu is yiri ma aday kuu xanaaqsan tahay, balse waa uu ogaa in ay san cankaas ahayn, in ay san mar qudha ka aamusnaan kari, ma ay asan awoodin in ay ka aamusto hadii aan wax kale jirin, sida uusan asna u awoodin in uu ka aamuso.
Xaaladii xoogaa waa roonaatay, waxay dareemaysay nafis weyn mar hadii ay qolkeeda ku xiran tahay oo la hadalkiisa maahane wax kale aysan qabanayn, ayaan wanaag waxaa xanuunsaday adeerkeed oo ciddii ay aaday tuulada uu ku xanuunsanaa qolkiina waa laga furay, balse habar yarteed loo sheegay in ay ilaaliso, tallaaba kasta oo ay qaadayso ay ogaato oo xataa dugsiga ay ayadu gayso kana soo wado.
Habar yartiina sidii dafadii ayay mar walba u dul taagnayd, dhaqaaqay samayso isha ayay ku haysay, si kastaba waxay rabtay in ay aragto aad ayay ugu xiistay, codkiisa oo ay maqasho kaliya waa uu ku filnaan waayay, habeen ayuu soo wacay affar saac oo habeenimo, wuxuuna u sheegay in ay dariishada banaankeeda fiiriso, waa asagii, banaankuu taaganyahay, si qarsoodiya ayay qolkii ku soo galisay, labadii habeen ee ku xigtayna sidaas iyo si la eg, wunuuna la joogay inta waagu ka soo dhawaado, saddex habeen oo farxad aan kala go’lahayn, balse habeenkii saddexaad wuxuu ahaa habeenkii ugu danbaysay ee ay aragto.
Ciddeedii markii ay soo laabateen, waxay u sheegeen war aysan ku farxin oo ka nixiyay, waxay u sheegeen in ay guuri doonaan, maahan in ay magaalada ka guuraynaan oo kaliya balse dalka dhan in ay ka guurayaan oo soohdimaha ka tallaabayaan.
Waxay u sheegeen in ay guursanayso nin walaalkeed saxiib la ah, waxayna ku yiraahdeen waa nin fiican mana aha qashinka aad jeclaatay oo kale, guurka aad guursanaysana maahan baryo ee waa amar aadan jabin karin.
Har iyo babeen ilmadaa ka tis lahayd oo oohin ayay ku jirtay, maalmo, tottobaadyo, bilo, waa ay wacday gacaliyahedii oo u sheegtay meesha xaal marayo, cirka ayuu isku shareeray, wuxuuna ku yiri, anaa aqaan waxaan samaynayo markaan, fal aysan ka filayn ayuu ku dhaqaaqay oo ah in uu walaakeed waco, oo uu ku yiri, walaashaa waan jeclahay, laaanteedna ma noolaan karo, wax kasta oo uu ku helayana in uu diyaar u yahay in uu sameeyo, wuxuu u sheegay in hadii nin kale xaaskiis ay noqoto taasi ay dilayso asaga oo uu diyaar u yahay in uu guursado oo si sharaf leh cidda uga soo doono oo qosykiisa iyo qaraabadiisu waalidkeed iyo ciddeeda u yimaadaan, wuxuu u sheegay in uu rabo in uu agteeda ku noolaado kuna dhinto, walaalkiina kama uusan waalin ee wuxuu ku yiri xal waan gaari karnaa marka ee aan is ragano, Balse markii ay kulmeen, walaalkeed si xun ayuu u garaacay gacaliyaheedii oo isbitaal loola cararay,
Waxaana markaas soo wacay ayadii wiil la dhashay xabiibkeeda oo ku yiri,
‘‘Wiilkaan faraha nooga qaad, intii ku filan oo dhaawac ah waa aad gaarsiisay, adi dartaa hurdo waa uu ka tagay, cunno haba sheegin, saaxiibo iyo cid aragoodii waa joojiyay, haddana adiga dartaa ayuu sariir u saarayahay oo wadkii sugayaa, waan ku baryayaa jacaylkiinu mid socon kara maahan, dhib iyo dhaawac uun buu idiin kordhin ee kala taga, is illooba”
Bil ka dibna waa ay socdaaleen oo dalka ka dhoofeen, Inkasta oo aduunka geeskiisa kale ay joogtay, hadana waa ay rabtay in ay codkiisa maqasho, dhoolla cadayntiisa aragto, hadana ma aysan rabin in ay dhib u gaysato.
Cideedii ayay markaas waxay ku tiri:
”Mar dhow waa la I aroosayaa, guur qasab ah ayaa la i guursan, nin aanan rabin oo raali ka ahayn ayaad igu qasbaysaan, balse wxaad ogaataan in habeenka la ii aqal geeyo laga bilaabo markii uu ii tagaba uu xaaraan iigu tagayo, danbigana aad idin ku leedihiin, waayo gabar aan raalli ahayn qasab nin aysan rabin loogu guri geeyo diintu ma qabto, hadaad ii guurisaana ogaada guurkkaas wax ka jira maleh, nin baan xaaraan guri ugu joogayaa”
Waxaase walaalkeed ugu war celiyay,
‘‘Xaaraanta iyo danbiga aan anagu la bood boodno, ee car ma diidi kartaa adigu, ma guursanayo afkaaga ma ka soo bixi kartaa, unuunka hadaanan ku hor dhigin anigaa xaaraan laygu dhalay”
DHAMAAD
DIYAARIE
SULDAAN CALI ADAM AMERIKO
Leave a Reply