gacan qaadkeedii ayay haabatay balse waa ay weyday, meel kasta ayay ka raadisay, balse ma aysan helin, ayaga ayaa qaatay, cideeda ayuu gacanta u galay, wax walbana waa ay ogaadeen, farriin qoraaladii ayay akhristeen, waxaa qolka u soo galay walaalaheed oo irida xoog u xiray, indhahooda waxaa ka muuqday caro aad u badan, waxyna ku boobeen weydiimo ah,
‘‘Waa kuma”?
‘‘Goormaad baratay”?
‘‘Halkee kula kulantaa”?
‘‘Immisaad is taqaaneen”?
Balse waxba uma aysan sheegin, waxay ka baqaysay in ay wax yeelo gaarsiiyaan gacaliyaheeda, in ay dhaawac u gaystaan jacaylkeeda, waxay ku handadeen in ay garaacayaan hadaysan sheegin, balse dilkooda wax dan ah kama aysan lahayn, dhibka soo gaaraya gacaliyaheeda ayaa kala weynaa, shib ayay tiri, oo waxba uma sheegin.
Mid ka mid ah ayaa baxay intii kii kale uu wali weydiimo aysan uga war celinayn uu ku waday, kii tagay ayaa soo laabtay asaga oo ul midab huruud leh wata, waana uu ku garaacay, si xun ayuu ugu garaacay oo iilinta idhaheeda ka imaanaysay ay u malaysay in ay dhiig tahay, balse waxba uma sheegin, hal eray afkeeda kama soo bixin.
Hooyadeed ayaa qolkii soo gashay oo wiilashii ka joojiya garaaca tiri, waana ka joojiyeen ushii, waxayna is tuseen in sii garaacid kale oo la garaaco aysan wax faaiida ah keenayn illayn maba hadlaysee, qolkii ayay kor uga xireen oo fure banaanka kaga xireen.
Wixii ku dhacay waa ay rumaysan weyday, dhulkaa la wareegayay, illintii kululayd ee ka daadanaysay ayaa dhabanada ka gubtay, in nabar wadnaha kaga taagan yahay ayay dareemaysay, balse kama qoomamayn, hal il biliqsi xataa kama aysan qoomamayn in ay gacaliyaheeda jeclaatay, balse waxay ka qoomamaysay in ay taxadari weyday oo gacan qaadkeeda meel cidla ah laga helay.
Cidii oo dhan waa yaabeen, qaracan ayay ku noqotay in gabadhoodii yarta ahayd ay waxaas oo kale samaysay ama taqaanba, hooyadeed waaba rumaysan weyday, waxay gabadheeda ku canaananatay,
‘‘Sidee u samaysay waxaan oo kale”?
‘‘Maxaad cidaada sharafta uga qaaday”?
Uurka waxay ka lahayd ayada oo hooyadeed ugu war celinaysay, balse afka aysan ka oran:
‘‘Waan jeclahay, farxad ayuu isiiyaa, anaa leh, qof kale oo ila leh ma jiro, anaa jecel, amiirkaygii weeye, anaa la iigu tala galay, waa isku haboonahay”
Qolkeeda ayaa lagu amray in aysan ka soo bixi karin, taasna ayada ayaa oo loogu danaynayey oo lagu badbaadinayay, in kasta oo hooyadeed ay u xanaaqsanayd hadana waa ay ogayd hadii ay walaalaheed ku arkaan qolkeeda baankiisa in ay tan iyo dhimasho garaacayaan, dugsiga in ay aado maahane meel kale in ay aado looma ogolayn, tan iyo inta nin guursada ay cideedu uga helayso, inta ka horeysana aqolka ayaa xabsi looga dhigay.
Balse dan iyo heello kama aysan lahayn waxay qorshaynayaan, waxay ku fakaraayaan iyo ujeedkoodaba, waxaa u cadayd in ay aragto, waa in ay aragto gacaliyaheeda, aad ayay ugu xiistay oo ugu hamuun qabtay.
Taddobaad oo kale ayay qolkii ku xirnayd oo maxbuus ku ahayd, Oo ay oynaysay hebeen walba ilaa ay ka sexato, dhalanteed ayay muuqiisa ku arkaysay, codkiisa ku maqlaysay, caraftiisu ugu soo uraysay, cunno in ay cunto waa ay diiday, wax ka dagaya dhuunteeda ma jirin, awoodeedii iyo itaalkeedii wuxuu ku soo aruuray oohin iyo cabaad, walaalaheed oo oohinteeda dhibsaday waxay ugu hanjabeen in ay garaacayaan hadii aysan aamusin, Â noloshii ayaa ciriiri ku noqotay, intaas ka badan waa ay dul qaadan weyday, ugu danbayn maalin ayay dariisha qolka ka baxday oo carartay.
11 kii saac ee aroortii ayay ahayd, oo dadku weli jiifo, meel ay aado ma aysan aqoon, in ay gacaliyaheedii wacdo ma rabin waayo waa ay ogayad in walaalaheed soo raadinayaan, halka marka ugu horaysa ay ka soo raadinayaana ay tahay agtiisa, meel ayay iska fariisatay ayada oo qofkii ag maraba ka baqaysa, gaaja waa haysay, wax ay cuntana ma aysan haysan, lacag ma haysan, dhulkay In doora ka fiirisay bal wax lacag dad ka dhacday waana ka weyday, taas waxaa kaga sii darnaa dhiigii billaha ahaa ayaa u yimid, xanuun ayay dareemaysay, cid ay u ciirsato ma jirin, talaa jiq ku noqatay.
Ugu danbayn Dani waxay ku qasabtay in xabsigii ay ka soo carartay ay lugaheeda ugu laabato, si aayar ah oo shanqar la aan ah ayay dariishadii u taftay oo gudaha ugu laabatay, markay dariishadii ay xir is tiri ayay indhaha ku dhufatay, waa asagii, fatuurad ayuu saaran yahay  oo wataa, in ay dib diriisha uga boodo ayay damacday, ku roorto hab siiso, gacmihiisa dhex gasho, balse gacanta ayuu ugu baaqay oo u tilmaamay in ay joogto, dhunkasho ayuu hawada u soo marsiiyay horayna waa u dhaqaajiyay, fatuuradii oo dhaqaaqday markay aragtay, ilma kulul ayaa ka soo daadatay, waxayna isku qancisay in ay gartiis tahay in uu cararo waayo walaakeed ayaaba mar dhow bixi raba oo shanqartiisa ay maqlaysaa.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply