asaguna boombaldii ayuu u sii socdaa , baaburkii baa koonkii aad ugu cel celiyay, waa uu foorarsaday si uu usoo qaado boombaladii’
Hibo:
”Hanad ka carar” ayay ku qaylinaysay, baabuurkiuna hoon buu yeerinayay, ka dibna boomb, dhawaaq naxdin leh aya yeeray, meesheedii ayay ku qalashay, wxayna uurka iska tiri, sidaas ayuu rabay in uu iiga tago, asagoo eray ii furin, asagoon indhiisa kala furin.
Laba bil ayaa waxaa hayay hibo dareen ah inay ayadu danbiga leedahay aadna waa uga murugootay inay weydo saxiib iyo nin ay jeclayd, asagu yuuban jeclaane, hareerta markay jalceedaba waxay aragtaa hadiyadii kaliya oo uu abid u keenay, boombalooyinkii, waxayna bilowday inay tiriso, kow, labo, boqol, laba boqol, afar boqol iyo siddetan iyo shan, dhamaan waxay noqdeen 485
Ilmaa soo dhaaftay waa ay ooyday, boombaladii ayay hab siisay si xoog leh, si lama filaan ah,
‘‘Waan ku jeclahay”
Boombaladii ayay tuurtay naxdin awgeed, waaay soo qaaday hadana oo caloosha ka riixday,
”waan ku jeckahay”
”waan ku jeclahay”
”wan ku jeclahay”
Boombalooyinkii oo dhan ayay caloosha ka riixday
”waan ku jeclahay]
”waan ku jeclahay”
Erayo isdaba joog ah oo aan kala go’ayn, waxay uurka iska tiri maxaan saan ugu arki waayay markii hore, maxaan u arki waayay in wadnihiisu markasta I dhinac joogay, in uu I dhowri jiray, dhibta iga ilaalin jiray, maxaan u dareemi waayay inuu I jecel yahay oo aad I jecel yahay, boombalooyinkii sariirta ku hoos jiray ayay soo wada saartay oo caloosha ka wada riixday
”waan ku jeclahay”
Tii weynayd ee u danbaysay ayay soo qaaday, waxay ku yaalay dhiigisii, codkiisii ayaa ayaa ka hadlay oo leh:
”maanta ma taqaan waxay tahay? Waxaan is jeclayn 486 maalood, sidaas ma ula socotaa? Aad ayaan kuu jeclahay, wan ka xumahay in aanan ku oran waan ku jeclahay, waayo waan xishoonayaa” hahahaha qosolkiisii macaan ayaa dhagaheeda ku dhacay, hadalkii ayaa sii socday.
”dhalasho wacan oo wanaagsan, macaanto, dhalasho wanaagsan baa kuu rajayn, waxan rabaa noloshayda inta ii hartay inaan adiga kula qaato, inaan wada joogno intaan ka duqoowno oo ka ciraysano, ahoow tii aan lahaa waligeed, wan ku jeclahay, aad iyo aad, uuummmmmac”
Ilmaa indhaheeda ka soo qul qushay, ilaahoowsan maxay ahayd, raboow hadda lee maxaan u ogaaday, maxaan horey ugu ogaan waayay, maanta dhinacayga ma jogi karo, balse waan jeclaan inta neefta u danbaysa iga baxayso, wadnahayga ayaad waligaa ku qornaan Hanad, gudaha wadnaha, dhiig mareenada, waan ku jelahay, waligayna waan ku jeclaan”
Qore
Suldaan Cali Adam ameeriko
Leave a Reply