HANAD IYO HIBO Q-2

 

Murug xun ayaa qabatay Hibo, waxay is lahayd waa uu xasuusan dhalashdeeda, balse markii uu sii jeestay oo iska dhaqaaqay sidii aan waxba dhicin ayay ka daba qaylisay oo ku tiri, sug.

Hanad:

‘‘Maxaad rabtaa?”

Hibo:

”Ii sheeg inaad I jeceshahy”

Hanad:

”Maxaa?”

hibo:

”Iisheeg, igu dheh”

Si wax tarid la’aan iyo murug ka muuqato ayay dhabarka iska duubtay, balse si qaboow ayuu ugu yiri:

‘‘Ma rabo inaan dhaho ama qof si fudud ku jeclaado, hadaad jacayl u hamuun qabto inaad maqasho qof kale raadso”

Sidaas ayuu ku yiri waana ka tagay ayadoo meeshii istaagsan. Lugihii ayaa ruuxii ka baxay oo celin waayay, dhulkayna ku dhacday, inuu si fudud ku dhaho ma rabo…… muxuu saas u yeelayaa…… malaha ninkii kugu habooaa maahan.ayay uurka iska tiri.

Guriga ayay isku xirtay oo oo hin uun qabsatay, oohin….oohin, sooma uusan wicin, in kasta oo ay teleefoonka had iyo goor eegaysay, balse asagu ma dayn inuu boombalada ugu keeno guriga hortiisa maalin walba, boombalooyikiiNA qolkii uga buuxsameen oo is kor fuuleen.

Bil ka dib ayay biloowday in ay is aruuriso oo dugsigii aado, balse waxay aragtay asagoo gabar kale la sheegkaysanayA oo la qoslaya oo dhoolla caddayntu dibnihiisa saaran tahay, dib ayay ugu soo carartay gurigii oo qolkii oo boombalooyin ka buuxaan Hoosta ka xiratay, oo inta eegtay ilmo ka soo daadatay, isna tiri muxuu waxaan ii siiyay,,,, u badi inuu gabar kale ka soo qaaday boombalooyinkaan, oo inta xanaaqday kala firdhisay.

Telefoon ayaa usoo dhacay, inta booday ayay qabatay, waa asagii Hanad, wuxuuna ku yiri iigu imoow meesha basku istaago oo guriga Hibo horteeda ahayd, waxay aaday ayadoo uurka iska leh, waan ka dalay boosteejada baska imoow…. Waxay go’aansatay in ay xiriika u jarto asaga dhanna iloowdo, balse wuxuu soo aaday oo u yimid asagoo boombalo weyn wada wuxuuna ku yiri:

‘‘Inaad xanaaqsan tahayan Ayaan u haystay oo aadan imaanayn, balse waa timid”

Uurkay ka necbaatay, sidii aan waxba dhicin inuu ugu yimaado oo haddana ku jees jeeso, boombaladii ayuu u soo taagay

Hibo:

”Ma rabo”

Hanad:

”Sababna?”

Boombaladii intay ka qabatay ayay jidka ku tuurtay ayay tiri:

”Boombaladaan uma ma rabo, mar kalena uma baahni, qof adoo kale ahna ma rabo inaan arko waligay”

Wixii uurka ay ku haysay oo dhan ayay ku sii daysay, asaguna sidii maalimihii hore oo kale ma ahayn oo indhihiisa gariir baa ku jiray wuxuuna cod raali galin ku jirto ku yiri:

‘‘Raali iga ahoow”

wuxuuna u dhaqaaqay jidkii si uu boombalada u soo qaado, waa ka daba dhaqaawday ayadoo leh:

”Doqon baa tahay, maxaad u soo qaadanaysaa, sii tuur”

Waa uu iska dhaga tiray hadalkeedii, boombaladii ayuu aaday inuu soo qaado

Baabuur weyn ayaa hoonka soo yeeriyay, Hiba ayaa markaa ku dhawaaqday:

‘‘Hanad ka car car baabuurka”

Qore

Suldaan Cali Adam ameeriko

 

 

Leave a Reply