HANAD IYO HIBO Q-1

 

Hibo iyo Hanad waxay ahayeen daris isla soo koray, dad aad u saaxiib ahna waa ay ahayeen, waxayna ku noolaayeen magalada london oo labaduba ku dhasheen, tan iyo markii ay Hibo ogaatay oo nafteeda u sheegtay runta oo ahayd inay Hanad jeceshay, waxay aad iskugu day day inay u sheegato jacaylka ay u qabto, dadaal badan ka dib weyn ku guulaysaty inay u sheegto sidaas ayayna ku noqdeen laba qof oo wada socda,

Ayadu mar walaba asaga ayaa hammigeeda kaliya ah, balse asagu gabdho wad badan ayuu samayn jiray, ayadu wuxuu u ahaa ninka kaliyaa ee ay rabto, balse ayadu waxay u aragtay  in uu asagu qabo in ayadu ay u tahay gabar kale sida gabdhaha akale.

Maalin bay waxay ku tiri:

”Hannad shaneemo inaad aado marbta?”

‘‘Ma aadi karo” ayuu ugu war celiyay

”Maxaadan u aadi karrina, ma in aad ila socoto ayaad kula ceeba oo gacmaha is qabsano?”

””Ballan baan leeyahay”

Caadadiisu sidaas ayay ahayd, gabdhaha kale ayadoo u jeeda ayuu la kulimi jiray oo la sheekaysan jiray, eryga jacaylna waligiis afkiisa kama soo bixin, waligeedna kama maqal asagoo leh waan ku jeclahay, maalintay is barteen tan iyo hadda wax hadal ah oo macno ayada u leh am aka farxiya ma uusan oran ilaa hadda oo is barashadoodii laga joogo 100…… 200……. Maalmood, balse maalin kasta waa is arki jireen ama  u imaan jiray, intaysan kala tagina wuxuusiin jiray boombalo yar, intay is yaqaaneena maalin ma uusan illoobin inuu siiyo boombalada.

maalin bay ayadooo hadalka la xishoonaysa ku tiri:

”Eeeee, Hannad”

hanad

‘‘Maxaa jira? Hadalka maxaad ula gaabinaysaa?”

hibo

”Waan ku jeclahay”

hanad

”Adigaa…… boombalada qaado oo guriga aad”.

Sidaas ayuu saddexdii eray ee ay rabtay iskaga dhaga tiray oo boombaladii ugu dhiibay, iskana dhaqaaqay, boombalooinka uu siiyo qolkeeda ayay dhigan jirtay oo ku rasayn jirtay.

Maalintii dhalasheeda 17aad hammi weyn ayay ka qabtay in ay si farxad leh ugu dabaaldagto oo ay is raacaan, waxay ka sugaysay in uu soo waco, aroortii duhur bay u gudubtay, maqrib baa soo galay asagoon weli soo wicin, taleefoonka fiirintiisa iyo ilalintiisa waa ay ka daashay, ugu danbayna hurdo la dhacday.

2 dii saqda dhexe ”8saac habeenimo”ayaa taleefoonkii dhawaaqay, waa ay qabaty, waa Hanad wuxuuna ku yiri banaanka u soo bax, wixii soo maray oo dhan waa illoowday rayrayn baa gashay, ayadoo faraxsanna banaanaka u soo roortay.

Hibo:

‘‘Hanad………”

Hanad:

‘‘Hoo qaado” wuxuu u dhiibay boombalo

Hibo:

‘‘Waa maxay waxaan?”

Hanad:

‘‘Shalay kuma siin, marka hadaan kuu keenay, ee waan sii baxayaaye nabadeey”

Hibo:

”Sug sug, maanta waxay tahay ma taqaan?”

Hanad:

”Maanta… maxaa?

Qore

Suldaan Cali Adam Ameerico

Leave a Reply