CURUBKA TODDOBAAD
MIDKEE?
M Bouc iyo Dr Constantine oo makhaayada ku sheekaysnaya ayuu u soo galay.
“Haye” ayaa M Bouc yiri, “kiiskaan wax macnaha ma samayn”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Dr Kii yiri
“Balse cadaymaha socotadu kaalmo wanaagsan ayay ahaayeen” ayaa Poirot yiri asaga oo sigaar shidanaya
“Waxaan u malaynayay in aysan waxba noo kordhine, maxaa iga hoos baxday oo aan gafay?”
“Tusaale u soo qaado Macqueen, wuxuu noo sheegay in ninka uu u shaqaynayay, Mr Rachett uusan af Ingriiska maahane uusan af kale aqoon, kormeeruhuna waxuu sheegay in xalay qolka Mr Ratchettt qof ka yiri, Ce n’est rien.Je me suis, qofkaasi ma hayn Mr Rachett t ”
“Dilaagii ayuu ahaa qofkaas hadlayay” ayuu M Bouc ku soo gabagabeeyay.
“Waad dheereynaysaa jaallahaygoow, wax cadayn ah ma hayno in xilligaas uu Mr Rachett uu mayd ahaa”
“Qayladii adiga ku kicisayna?”
“Haa, waa sax”
“Si haddii lo eego ogaanshadda taas wax badan badali mayso, xilligaan u malaynaynay nus saac ka hor ayaa danbiilihi dilay Ratchettt, qolka ayuuna intaas ku dhex jiray, carrabada saacada ayuu ka dhigay kowdii iyo rubuc, kadibna baxay” ayaa M Bouc yiri
“Ka soo qaad in aad adigu dilaagii tahay,” ayaa Poirot ku yiri, “sow saacada kama aaadan dhigteen xilli joogitaankaaga qolka Rachett an lagu soo qaban Karin, carrabada saacada kuma aadan aadiseen xilligii aad qolka ka baxaysay”
“Sax” ayaa Dr Constantine wax iskaga qasan yihiin yiri
“Waxaa dhici kara in dilaagii labaad uu goorsheegtada badalay, naagtii dharka cas xirnayd” ayaa M Bouc yiri
“Aad ayay mugdi u ahayd in ay aragto in ninku mayd yahay, isla markaasna in ay jeebkiisa surweelka hurdada baarto oo ay awooday in saacada ka soo saartay oo ayada oo aan wax arkayn waqtigii saacada badashay” poirot yiri asaga in aysan wax la rumaysan karo in aysan ahayn muujinaya
M Bouc inta kuuray Poirot ayuu ku yiri
“Adigu maxaad ku sharrixi lahayd marka?”
“Hadda wax macna samaynaya ma hayo, balse aan indhaha isku qabsano oo aan ka fakarno, mid ama laba socotada ah ayaa dilay Ratchett, waase kuma?” oo raggii la joogay inta ku jeestay yiri, “wax ra’yi ah ma haysaan?”
“Haa, balse wax fii’iido leh maahan” ayaa datoorkii yiri
M Bouc na waa uu ku raacay.
“Aniga qudhaydu markaan wixii dhamaan aan dul maray fikrado waa igu soo dhaceen, walise ma hubo tan sax san, balse dhaqso waan u heli doonaa, inta ka horaysna aan bal dul joogsano ariima muhiim ah, sida khadda ku taal baasaboorka Hangari ga”
M Bouc baasaboor kii Mudane iyo marwo Andrenyi ayuu eegay oo yiri:
“Tan miyaa taad ka hadlaysid?”
“Haa, waxay u muuqataa khad cusub, u fiirso halka ay ku tal”
“Bilowga magaca marwada, balse maxaa?”
“Markaan ka fakarno fistileetiga, aad ayuu qaali u yahay, waa gacan ku samays Baariis lagu sameeyay, erayga H ayaa ku qoran, nooca ay Mrs Hubbard gadan lahayd maahan, hubaalna Hildegrade ma leh, naagta shaqaalaha ah, laba dumar ah kaliya ayaa yeelan kara fistileeti sidaan oo kale ah, waana Amiirada Dragomiroff —–”
M Bouc ayaa ka dhex galay.
“Oo magaceeda hore uu yahay Natalia,”
“Waxaan la yaabanahay khaddaan, waa dhici kartaa in ay shil dhacay tahay, waana dhici kartaa in eray lagu qarinayay, laga yaabee in magaca Marwadu uusan ahay Elena ee uu yahay Helena”
“Helena” ayaa M Bouc kor ugu dhawaaqay, “waa fikard fiican taasi”
“Wax kale oo fikradaan garab siinaya aya ajira, xaashiyaha sumada ee boorsooyinka Marwada mid ayaa in yar qoyanayd, laga yaabee in magac badalid ay tahay”
“Markaan in aan ku rumaysto ayaan bilaabay” aya M Bouc yiri, “balse marwo Andrenyi waa dilaa? Waa wax aan dhici Karin”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko



Leave a Reply