Dr. Raul Rios Centeno, oo ah dhakhtar caafimaad isla markaana ah baare dhacdooyinka aan caadiga ahayn ayaa u sheegay qoraaga Scott Corrales sheeko ay uga sheekaysay mid ka mid ah bukaannadiisa oo ahayd haweenay 30 jir ah oo qabtay cudurka hemiplegia oo hal dhinac oo jidhka ah qallajiya.
“Waxaan joogay xero ku taal agagaarka Markahuasi,” ayay u sheegtay. Markahuasi waa kayn dhagaxeedka caanka ah ee ku taal meel 35 mayl dhanka bari ka xigta magaalada Lima, Peru. “Waxaan u baxnay saqbadhkii aniga iyo asxaabtayda qaarkood in aan soo maja baxsanno, la yaabse, waxaan maqalnay muusig waxaana aragnay buul yar oo dhagax ah oo iftiin ka dhex baxayo. Waxaan aragnay dad ku qoob ciyaarada gudaha buulka, balse markii aan u soo dhowaaday waxaan dareemay qabow kadis ah, illinkii furnaa Ayaan ka qooraansaday gudaha, waxaana arka dad xiran dharkii la xiran jiray qarnigii 17aad, aniga oo doonaya in aan gudaha u galo ayaa gabar saxiibtay ah isoo jiiday”
Isla daqiiqadaas ayaa kala badh jirkii haweeneydu cuuryaamay. Ma waxaa keenay markii saaxiibteed ka soo dhufay qolka dhagaxa ayada oo badhkeed ku jiray gudaha ? dhinacaas jirkeeda ma waxaa haleelay meerto waqti mise irid xilliga la iska goosho ayay la gashay badhka qallakay? Dr. Centeno wuxuu soo sheegay in “EEG ay muujiso in dhinaca bidix ee maskaxdu aan wax qabadkeedu caadi ahayn, iyo sidoo kale hirar danab oo xad dhaaf ah uu ka muuqday.
Jid xillii Hore
Bishii Oktoobar 1969, nin loo aqoonsaday L.C. iyo saaxiibkiis ganacsiga, Charlie, waxay dhinaca waqooyi uga baxeen magaalada Abbeville, Louisiana, waxayna u sii jeedeen magaalada Lafayette ayaga oo qaaday jidka dheereeya ee 167 Markii ay marayeen jid cidla ah oo aan baabuur kale socon baabuur duq ah oo qun yar u socday maahine, oo ay dhaafayeen fatuuradii qaraamiga ahayd, Labadii nin ayaa aad ula yaabeen muqaalka fatuurada ugu yaraan 30ka gu’ laga soo wareegay samynta model keeda sida ay cusub tahay – waxay u muuqatay mid cusub, waxaa ka yaabiyay taarikada midabka liinta oranjiga ah ee dhalaalaysa, oo “1940” ay ku oran tahay. Waxay istusiyeen in gaarigu uu qayb ka ahaa bandhig carweed baabuurtii hore ah.
Markay ay dhaafayeenn gaariga qunka yar u socday, waxay si wanaagsan u fiiriyeen gaariga qaraamiga ah. Darawalka gaarigu waxay ahaa haweeney da ‘yar oo ku labisneyd dharkii la xiran jiray 1940dii, waxaa la saarnaa cunug yar oo sido kale u labisnaa. Naagta waxaa ka muuqatay naxdin iyo jaha wareer. L.C. ayaa Weydiiyey in ay u baahan tahay kaalmo, daaqada ayaa u qaadnayda ayada balse waxay muujisay in ay leedahay, haa, L,C ayaa kolkaas u tilmaamay in ay gaariga joojiso, Ganacsadihii inta dhaafay ayadii ayuu gaarigii joojiyay jidka dhiniciisa,
Markii isaga iyo Charlie ay fatuuradii ka soo dageen, gaarigii duqa ahaa waa ay waayeen gabi ahaanba meel uu ka baxay. Ma jirin meel fatuuradu ay ka laaban kartay iyo meel kale oo ay aadi kartay, daqiiqado ka dib baabuur kale ayaa soo daba istaagay. Wadihii gaarigaana wuxuu u sheegay L.C. iyo Charlie inuu arkay gaadhigooda oo istaagaya oo gaarigii kale eek a danbeeyayna uu hawada ku milmay oo hal mar qarsoomay.
Side wax u dhaceen? Ma wax dhici karaa an fatuuradii dugda ahayd an ka timid xilli aan ahayn kii markaas la joogay?
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply