xilli gooshid-galy aayatiinka

 

1972,ayaa habeen afar arday oo wax ka dhigata jaamacadda Koonfurta Utah una soo socday hoyga jaamicada oo ku yaal magaalada Cedar City kadib markay maalin joog u tageen rodeo ku taal Nevada. Waxay ahayd abbaaraha 10 p.m. Gabdhihiina waxay aad u jeclaayeen inay ku laabtaan hoygooda inta aan laga xirin, Waxay ku socdaalayeen jidka dheereeya ee 56, jidkaasna wuxuu caan ku ah ugaarsi wax aan la aqoon sida reer aakhiraadka .

 

Waxay ku leexdeen waddo aadaysa dhanka woqooyi, wax yar ka dibna waa la yaabeen markay arkeen in laamigii madoobaa ee ay ku socdeen uu isku rogay jid sibidh cad ah oo  toos ugu dhamaanaya qar. Waa ay soo kala wareegeen oo isku dayeen inay jidkoodii dib ugu laabtaan, balse waxay ku soo baxeen carro aysan waligood arag intay joogeen gobolkaan oo aysan aqoon, waadi gidaara cas oo banana ku yaal, geedaha pine kuna ka baxayaan

 

ugu dambayntii gabdhihii neef ayaa ka soo fuqday markii ay arkeen dhisme jidka geeskiisa ku yaal. Gaarigii ayay joojiyeen oo mid ka mid ah ardaydii ayaa madaxa kala baxday daaqadda si ay uga hesho tilmaan nin ka mid niman ka soo baxayay dhismaha. Si kadis ah ayay u qaylisay, oo ku amartay darawalkii in uu meesha si dhakhso leh uga baxsadaan. Markii ay gabdhihii ay gaarigoodii la carareen, waxay arkeen in nimankii ay ku soo cayrsadeen fatuurado madaxa ukun uga eg, markii ay gaadheen waadigii waxay dareemeen in dadkii cayrsanayay ay ka hareen ama ka mirqeen, waxayna dib ugu soo laabteen jidkii ay yaqaaneen. Gabadhu maxay la qaylisay? Gabadhu waxay tiri raggii ay aragtay bani aadam ma ahayn, maxay ahaayeen? Ma cir ka soo dhac?

 

 

Waqtigii Hoteelka

Laba lammaane oo Ingiriis ah oo fasax ku joogay waqooyiga Faransiiska ayaa ayaga oo fatuuradooda wata baadi goobayay meel ay habeenkaas baryaan, Waxay ahayd 1979, waxay arkeen astaan dug ah oo u muuqtaay in lagu xayeysiinayo circus. Dhismihii ugu horreeyay ee ay u yimaadeen wuxuu u ekaan in uu noqon karay hoteel, balse  ragga hor taaganaa ayaa u sheegay dadkii socotada ahaa inay inn tahay meeshu balse hoteel ay ka heli karaan haddi ay wadada hoos u sii qaadaan.

Xoogaa haddi ay socdeen waxay arkeen dhisme dug ah oo ay hoteel ku qoran tahay, waxay arkeen in wax walba oo hoteelka yaal ay ka samaysan yihiin al waaxa adag oo qira leh, wax casriga shaqo ku le ma aysan oolin hoteelka sida taleefoon, irduhu qataar la xiro maleh, kaliya waxay leeyihiin qori la suro marka la xirayo, dariishaduhu muraayado maleh ee waa qori jeex jeexan.

 

Aroortii markii lammaanihii quraacanayeen waxaa soo galay laba booliis oo koofi ciidan oo waa hore xiran, lacagtii quraacda ayay bixiyeen oo ahayd 19 farank kaliya.

 

Laba toddobaad maaarkii ay soo joogeen isbayn, lamaanihii socodkoodii danbe waxay soo dhex qaadayeen faransa, waxayna go’aansadeen in ay ku dagaan hoteelkii yaabka lahaa ee lacagtiisu jabnayd, balse markaan hoteelkii meesha waba ka waayeen, waa ay hubeen in ay bartii uu hotelku ku yaalay ay joogaan, waa ay arkeen boorkii xayaysiinta circus ka, balse hotel meel uu ka bxay waa waayeen, sawiradii ay hotelka ay ka qaadeen kolkii hore waa ay soo bixi waayeen, baaritaan ay sameeyeen waxay ku ogaadeen in booliiska faransiiku ay joojiyeen xirashada koofiyadihii ay arkeen 1905.

 

 

Horu dhac weerar cir

Gugii 1932, wariye wargeys Jarmal ah ee la yiraahdo J. Bernard Hutton iyo saaxiibkiis, sawir qaade Joachim Brandt, waxaa loo xilsaaray inay war bixin ka keenaan xerda maraakiibta Hamburg-Altona. Ka dib markii ay kormeer ku soo mareen xeradii oo  xafiiska fulinta oo markiibtu ay soo daawasiiyeen, ayaa labadii wariye oo baxayaa waxa ay maqleen guux diyaarad dul heehaabaysa. Markii hore, waxay u maleeyeen inay tahay layli tababar, balse fikradaas si dhakhsa ah ayay meesha uga baxda ka dib markii bambooyin soo dhacaya bilowdeen oo ku qarxaya hareeraha iyo dhawaqa qoryaha lidka diyaaradaha. Cirkiina si dhaqso ah mugdi u noqday. Hutton iyo Brandt waxay xaqiiqsadeen in ay dhexda u jiraan duqeyn diyaaradeed oo buuxda. Durbadiiba waxay galeen gaarigoodii waxayna ka carareen  goobtii markiibt oo si haleel ah u aadeen Hamburg.

 

Markii ay ka baxeen aaggii, si kastaba ha noqotee, cirku wuxuu u muuqday caadigiisii hore, waxay joogeen gelin maalmeed dambe oo caadi ah oo aan maalmaha kale wax ka duwanayn. Waxay eegeen gadaashooda iyo xeradii maraakiibta, mana jirin wax burburin ah, mana jiro wax duqeyn ah, diyaarado cirka xiimayaa ma jirin. Sawiradii Brandt qaaday intii uu weerarku socday wax aan caadi ahayn kama muuqan, 1943kii Ciidanka cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ay weerar ku soo qaaday oo burburiyay xaradii Markiibta, una bur buriyay sidii  Hutton iyo Brandt u soo martay oo kale oo aan waxna ka gadisnayn waxna ku kordhisnayn, 11 gu’ ka hor.

 

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

Leave a Reply