xanuun jacayl-Q-2

 

 

Maalmo ayay ka fakaraysay ka dibna waxay go’aansatay  in ay ka qayb gasho, ayada oo uga dan leh in ay tusto in aysan danayneen oo aysan rabin asga oo dhanba oo aad niyadda ka gooysay, arooskii markay tagtay waxay aragtay asaga oo aad u faraxsan, wazaase kadis ku noqday in aroosadu ay ahayd saxiibteed hore, oo ay xiriika u jartay waayo, waxay ahayd naag nafteeda uun jecel oo is tus tus badan, aroosaadii markay aragtayna banaankay uga baxbay xafladii, ayadoo nateeda la sheekaysanaysa ayay tiri,

‘‘Ma taasaad igu badashay oo iiga tagatay, naagtaas aan naxariis iyo wanaag midna aqoon, wayna ogtahay intaan ku jeclahay iyo wax u dhow in aysan ku jeclayn, intaan ku jeclahay, rubuceed xataa kuma jecla”

 

Bilo ka dib ninkii wuxuu dareemay in naagta uu u doortay in ay nolosha la qayb sato aan lana noolaan karin, oo ay tahay ma dhacdo in lala joogo, waayo

Nafteeda maahane asaga wax danayn ah ma siiso, wuxuu dareemay agteeda in uusan waxba ka ahayn, kaliya hantidaas uu siinayo ay kula joogto oo u la nooshahay, gurigana cag maba dhigto oo intaas wax soo gadasho iyo asxaabeetda oo ay la dhafarto ayay ku jirtaa, wuxuu soo xasuustay siday u jeclayd saxiibtiisii uu xumeeyay, oo aan seexan jirin illaa ay hubiso in uu bad qabo oo gurigiisa nabad ku joogo, balse waa iska adkaystay oo nafta ku qanciyay in taasi wax tagtay tahay, mudo yar ka dibna hantidiisii waa is dardartay oo sabool ayuu noqday, xaaskiisiina waxay ka dalbatay furriin ayadoo ku leh:

 

” anigu saboolnimo kuma noolaan karo, dadka hantiilayaashaa ayaan nolol baratay, sidaan kuma noolaan karo anigu ee I fur”

 

wuxuu laxawsaday  waayihii hore, inuu soo ceshto ayuu rabay, gacan qaadkeeda ayuu marar badan diray balse waa dansanaa, wuxuuna is weydiiyay:

ma suurta galbaa inaysan weli I cafin oo ii xanaaqsan tahay, ma iga yeeli doontaa markaan ku idhaahdo, waan ku jeclahay oo xaaskayga inaad noqotaan rabaa, waan ku baryaa hal mar uuun iga qabo gacan qaadka”

Gacan qaadkeeda oo xiran darteed wuxuu si dhaqsa ah u aaday gurigeedii oo hooyadeed ku yiri:

” inay xaaskayga noqotaan rabaa, waan guursanayaa, waan kuu ballanqaadayaa, ayadana waa u ballan qaadayaa”

Hooyadii intay oyday ayay tiri:

” waad ogatahay inay ku jeclayd sow maaha”

” waana hubaa in ay weli I jeceshahay, hana I odhan jacayl waa dhintaa”

Hooyadii ayaa markaas tiri:

” jacaylku ma dhinto ee jirkaa dhinta, waxay dhimatay gabadhaydii maalintii aad ahayd qofka ifka ugu farxadda badan, maalintii arooskaaga ayay dhimatay, ayadoo magaaca ku dhawaaqaysa oo ordaysa ayaa wadkii helay oo baabur jiiray, adaa

 

 

dilay gabadhaydii,   waxa aad dishay maalintaad kuma jecli ku tiri, haddana waxa aad dishay maalintaad arooskayga imoow tiri, haddana waxaad dishay markii ay aragtay naagata aad ka raacday, oo aan ayada ka fiicnayn, balse dad tan ugu xun ah”

Wax uu sheego ma uusan aqoon, kaliya wuxuu dhagaysanayay hadalka hooyadeed oo dhalanteed la ahaa, wuxuuna si hoos ah u yiri”

” dhab miyaa ma dhimatay?, waan ogahay inay ii xanaaqsan tahay,  Wixii  tagay anaa ka xaal marinaya, waan ku baryaa iigu yeer , waan u xiisee”

Hooyadii ayaa markaas aad ugu qaylisay:

” iga dheeroow, foolkaaga iga qari sidaad u  dishay gabahaydii intaanan kuu dilin”

Aqalkii ayuu ka abaxay asgaoo wadniihisa middi uusan iska siibi karin ku taagan tahay, wuxuuna bilaabay in uu ordo tan iyo intuu wax ka arki waayay, dhagahiisana qaylo ka yeertay, waxaa wax uu maqlo ugu danbaysay fariin baabuur iyo buuq dad,  waxaa helay wixii ayada helay, dartiis ayay u dhimatay, asna darteed ayuu u dhintay.

Dhammaad

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Americo

Leave a Reply