xanuun jacayl  Q-1

 

 

Waxay u xiistay eegmadiisii iyo hadalkiisii, waxay aaday Dalmar oo ay rabatay inay u sheegto in ay u xiisatay, inay ay jacaylkiisa la harsan oo la hoyan weyday, in la’aantiis aysan noolaan karin, balse waxay dareentay sidii mudooyinkii danbaba ay ka ragatay in uusan dan ka lahayn oo uusan u soo jeedin, in uu ka sii dheeraaday waa ay ogtahay balse sababta ma aysan garan, hadalkii iyo cabashadii ay soo waday intay dib u laqaday ayay ku tiri:

‘‘See tahay”

Eraygaas sida ay u tiri wuxuu  xanbaarsanaa ama ka muuqday hiloow, galgacayl iyo beer laxawsi intaba.

Si qoboow ayuu u yiri:

” waan fiicnahay, adigana”?

 

Waxay iska rajaynaysay in uu ku dhaho waan kuu xiisay, waan ku jeclahay, in uu sidii hore is kabadalay in ay ka aragto, ama qaabka ay u hadlayso uu ka dareemo galgacaylka iyo xushmada ay wali u hayso, waa ay isla yar yaraatay, waxay isku dareentay in ay qof raqiis ah tahay, maxay qof aan  danaynay ay laabta ugu sidataa naftaydu, ayay is weydiisay, muddo ka dib ayay tiri:

” Waan fiicnahay”

Indhaheedu waxay gadaal u celinayeen daad illin ah oo in ay soo burqato rabtay, Inta uu fiirshay ayuu ku yiri:

” In aad wax ii sheegtid ayaad rabtaye, ii sheeg waan ku maqlayaaye”

” Haa” ayay tiri,

balse waxay xasuusatay naxariis daradiisa iyo dhaqankiisii qalafsanaa oo mudooyinkii u danbeeyay uu kala dhaqmayay, markaas ayay tiri:

 

”Guriga ayaan aadayaa”

‘‘Ok” ayuu ku yiri asaga oo aan hadal kale oran.

 

Gurigii ayay aaday ayada oo nafteeda weydiinaysa, tan iyo goormaad wadnayahow sugaysaa jacaylkiisa? Waljigaa ma waxaa ku haynaya  jacayl hal dhinac ah, intaan ka badan ma sabri kartaa? Oohin yay qabsatay.

 

Dhowr maalmood ka dib ayuu telefoonka ka soo wacay, si dhaqsa ah ayay u qabatay ayada oo is moogaysiinayasa xanuunkii uu horey ugu gaystay, wuxuuna ku yiri:

” Hadda in aan ku arkaan rabaa”

” Haye, kaa daahi mayo” ayay tiri

 

Waxay bilowday is hagaajin iyo is qurxin, dharkeeda kii u qurxoonaana waa ay xiratay, si hal hal haleel ahna u aaday in ay la kulanto, waxay ka sugaysay waxay waligeed ka rajaynaysay, waayo haddii aan arrintu aad muhiim ahayn lama soo hadlayn ayay nafta u sheegtay, waxay niyadda iska tustay asagoo leh waan ku jeclahay, ayaduna xishood hoos la eegayso, markii ay kulmeen oo wada fariisteen,  waxay ka sugays in uu asgau hadalka bilaabo, waana uu bilaabay oo yiri:

” Wax baan rabaa in aan kuu sheego”

Xishood dartiis ayay hoos eegatay, dhoolla cadayn yarna bushamaheeda soo fuushay, oo tiri:

” Waan ku dhagaysanayaa”

Markaas ayuu yiri:

‘‘Waan ogahay in aad aad ii danaynaysid, oo aad iga heshay oo waliba aad I jeceshahay, balse anigu gabar kale ayaan jeclahay oo mardhow aan guursan doonaa”

Hadalkiisii markay maqashay ayay qaylo iyo oohin isku dartay oo ku tiri:

” Kuma danaynayo, kumana arbo, kumana jecli”

Orod ayayna is qaaday, asaguna meeshiisii kama uusan nuuxsan, ee sidii nin aan waxba halyn ayuu u sii fiirinayay markay sii ordaysay oo ilmadu ka qubanaysay sagal.

 

dhowr bilood qofna lama ayasan hadal, cunno iyo cabitaanna waa ay diiday, bilo ka dib ayuu soo wacay oo uu ku yiri arooskaygii waa soo dhawaaday, waxaana rabaa inaad ka soo qayb gasho, naag I jecel ahaan hadaad u diidaysid inaad uga soo qayb gasho,, saxiib ahaan uga soo qayb gal.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

Leave a Reply