Xaliima yareey warkeeda ahaa dumrka feer caloocan lagama abuurin dood badan ayuu kiciyay, culumadii waxay soo qaateen xadiisyo iyo aayda quraana, waxaana ka mid ahaa xadiiska odhanaya, الحديثَ الشريف ورد عن أبي هُريرةَ – رضي الله عنه -: أنَّ رسول الله – صلَّى الله عليه وسلَّم – قال: (المرأة كالضِّلَع، إنْ أقمْتَها كسرْتَها، وإن استمتعتَ بها استمتعتَ بها وفيها عِوجٌ) dumarku wa feer oo kale oo hadaad toosi damacdid jabaysa, mana oran xadiiskaan dumarka feer baa laga abuuray, halkaan waxaa ka cad in xadiisku ka hadlayo abuurista dhaqan ee uusan ka hadlayn abuuris hore.
Sidoo kale xadiithkaan kale ayaa jira (استوصُوا بالنِّساءِ خيرًا، فإنَّهنَّ خُلِقْنَ مِن ضِلَعٍ، وإنَّ أعوجَ شيءٍ في الضِّلع أعلاه، فإنْ ذَهبتَ تُقِيمه كَسَرْتَه، وإنْ تركْتَه لم يزلْ أعوج، فاستوصُوا بالنِّساء خيرًا) culumaduna siyaabo kala duwan ayay u sharxaan oo qaar waxay yiraahdaan feer qaloocan ayaa laga abuuray, kuwa kalana waxay yiraahdaan abuuristeeda ama dabeecadeeda ayaa sidii feer qaloocan ah, feerna haddi la isku dayo la toosiyana waa jabaysaa, marka in si aayar ah loola dhaqmo maahane, labadaas macno ayaa lagu fasiraa, haddii marka aan eegno qoloada leh dabciga ama abuurita dhaqan ee naagta ayaa laga wadaa, waxaa arkaynaa in labadii xadiith ay is waafaqeen, haddiise aan eegno qolada leh waa laga abuuray waxaa soo baxaysa iska hor imaad ka imanaya labadii xadiith oo keeni kara weydiin ah, waa yahaye labada rasuulkaa yiri waana is khilaafasan yihiine kee baa sax ah? sida muuqatana macnaha labada xadiith isku waafaqayaan ayaa saxda u dhow.
Waxaa kale oo jira aayda quraan ah oo sidaas si la eg culumadu iskugu khilaafsan yihiin oo odhanaysa ياأيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفس واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالا كثيرا ونساء واتقوا الله الذي تساءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيبا
Culumada qaar waxay yiraahdaan, waxaan idin ka abuurnay hal naf, oo macnaheedu yahay aadan ayaan idin ka abuurnay, markaas ka dib ayaa xaawa laga abuuray feerta aadaam, waaa sida ay ayagu yiraahdeen balse aayda wax feer ah kuma jirto xataa quraanka oo dhan kuma jirto feer baa xaawa laga abuuray.
Kuwa kale waxay yiirahdaan, waxaan idin ka abuurnay hal naf, naftaas ayaan haddana ka abuurnay lamaanahii kii laga abuuray nafta markii hore, gunaanadkoodu waa hal naf ayaa laga wada abuuray aadam iyo xaaqo, ee ma jirto cid feer laga abuuray, waxaana ka mid ah culumadaas shiikh al shacraawi.
Kuwa saddexaad oo ayagu ka sii jira ayaa jira oo ku fasiray, markii hore hal naf ayaa eebe abuuray naftaas oo ah xaawo, ka dib wuxuu naftii ka abuuray aadam, waxayna dadliil u soo qaataan, markii uu naftii xaawa ka bauuray ayuu naftii hadana ka abuuray lammaanihii aadam oo waxay ku leeyihiin زوجها haa daas waa haa dhaddigees oo waxay u laabanaysaa xaawo, waxaa kale oo ay caddeyn cilmiyeed u soo qaataan in ilmaha marka uu uurka hooyada ku beermo uu yahay dhaddig balse markii hormon rageed xilli danbe ku siyaado uu lab noqodo, balse abuurista hore ilma walba uu yahay dhaddig, is kastaba waxay ku leeyihiin aadam iyo xaawo labadaba hal kaas naf ayaa laga abuuray oo mid walba si gooniya ayaa ilaahay dhooba uga abuuray.
Waxaan tusaalooyinkaan u soo qaatay waxaa weeye in aad ogaatid akhristoow ama dadka dhahaya xaliima yareey waa gaaloowday, in rayigaan lagu kala duwan yahay waliba si aad ah muslimiintu uga kala duwan yihiin, hadii aad tiraahdid marka qofkii feerta diidaa waa gaal ogoow waxaad gaalaysiisay malaayiin muslin ah oo aadan xaq u lahayn inaad gaalaysiiso, wax muran ku jirana laguma gaaloobo sidoodaba, rukun ka mid ah rukkunada iimaanka iyo islaamkana maahan, yaa xaq kuu siiyay marka in aad gaalayso malaayiin muslin ah?
Shiikhaagu hadduu ku yiri xaawo feer baa laga abuuray, waxaa jira kuwa culumadoodu ku tiraaho lagama abuurin.
Eebe quraankiisa wuxuu ku yiri, {هُوَ الَّذِي أَنزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ آيَاتٌ مُّحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ ۖ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ تَأْوِيلِهِ ۗ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللَّهُ ۗ وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ يَقُولُونَ آمَنَّا بِهِ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ}،
quraakan aayadihiisa qaar waa cadyihiin oo fassir iyo malayn uma baahana, kuwana waa mutashaabihaat kuwaasna ilaahay ayaa ujeedkooda yaqaan, iyo kuwa cilimiga aad u yaqaan oo ta’wiila ama fasira oo meel ku salaeeya, si kasta culumadii waa isku khilaafeen fasirida وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ, sidaas darteed maahan in shiikhaan wuxuu ku fasiray aayadii mutashabaha ahayd uu asagu saxsaxn yahay oo culumada kale oo dhan ay qaldnyihiin, dhabtuse waxay tahay ilaahay uun baa og kii sax ah iyo wixii sax ah.
Aayad quraan ah ayaa oranaysa qof walba sidii uu u arko inay la
qumantahay ilahaay ha u caabudo kiinii sax san eebaa garane, marka adiga oo qudhaadu aan hubin inaad taasaan tahay sidee u tiraahdaa qof kale waa gaal, shiikhii gaaleeyay xaliima yareey sidii uga dhagaystaa in uu i yiraahdo shiikh al shacraawi iyo culumo badan iyo muslin badan waa gaalo, waayo shacraawi wuxuu ka mid yahay culumada qabta in xaawa si gaara eebe u abuuray ee aan feer aadam laga abuuray.
Argagixiso diimeed ayaa ku soo badatay culumadii oo doonaya in ayagu siday qabaan uun la sameeyo ayaga la daba galo, argagixisa xabbada waxaa ka daran tan maskaxda kaa qabasata oo diinta kuugu soo ganbata, markhaatina uma baahna oo waad aragataan al shabaab iyo kuwa la halmaala halkay na gaarsiiyeen ayaga oo diin ku ganbanaya.
Aqoon yarida aad la qayliso jaahilnimo aad la aamusan tahay ayaa dhaanta.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply