Xaaskaaga ma qasbi kartaa haday ku diido?

 

 

 

Baraha bulshada waxaan ku arkay muran ah in haddii xaasku ninkeda isku diido oo uu qasbo in ay tahay kufsi, dadka qaarna leeyihiin waa banana tahay, horta arrinta wa kufsi waa ka bad badin, balse waa gaf, tan waa banaan tahayna waa meel ka dhac, labadan qof ayaga oo isku raaliya oo aan cidna is qasbin ayay qandaraas guur wada galeen, qandaraaskaas oo ku dhisan raali isku ahaansho ee aan ahayn mid qasab ah, ujeedka guurku sida badan waa ilma kala helid, wadada loo maro taasna waa sariirta, labadooduna ayaga oo raaliya ayay ku heshiiyeen in sariirta ay wadaagaan, heshiiskaas ayaana soconya oo ahaa qabdarsskii la wada galay oo la isku guursaday.

In badan ayaa ilaahay quraanka kaga hadlay dhowrida xuquuqda dumarka iyo tan qof kastaba, ilaahay wuxuu yiri xaasaskiina wanaag ku haysta ama wanaag ku sii daaya, taas oo ah in ilaahay xaquuqda dumarka ku dhowrayo, maadaama aduunkaan aan maanta ku nool nahay uu yahay aduun rag, isla taas ayaana ku dabaqmaysa sariirta, xaaskaaga wanaag ugu tag, ama iska daa hadii aysan awoodin, ee awood ha u sheegan, ninka lama qasbi karto oo buuq iyo qaylo kuma furi karto gabadhu, maxaad isugu kay diiday ninoow ma dhihi karto, sidoo kale ninku ma maquunin karo xaaskiisa, qofkii quraanka ku arkay in uu muqiinin karaana haii soo sheego.

Ilaahay wuxuu yiri hal naf ayaan idin k abuuray, oo rag iyo dumar idin ka dhigay, sidaas darteed naftu waa isku xaquuq, ilaahay baana yiri sidaas, ka gadisan qofkii yiraahdana asaga iyo alle ayay u taal.

Waxaan dhexdiina dhiganay galgacayl iyo raxmad ayaa alle yiri, guurkuna waa kaas, waa raxmad iyo naxariis alle keenay ee anaa kaa xoog badan maahan iyo anaad adoon ii tahay.

Ilaahay wuxuu yiri, casirkaan ku dhaarte bani aadamka dhan kharaaso ayu ku sugan yahay, kuwa wanaaga sameeya maahane, oo xaqa is fara oo dulqaadka is fara, aaway marka xaqii iyo dulqaadkii iyo isku samridii, mise intaas daaqada ayay ka baxayaan hadii xaasku ninkeeda isku diido, xilligaas wax ka soo qaad maleh aaayadahaan miyaa.

Wax badan ayaa ilaahay quraanka ku yiri wanaaga is fara, xumaantana iskaga diga, xaaskaygii ayaa I diiday oo aan qasbay, wanaag la is faro maahan, ee waa xumaan la isku dhiiri galiyo.

Ilaahay wuxuu yiri, bani aadamka waan karaamaynay, karaamada alle siiyay qofkana cid ka qaadi karta maleh, kii sameeyana asaga iyo allihiis ayay u taal, hadad leedihiin dumarku karaama maleh, oo waa sida xoola, waana la qasbi karaa sida ri’ in la liso diiday, adinka ayay idiin taal taas,

Xaasku haday ninkeeda isku diido nacalad ayaa ku soo dagaysa kuma arag quraanka anigu, qofkii ku arkay waa ii sheegi karaa, haddi ay jirtana nin kana nacaladu waa ku soo dagi, asna haduu diido xaaskiisa, waayo labaduba waa hal naf, hal nafna bar xuquuq ma siin kartid barna uma diidi kartid, haa, waajibaadka ninka iyo naagtu waa kala gadisan yihiin, balse xuquuqda waa ka siman yihiin iyo wanaag isku samaynta

Xadiis saxiix ah, mid daciifa iyo mid beenaba, ma jiro oo sheegaya in rasuulku xaaskiisa xoog iyo maquunis ku dayi jiray, rasuulkii sidaas xaaskiisa ama xaasaskiisa ugu wanaagsanaana, marna nama fareen in aan xumayno kuweena oo awood u sheegano, mana nagu dhiiri galiyeen.

Rasuulku wuxuu yiri, dumarka yaan la dilin, xataa ubax yaan lagu dhufan, waana garan karnaa ubax in uusan xanuun lahayn, balse asaga xataa ha ku dhufan ayaa rasuulku yiri, bal eega sida gabdha in la dulmiyo ama jirkeeda iyo nafteeda wax la gaarsiiyo rasuulku nooga reebay, markaas ayaa kuwa ku leeyihiin, garaac oo fuul haday ku diido.

War ilaahay ka baqa

Ugu danbayn anigu bani aadam ayaan ahay, waan khaldami karaa, ee qofkii leh waa qaldan tahay, wax cad oo aan ku khaldamay ha keeno, ee wadaadaa sidaas yiri, yuusan iila imaan, muslin ayaa nahay ilaahayna wuxuu na faray in aan quraakna raacno, hadaan qaldanahay oo aayad quraana meel kaga dhacay, bal I saxuusi oo I tus.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply