WEEY WADA BUKAAN!

Haaah, weey wada bukaan. Waa bistood. Habeen iyo maalin xummad aan ka tageen baa heysa. Jirkooda aad buu u caafimaad qaaba. Ma moodid in cudur intaa la eg haayo. Se qalbigooda holac baa ka baxaya. Daawo sugan looma haayo, haddane cid daawo raadin ugu maqan maleh. Oo daawo miyeey donayaan horta? Maye madonayaan. Cudurkaa beey rabaan in eey la noladaan. Heshiis aan dhammaan beey cudurkaas la galeen. Markaad is tidhaah haddeey bogsonayaan beey kasii daraan. Ma fekeraan ismana dhibaan. Oo miyeeyba fekeri karaan? Sidee u fekerayaan soo tan cudurkaan u ka xannibay unugyadii fekerka? Waa dad xag walba qanni ka ah , haddane isma oga. Haa, warba kama hayaan in eey qanni yihiin. Faqiir fara badan beey isku heystaan. Waa sideey waddamada caalamka u shegeen. Wax walba cudurkaas baa asal u ah. Fidno oo dhammi asaga ayeey ka timid. Dab aan asaga daarin ma daarmo. Mid uu asag daarayna ma damo. Weey is xaqiraan oo libinta is kuma oggolo. Haddaad u sheegto in wiil dalalka dariska ka mid ah uu diyaarad sameeeyye weey kaa aqbalayaan, lakiin haddaad tidhaah mid Soomaali ah baa Saacad yar sameeyey ma aqbalayaan. Sideey isku garanayaan ayeey isku xasdaan. Haddeey ku garanayaan hormar kuuma oggola, haddeey maqlaan meel lakuugu amaanayana uur ku taalo iyo ciil beey ka qadaan.

 

Soo adiga kama mid tihid? Soo isla ayagii ma tihid? Maye, ma tihid. Adigu reer hebel baad tahay. Waa rer hebelkii xumaa. Waa kuwii gunta ahaa. Haa, waad ka mid taahy. Sow Soomaali ma tihid? Oo ayagana Soomaali kale maahan? Kaalay bal u sheeg oo wakaase hakaa maqlaan. Bal wakaase Soomaali baan ahay ku dheh oo intaa weydintooda hakaaga joogsato. Car waakaase yeeysan ku weydiin reerkaada. Oo anigu samaanteyda iyo xumanteyda cidaan aniga aheyd miyaa maamusha? Reer keyga sharaf aan laheyn miyeey i yeeli karaan? Waa maye sow maahan? Lakiin waxaas miyeeyba maqlayaa? Xaasha. Sow cudurkii darnaa ma haayo? Ma ayaga oo kaas la il daran beeyba wax maqlayaan? “Kaas anigaaba aqaan, xaafaddeydu buu wareegi jiraye, ma asaa wax yaqaan?” Beey kugu celcelinayaan markaad wax yar oo talaaba horay u qaaddo. Kolka eey ku garanayaan amma si uun kuugu dhaw yihiin weey kaaga gun san yihiin dadka kale. Ceeb aadan laheyn iyo mid aad laheyd in la qarshanse ku habboneyd beey fagaan.

 

Sinnaba uma oggola in aad ayaga dhaafta. Kama gubtaan nolosha ay ku jiraan, lakiin midda barwaaqada yar leh aad ku jirto beey ka gubtaan. Ajaaniibtu beey si uun isaga jecelyihiin, war tolow jaceylkaasna amaa lagu beeray? Suura gal. Qof cad lama tuso. Sida in uu aadmiga ka duwanyaahy beey kaddaba ordaan. Jaahil walba uu yahay ayaga waa aaminsanyihiin. Ayaguse isma aaminaan. Ballan ma maleh. Haddeey laba saac ku ballamiyaan afar saac beey kuu i manayaan. Beenta, qabka iyo yasmaduna waa waxey ka siman yihiin. War tolow maxeey isla yasayaan, soow ayagaba wada yasan oo Afrikaantaa ugu soo horreysee eey lidaan? Siddeedaba caddaalad kama jirto dunida. Dadka caddaanka ah aad beey madawga u yasaan, danyeer aan waxba garan beeyna ku suntaan. Kuwa madaw dhexdooda beey haddane is addoonsadaan, qaar badan baa Soomaalida bahalo aan bar caqliya laheyn ku tilmaama. Haddane Soomaalida baa isa sii addoonsato, ayaga ayaa kuwa laandheerayaal u yaqaan, kuwana looma oyaan yidhaahda. Waa duni madaxa u hoseeyo majahana u koreyaan!

 

Unugyada uu cudurkaan sida halista ah u burburiyey waxaa ka mid ah; unugga fekerka, kan caddaaladda iyo midka sinnaanta. Sida bahalo beey isku cunaan oo isku dilaan. Magac xun baa dunida ka yaal. Hog bahallo galeen ah baana lagu tilmamaa. Waa maalin la nool aan berrito ka fekerin. Daaha gadashiisa iska daaye, hortiisa beey dhib ku qabaan in ay wax ka arkaan. Marka ay dhintaan beey soo bararugaan. Kol xeero iyo fandhaal kala dhaceen beey hurdada ka tosaan. Qof walba dantiisa buu ka firsadaa. Haddii waddada khudaarta la soo marinayey burburto, midka raashinka soo dajiyo waxa uu yi dhahdaa; “MAXAA IGA GALAY?” War tolow bariiska qalaln ee uu waddo maxaa lagu cuni donaa? Wa kaase bal yaa baasto aan khudran lagu cuni laheyn raba? Miyeey waxaas dhag u dhigayaan. Soo kuwii dhagaha la’aa maaha? Soow kuwii cudurka daran haayey maahan? Allow caafimaad sii waaba haddeey doonayaane.

 

Ku dhawaad soddon sano beey is dilayaan. Weli ma waantoobin. Dhigooda weli uma soo urin. Weli seeftooda galka ayeey ka baxsantahay. Waa isku ciil qabaan oo dagaal iyo colaad cusub beey diyaar u yihiin. Qolo walba waxa ay ku qanacdaa in xaqa walalkeeda la siiyo. Waa dad dulmiga si ba’an u jecel. Toban kun haddaad siineyso ma donayaa, lakiin waxa eey donayaan tobanka kun ee walaalkood heysto in aan ka qaaddo. Dhibka iyo fowdada beey ka helaan. Isma dhageystaan. Isma ixtitamaan. Cadoow beey isku yihiin. Midba midka kale buu lug iyo laba ka jaraa. Waa dad uu xiisaha ka tan badan yahay. Haddaad meel ka yar anfaco ka hesho dhammaantood weey kaa daba i manayaan. Haddaad xittaa dukaan yar aad ka furato meel aan dukaan laga helin oo aad waxyar ka hesho, berrito toban dukaan baa laga ag furayaa. Oo miyaa adigoo reer hebelkii xumaa ah baad lacagta reerkeyga guranayo? Maye kaama yeelin. Uma jeedaan fursadaha kele ee meesha ka bannaan; gooba caafimaad miyeey lee dahay? Qalabka korantada malagu iibiyaa? Kawaan hilib ma u baahan tahay goobta? Bal kawarran iyana maqaayd malaga furi karaa? Warshad barafka sameysa iyo tu kaleba ma u baahan tahay goobta? Maye, waxaas oo dhan ma donayaan. Waxeey donayaan anigaa og. Kaliya in eey bariiskaaga cideyaan beey xiiso u qabaan. Waa intaas inta eey rabaan. War qoomkaan duli sanaa! Oo qaribanaa! Oo xaasinimo badanaa! War kuwaan intee laga keenay! Tolow kuwaan ma saan beey farqaha isu heysan donaa ilaa buumka aakhiro laga yeeriyo? War qoomkaan dad u diir naxa kama dhallan miyaa? Gablamay oo kuwaan xijaabteen.

 

Cudurkaan cuuryaamiyey ee qeyrkood ka reebay daawo ma loo helayaa? Haddii daawo loo helana tolow miyeey qaadan donaan? Uma leyn maayo. Wax yeelada cudurkaas beey ka mid tahay in qof walba uu asaga uun rabo inuu taliyo. Qof walba asaga uun baa isku raba talada. Intooda badan waa kaligui taliyaal ku tunta shaqaalahooda. Weey ilowsha dhawyihiin. Tabti aad shalay ku dhacday baad kol labaad iyo seddexaad ku dhici kartaa. Ayagoo og in aad tahay munafaqii shalay beey haddane maanta Muumin kuu aqoon sanayaan. Haddad dhacdo oo aad boobto kuma ceyrinayaan. Yac iskama kaa dhahayana. Soo adigu reer hebel ma tihid? Markaa ma reer hebel baa dunida ka dhammaaday? Waa maye sow mahan? Markaa ha walwalin inteey reerkaaga nool yihiin taageero weyn meyside. Waxaad doonto samey. Qofkaad doonto dhac. Qofkaad rabto dil. Hantidaa rabto boob. Reerkaaga baa nool. Ayaga baa ku difaacaya. Ayaga baa dhabarka u ritay aaska xumaantaada. Waxaasi miyaad garaneysaa waxa sababay? Waa cudurkii. Cudurkii daawada lo waayey. Miyaa loo waayey mise lamaba raadin? Mooye.

 

Cudurkaas miyaad ila garaneysaa? Haa, waa haddaadan dhaayaha iyo dhaga is tireen. Eebbow cudurkaas ka caafi dadkeyga. AAAMIIN. AAMIIN.

 

W/Q:- Cabdikariin Shardi

shardi424@gmail.com

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply