Mudane xassan sheikh waxaad dhaliil u soo jeedisay dowlaada faramaajo hoggaamiyo, adiga oo ku dhaleecaynaysid habka ay u wadaan ama sida ay ula dhaqmayaan dowlada keenya iyo soomaaliland.
Waxaa tiri dowlada soomaaliya waxay soo dhaweysataa oo maxaba tustaa dowlada itoobiya tan kenyana ma tusto wax galgacayl ah, arrintaan aad ka dhawaajisay waxaan kaa oran lahaa mude madaxweyne:
1-kenya iyo itoobiya labaduba dad iyo dal ayay naga haystaan, in kasta oo ay xuntahay in dowlad dadkaaga gumaysta aad wax xariira la yeelano, haddana soomaalidu waxay ku maah maahdaa, dooro saxarada wa wada cuntaa balse aftirasho ayay is dheertahay, hadda waa laba gumaysi balse kii dadka uu nabad ku haysto oo u roon ayaa noo dhow annaga, itoobya waad aragtaa maanta sida soomaalida ku nool ay u nool yihiin, dowlad u yihiin, afkooda wax ku bartaan, sida loo dhisay adeegii hoose oo dhinac walba leh, dhinaca kale kenya waad la socotaa dilka iyo dhaca joogtada ah ee lagu hayo, caga juglaynta har iyo haben lagu hayo dadkii soomaalida ahaa, iyo wax adeeg ah hoose in aan loo qaban haba yaraatee.
2-waad la socotaa inta jeer soomaalida kenya hoos joogta la xasuuqay, waad ogatahy in dad maata ah, caruur, dumar waayeel, inta jeer meel lagu xareeyay sidii xoolihii, oo xasuuq loo gaystay, qaarna ayaga oo aan waxba galabsan xabsida loo dhaadhiciyay, waad la socotaa ugaarsiga booliiska iyo nabadsugida dalkaas ay ku hayaan dadka ka soo jeeda soomaaliya oo maalin kasta dad la waayo, oo inta la af duubto banaanada lagu dilo, kuu sheegi mayo oo waad la socotaa sida loo takooro dadaka soomaaliyeen, rayid iyo madaxba oo garoomada looga soo celio, mudane madaxweyne falalkaas lagula kacay qowmiyada soomaalida ma yihiin kun a tusaya maxabo iyo galgacayl ay dowlada kenya noo qabo? Maxaadse aad u leedahay adigu maxaba in la tuso ayay ahayd dowlada Kenya, marka aad ogtahay in ay ka shaqaynayaan fayla jarka dadkaaga, dalkaag, iyo dantaada? Falalkaas oo kale ma ku argtay itoobiyada cusub mudane xassan?
3-kenya ayada oo dadkeenii iyo dalkeeni haysta ayay doonaysa in haddana baddeenii boobto, waxay dadweynihii kenyaanka dowladoodu ka dhaadhacsiisay in kismaayo tahay degmadii 48 ee dalka kenya, itoobiyaa oo sida bareer kaan o kale ah u dhacaysa soomaaliya dhulkeeda ma argtay?
Mudane madaxweyne, waxaan kala garan la’ahay in aad hadalkaan u leedahay ku xumayn faramaajo iyo in ay kaatahay, nin Kenyan ah Ayaan ahay oo waxaan wataa baasaboor kenyaan ah, labada kay noqotaba waa gaf ayaan u arkaa, aad dadka iyo dalka soomaalida ka gashay.
Dhica soomaali land waxaa tiri in uu abyi axmad u raaco hargaysa faramaajo waa wax xun, soomaalidu waxay ku maah maahdaa, hal dhuntay ba haan waa laga raadshaa, marka si kasta sidii xal wanaagsan lagu heli lahaa iyo dalka oo aan kala go’in waa waajib in la sameeyo, adigu markii ay war kaa diideen soomaaliland ma isku dayday in aad dad la kaashato? Shalay markaad madaxa ahayd ku guma jirin soo xaree soomaaliland balse dantaada gaarka ah ayaa fiirsatay, oo waxaad saxiixday in emaaraatku adeegsan karaan dakada bar bara, taasna waxay ka walax tahay in aad ku dhiirisay soomaaliland in ay goostaan, marna ma is tiri abyi axmad waa dhamaa gabrihii amarka aad ka qaadan jirtay? Yaa mudane madaxweyne hore?
Waxaad meel kasta la taagan tahay madaxa muqdisho, adigu maxaad u samayn weyday madasha muqdisho markii aad shalay xukunka haysay? Mise markaas looma baahnayne haddaa loo baahday? Waan ogahay dad badan ayaa qaba sidaada oo kala faramaajo nagu qabiil maaha xamarna dan kama leh, adigu maxaad wax ugu qaban weydy shalay adaaba ka dhashay beesha daggane? Aan kuu sheega markee wxaad wax ugu qaban weyday waa dhibaatooyin sharco oo badan iyo caqabada jira awgeed, kuwii o kale ayaana haysta faramaajo, sidaas uma fakarin miyaa mudane xassan? In dhibkii shalay kuu diiday in aad ku dhawaaqdo madasha ay leedhay xamar uu wali taagan yahay, waad ku fakaratay waana ogtahay, bals e faramaajo ku xumayn iyo dana gaara oo aad wadato ayaad isku indha tirtay.
Mudane madax weyne, nasiib darrooyinka dalkaan soo maray ayaad ka mid tahay, shalay markii aad madaxa ahayd jeebab buuxsi ayaad ku jirtay, oo wax aad soo kordhisay ma jirin in dad gaara ah barwaaqo la bararaan maahine, maanta oo raja noo soo bidhaantayna dagaal ooge ayaad isku badashay.
Waxaa tahay Ayaan darro dalkeena soo martay oo aan dib danbe u soo mari doonin, sooyaalkuna xusi doono.
Qore
Suldaan cali ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply