WAR GRAADKU HA SHAQEEYO

                              

 

 

 

Dad isku sheegay in ay yihiin hogamiyaasha beesha hawiye aniguse aanan rumaysnayn in ay mas’uul ka yihiin hawiye oo dhan ama ka noqon karaan ba ayaa shir ay qabteen dhowr qodob ku soo saaray oo ku saabsan muddo kordhinta, qodobadaas waxaa ka mid aha.

waa in mudo kordhintaas si kasta oo lagu joojin karo lagu joojiyaa, halkaasna waxaa ka cad hadaan faramaajo joojin in lala dagaalo oo xoog lagu joojiyo.

Waxaa kale oo ku jiray qodob oranaya cirib xumada ka timaada hadaan la joojin muddo kordhinta wxaa qaadan doona faramaajo.

Marka aan is weydiino, dagaal hadii uu dhaco, yaa loo dagaalmay, maxaase loo dagalaamay? Ma rag kursi raadi ah ayaa madaxooda loo dilayaa dad masaakiin ah, oo qax iyo bara kac loogu ridayaa, dagaalku halkuu ka dhici sow xamar maaha, yaa u badan oo ku dhimanaya? Sow maahan dadka ku baaba’yaa kuwa ay leeyihiin mas’uul baan ka nahay, ma kula tahay marka kuwaas guddiga sheegatay in ay yihiin kuwa u naxaya ama u turaya maatada dadkay sheegteen in ay mas’uul ka yihiin?

tan ay leeyihiin cirib xumada waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya faramaajo, eedayn maxay taraysaa mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen, mar dadkii noqday qaar dhintay iyo qaar dhaawaca iyo qaar qaxay, mar sarihii magaalada dhulka lala simay oo xamar ku soo laabatay sidii sagaashameeyadii oo qayb walba dagaal ooge ka taliyo.

Caqligu ha shaqeeyo haddii dagaal dhaco mar kasta dhibku wuxuu ku dhacayaa waa dad weynaha maatada ah ee soomaaliyeed, musharaxiintu diyaaraday qaadan oo dalka iska baxayaan hadii hal xabo dhacdo, caruurtoodiina meel nabada ayay haddaba u joogaan, faramaajana ama baydhabo ama baladweyne ama dhuusa mareeb ayuu tagi oo howshiisa madaxnimo ka sii wadayaa adduunkuna ku aqoonsan yahay, kuwa xamar qaribayna loo aqoonsan doonaa danbiilayaal dagaal, waxaan weydiinaya markii intaas dhacdo guddiyoow maxaad soo kordhiseen.

Nin siyaada u dhuun daloola ayaa hadda ka hor igu yiri qorshaha maraykan iyo yurub wataan waa in beelaha xooga is biday la baabi’iyo oo dhulka lala galo oo ay ugu horeeyaan, habar gidir, majeerteen, iyo abgaal, lana soo kiciyo oo awooda gacanta loogasho beelaha aan awooda lahayn.

Ma idinlatahay marka in qorshihii uu bilowday maanta oo hawiye lagu bilaabay loona adeegsaday kuwa ka mid ah ayaga oo aan ogaal u lahayn in bur burkooda loo adeegsanayo?

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

Waxaan odhan lahaa dadka caynkaas ah WAR GRAADKU HA SHAQEEYO.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply