بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله، والثناء لله و وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد
Wahaabiyada
Intaan danjiraha soomaaliyeed ee Jarmanka Galbeed ahaa (1981-1986) waxaa maalin safaaradda yimid nin aan jaamacadda Bologna ee dalka talyaaniga wax ku wada barannay, uuna la socdo nin labaad oo aanan anigu aqoon.
Hooyaday iyo Saaxiibkay
Markaasaan saaxiibkay iyo ninka la socday waxaan qado ugu marti qaaday gurigayga. Intaan qadanaynayna, ayuu saxiibkay wuxuu yiri:
“Ma bannaana xuska Nabi Mummad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo xuska waalidiintuba.”
Waxaa meel ay naga maqli karto fadhida hooyaday Xaliimo Ciise Faarax “Ciise Qadanle” Allaha الله labadoodaba u naxariistee, markaasay waxay tiri:
“Maandhow maxaad tiri? Bal kussoo celi.”
Markaasuu saaxiibkay hadalkiisii hore kusoo celiyay. Markaasay hooyaday waxay tiri:
“Maandhow waa diinteena?”
Wuxuu yiri:
“Waa diinta islaamka.”
Aabahay, Allaha الله u naxariistee wuxuu ahaan jiray qaalli, kutubbadana gala, marka hooyaday cilmi dhegood ayay leedahay, gurigeedana Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa lagu xusi jiray. Wayse iska aamustay.
Aniguna markaas wahaabiyada waa maqlay, aqoon fiicanse uma lihi. Sidaasaan saaxiibkay iyo saaxibkiis markaan qadaynnay ku kala tagnay. Saaxiibkiis waxaa la oran jiray Cabdu Al Qaadir, gacan ayaa go’nayd, waa dambena waxaan maqlay inuu noqday shiikha ururka la oran jiray “SODAF” oo Addis Ababa, arliga amxaarada, xaruntiisu ahayd.
Waxaa ayaantaas aniga marti ii ahaa laba wadaad oo Ilaahay الله cilmiga diinta siiyay, oo gurigayga deggan, maalintaas-se ay labadooduba isbitaal ku jiraan, waxayna kala ahaayeen Sheekh Cali Suufi oo Ogaadeen u dhashay oo soomaalida casrigaani taqaanno iyo Sheekh Xasan Cabdu Allaahi oo Isaqq u dhashay, kana sii ahaa Habar Yoonis, kana sii ahaa Isxaaq, kana soo baxay Jaamacadda Al Azharجامعة الأزهر ee Al Qaahiraالقاهرة\ arliga Masarمصر\, ahaana Wasiirka Diinta iyo Caddaalladda Soomaaliya. Allow الله labadoodaba u naxariiso.
Sheekh Xasan Cabdu Allaahi
Waxaan ku hormaray Sheekh Xasan, oo lugi kasoo jabtay, oo aan isbitaalka ugu tegay, aanna ku iri:
“Sheekow wahaabiyah maxay tahay?”
Wuxuu yiri:
“Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre ayaa wuxuu dhanbaal iigu dhiibay boqorka Sucuudiga, markaasaan dayuurad raacay oo aan boqorka hor fariistay, dhanbaalkana aan gacanta ka saaray. Anigu waxa dhanbaalak ku dhigan waa ogahay oo nuqul ayaan ka haystaa, waxaana ku dhigan:
“Jalaalatu Al Malikجلالة الملك\, Boqorow, soomaalidu waa shacbi boqolkiiba boqol wada muslin ah, haysatana math-habka shaaficiyada. Diinta islaamkuna waxay Soomaaliya soo gaartay sideed sano ka hor intayan Madiinaالمدينة المنورة gaarin oo uusan Nabi Muxammad Sallaa Allaa Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u haajirin. Waligeenna nama soo marin khilaaf math-habi ah. Ayaamahaan dambe ayaa waxaa nasoo galay dhallinyaro masjidyada dhexdooda muslimiinta khilaaf ka dhex dhaliyay oo quluubtii dadka kala jeediyay.
Markaan baarnay dhallinyaradaas, waxaa noo soo baxday in la yiraahdo Wahaabiyiin ayna adiga kuu shaqeeyaan. Marka, hadduu warkaasu run yahay naga cesho.”
Boqorku markuu warqadda wada akhriyay ayuu ii soo jeestay, uuna igu yiri:
“Madaxweynaha qoraalkiisa waxa ku dhigan waa run oo aniga ii shaqeeyaan, aniguse wax kama qaban karo, oo waxay hoos yimaadaan Aala Sheekhأل الشيخ\. Madaxweynaha salaam iga gaarsii, qoraalna waa ugu soo jawaabi doonaa.”
Marka, waxaa halkaas ku caddaatay oo uu boqorka sucuudigu afkiisa ka qirtay inay wahaabiyiintu yihiin ciidan isaga u shaqeeya.
Sheekh Cali Suufi
Kaddib waxaan isbitaalkuu ku jiray ugu tegay Sheekh Cali Suufi, isagana aan waydiiyay waxay wahaabiyadu tahay, wuxuuna igu yiri:
“Waxaan jiraa boqol iyo saddex sano oo been kuu sheegi mayo oo Ilaahay الله ayaan ka baqayaa. Waxaan degganaa magaalada Harare ee arliga Ethiopia, markaasaan waxaan kasoo mid noqday wafdiga dawladda Ethiopia ee Xajka.
Markaan xajka dhammaysannay, ayaan waxaan goostay inaan dhowr maalmod Kacbada la darso – mujaawarahمجاورة\ -. Markaasaa maalin markaan saladda casar Kacbada agteeda ku tukannay, ayaan iska sii fadhiyay, anigoo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallinaya.
Markasaan waxaan ku baraarugay ayadoo ay laba nini midkoodba cudud igu dhegay oo i kiciyay. Way i wadeen oo ay xabsi i dhigeen. In yar kaddib waxaa la i hor geeyey qaalli.
Nasiib ayaan lahaa oo wuxuu ahaa qaalli fiican, wuxuuna igu yiri:
“Ma taqaannaa sababta laguu soo xiray?”
Waxaan ugu jawaabay:
“Maya qaalliyow.”
Wuxuu yiri:
“Waxaa laguu soo xabbisay inaad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallinaysay.”
Waxaan iri:
“Qaalliyow, in Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi WA Calaa Aalihi WA Sallam lagu salliyo waa waajib oo waaba tuu Ilaahay الله Quraanka ku yiri:
}إِنَّ اللَّهَ وَمَلائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا(56){
Diinta islaamka waxaa lagu gala shadataynka, oo haddaan Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi WA Calaa Aalihi WA Sallam lagu sallin ayan sax ahayn.
Aathaanka salaadda salligu waa qayb ka mid ah, iyo iqaamadaba. Ataxyaatka salligu waa qayb ka mid ah marka la tukanayo.”
Qaalligu wuxuu yiri:
“Xabis kugu xukumi mayo, waanse ku tarxiilayaa.”
Waxaan ku iri:
“Qaalliyow, haddaad i tarxiilaysid, ha igu celin Ethiopia, maxaa yeelay halkaasna waa la igu xirayaa.”
Markaasaa waxaa la i saaray Markab xamuul sida oo Barbara iga dejiyay anigoo aan qofna ka aqoon. Sidaasaan Soomaaliya ku imid. Wahaabiyadu waa taas.”
Allow الله u naxariisto Sheekh Cali Suufi.
QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
XIGASHO: laashin.com
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply