WAHAABIYADA-Q-5

Boqor Cabdu Al Caziizعبد العزيزxoog ayuu ku qabsaday xukunka Al Xijaazالحجاز\, oo wuxuu ka fara maroorsaday dhasha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo waxaa xukunka hayay Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حسين بن علي\ oo ah awoowaha labaad ee boqorka Urdun ee maanta.

 

Rabiicahربيعة بن نزار\ ayaa ugu dambeeya mid maamulka Makkah Al Mukarramhمكة المكرمة\ gacanta ku dhiga, oo hadda boqol sano ka hor xoog ku qabsaday, xaramkana dhiig badan ku daadiyay, kana fara maroorsaday Ashraaftii xukunka haysay.

Rabiicahربيعة\ waxaa ka dhashay boqorka sucuudiga hadda jooga kuna abtirsada Cabdu Al Caziiz Aala Sacuudعبد العزيز آل سعود\, oo qabiilkooda la yiraahdo Canzah bin Waa’ilعنزة بن وائل\ oo Rabiicahربيعة\ gala.

 

Qarniga Hijriga ah lasoo dhaafay ahna kan saddex iyo tobnaad waxaa gobolka Al Xijaazالحجاز\ oo ay Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ku yaallaan ka dhisnayd boqortootyo la yiraahdo “Mamlaku Al Xajaazمملكة الحجاز\” uuna boqor u yahay Al Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حسين بن علي\.

 

Markaasaa waxaa gobolka Najdنجد\ uga soo duulay gaashaanbuurta Aali Sacuudأل سعود\ iyo reerka Muxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب\, dawrkiisuna ahaa inuu xukunka Ala Sacuud u xalaaleeyo oo fatwo ku bixiyo inay xukunka ku qabsadeen si sharciga islaamka waafaqsan oo ay tahay in loo hoggaansamo oo uu “Waliyyu Al Amriولي الأمر\” yahay, oo dhaqdhaqaaqa wahaabiyiintu ku abtirsadaan, waana reerka tan iyo maanta la yiraahdo Aala Al Shaykhآل الشيخ\, oo wahaabiyiinta hoggaankooda haya.

 

Dagaal kharaar ayaa dhex maray gaashaanbuurtaas soo duushay iyo ciidanka Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حيسن بن علي\. Ciidanka shariifka waa laga adkaaday, markaasuu boqor Cabdu Al Caziiz Aali Sacuudعبد العزيز بن عبد الرحمن آل سعود\ Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ galay maalintay ahayd toddoba iyo toban bisha Rabiicu Al Awwalربيع الأول\ ee sanadka kun saddex boqol saddex iyo afartan, una dhiganta lix iyo tobanka Oktoobar kun sagaal boqol afar iyo labaatan.

 

Shariifku wuxuu aaday oo tegey Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\, halkaasoo ay hadana ciidammada Aali Sacuudآل سعود\ ku weerareen, ayna magaalada ka qabsadeen.

 

Markaasaa waxaa Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورةgalay oo la wareegay Al Amiir Muxammad bin Cabdu Al Caziiz Aala Sacuudمحمد بن عبد العزيز آل سعود\ maalinta toddoba iyo tobnaad ee bisha Jamaadu Al Uulaaجماد الآولى\ ee sanadka kun saddex boqol afar iyo afartan Hijriga una dhiganta kun sagaal boqol shan iyo labaatan.

 

Macluumaadkaasna waxaan kasoo qaadannay kitaabka “Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\” ayna dhigtay dawladda sucuudiga: Al Mamlakatu Al Carabiyah Al Sacuudiyahالمملكة العربية السعودية\ – Markazu buxuuth wa daraasaat Al Madinnah Al Munawwarahمركز بحوث ودراسات المدينة المنورة tirsigiis shan iyo tobnaad bogagga 21-24 lana daabacay sanadka kun afar boqol lix iyo labaatan Hijriga.

 

Afar qolo ayaa ka qayb qaadatay qabsashada Aala Sucuudآل سعود\ ee Al Xijaazالحجاز\, waana kuwa soo socda.

 

Bin Ladinبن لادن\

 

Xarbi wuxuu u baahan yahay maal fara badan, hub iyo askar, boqorka sucuudiguna maal ma lahayn, oo waxaa maal geliyay nin ganacsade ahaa oo Yamanاليمن\ u dhashay oo magaciisu ahaa Bin Ladin بن لادن\. Markaasuu boqorka ka dardaarmay in marka dawlad la noqdo wixii qandaraas ah isagaas la siiyo. Sidaas Bin ladin Group ku yihiin shirakadda ugu wayn oo la siiyo qandaraasyada dawladda sucuudiga, oo ayagaaba gacanta ku haya fidinta iyo dhisidda labada Xaramالحرمين\ ee Makkhمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\. Bin Ladin بن لادن\ waxaa la dhacday dayuurad, wuxuuna ifka kaga tegay 54 caruur oo uu isagu dhalay.

 

Soomaalida

 

Qayb wayn ee askarta uu boqor Cabdu Al Caziiz Al Xijaazعبد العزيز\ ku qabsaday Al Xijaaz الحجاز\ waxay ahaayeen rag soomaali ah. Ninka cunnada u kariya oo uu naftiisa ku aaminayna wuxuu ahaa nin soomaali ah. Markaasuu wuxuu boqorku ku dardaarmay in soomaalida dalka la dejiyo oo iqaamooyin la siiyo.

 

Ingiriiska

 

Qorshaha dagaalkuu sucuudigu Shariif Xusayn bin Caliالشريف حسين بن علي\ boqortooyada Al Xijaazالحجاز\ uga qabsaday waxaa wax ku lahaa dawladda ingiriiska, oo siisay hub iyo dahab uu dagaalka ku galo. Heshiisyana way kala saxiixdeen, siduu u wariyay kitaabkaan “Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami كتاب إفادت الأنام بذكر أخبار البلد الحرام “ oo uu allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al Xanafii العلامة المحدث عبد الله الغازي المكي الحنفيwaxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish معالي أ-د- عبد الملك بن عبد الله بن دهيش oo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Shareecada ee Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo Itmaami Al Kalaami مع تعليقه المسمى بإتمام الكلامlagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii مكتبة الأسدي بمكة المكرمة ee ku taalla Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة taleefan: 0096625570506 dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga. Al Ghaaziiالغازي\ wuxuu kitaabkiisaan isugu keenay warka ay taariikhda Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ hore uga dhigeen kutubbada ugu waawayn ee taariikhdeeda, uuna kitaab kasta kasoo guuriyay wuxuu wariyay. (Kitaabkaan waxaad ka heleysaa website-kayga (siirah.com).

الحمد لله، والثناء لله و وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي  وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون

DHAMMAAD

XIGASHO: laashin.com

QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply