WAHAABIYADA-Q-2

Markaan labadaas wadaad cilmigaas ka helay, ayaan saaxiibkay waxaan ku iri:

“Walaalow inaad sidaas tiraahdo ma lacag ayaa lagugu siiyaa?”

Wuxuu yiri:

“Haa, oo safaaradda sucuudiga ee Muqdisho ayaa bil walba kun dollar la iga siiyaa.”

 

Anigoo danjire ahna mushaarkaygu waa kun dollar bishiiba. Saxiibkaygaas waa danbe marka lasoo qaxay kaddib wuxuu i isheegay inuu wahaabiyada ka baxay oo uu tabliighi noqday.

 

 

 Sababta

 

Awoowaha labaatnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waa Cadnaanعدنان\. Cadnaanعدنان wuxuu dhalay Macaddمعد\. Macaddمعد wuxuu dhalay Nizaarنزار\. Nizaarنزار wuxuu dhalay afar nin oo kala ah:

Kow. Mudarمضر\.

Laba. Iyaadإياد\.

Saddex. Anmaarأنمار\.

Afar. Rabiicahربيعة\.

 

Afartoodaas waxay wada degganaayeen Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\. Zamankoodaas hawsha ugu sarraysa oo la qabto waxay ahayd maamulidda Kacbada iyo fureheeda iyo haynta talada Makkahمكة\.

 

Xilka Iyaad إياد\

 

Waxaa marka hore xilalkaas qabtay Iyaadإياد\, markaasuu Makkahمكة\ fisqi ka riday, markaasaa reer Iyaadإياد\ oo dhan Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة laga saaray.

 

Xilka Anmaar أنمار\

 

Waxaa ku xigay oo xilalkaas qabtay Anmaarأنمار\, oo ayaguna dariiqa walaalohood ilmo Iyaad إياد maray, oo markaas ayagana Makkahمكة  xoog looga saaray.

 

Nabinnimo

 

Shaqada ugu sarraysa oo nini qabto waa Nabinnimo iyo Rasuulnimo, shaqadaas waxaa qaatay oo la tegay Mudarمضر\, oo uu ku abtirsado Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, taasoo ayan Rabiicahربيعة\ waligeed gaari karin.

 

Ilmo adeerrada meel kasta iyo zaman kastaba waxaa ka dhexeeya tartan oo mid walba wuxuu doonayaa inuu qabiilka u taliyo, ugu cilmi bato, ugu maal bato, iwm. Waxaa ka dhexeeya xaasidnimo ama kala masayr, oo ah yaan lagaa fiicnaan, siduu Imaam Abuu Xaamid Al Ghazaaliiالإمام أبو حامد الغزالي\ ugu  sugay kitaabkiisaاحياء علوم الدين\ .

 

Waad taqaanna hadalka Abuu Jahalأبوجهل\ oo ahaa:

“Reer Banii Cabda Manaafعبد مناف\ way nafaqeeyeen, markaasaan annagu nafaqaynnay, masaakiintay caawinayn markaasaan annaguna caawinnay..markaasaan markaan sinnaannay waxay yiraahdeen “Annaga Samadaa nala soo hadasha”. Goormaan annagu taas gaaraynnaa? Waan ogahay inuu Muxammad Nabi Mursal ah yahay, laakiin wa Allaahiالله\ inaanan waligay rumaynayn oo raacayn!” Waa u quuri waa!!! Ama hadal sidaasoo kale ah ayuu yiri.

 

Rabiicahربيعة\ markay xukunka Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\ gacanta ku dhigtay, waxay isla markiiba bilowday inay tirtirto raadka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ha ahaato guri uu dego, ha ahaato masjid aan laba Xaram ahayn, ha ahaato meeluhu duullannada ku tegay, ha ahaato yaan lagu sallin oo la xusin: waxay doonayaan inay qariyaan oo la halmaamo, si ay xukunkooda ugu waaraan, oo aan Ashraafta lagu soo celin.

 

Makkahمكة\ waxaa ku yaalla Guriga Ilaahayالله Boqorka Runta ah, marka ninna ma oran karo waxaan ahay boqorka Makkah مكة\, markaasay la baeen “Khaadimu Al Xaramayniخادم الحرمين\”.

Boqorka sucuudigu hadduu doonayo inuu Kacbada galo waxaa loo yeeraa ninka Quraysheed oo furaha haysta, o gurigiisa ku haysta, uguna jira sanduuq yar oo uu gacanta ku sito, markaasuu u furaa, kaddibna xirtaa. Culummada sucuudiguعلماء السلطان\ waxay hadda bilaabeen inay Xadiithka aan kor ku xusay oo ah inuusan ka qaadayn furaha daallin mooyee ku tilmaamaan daciifضعيف\. Malaha waxay u bias bisoonayaan inay ka qaataan.

 

Markaasay hindiseen yaan Nabiga la xusin! Waana arrin siyaasadeed oo diin shaqo kuma laha.

 

Dardaaranka Nizaarنزار ee wiilashiisa

 

Markay geeridu u timid, Nizzar bin Macaddنزار بن معد oo ah awoowaha sideed iyo tobnad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuu isugu yeeray wiilashiisa Mudar مضر\ iyo Rabiicahربيعة\ iyo Iyaadإياد\ iyo Anmaarأنمار\, wuxuuna ku yiri:

 

“Maamulka Kacbada waxaa iska leh Iyaadإياد\, Jurhamnaجرهم\ Makkahمكة\ ka saara ayadoo uu dulligoodu batay. Khaymaddaan guduudanna oo saanta ka sameysan iyo inta la midka ah ee maalka waxaa iska leh Mudarمضر\. Tobankaan kun oo Dirham (haathihi al badratiهذا البدرة\) iyo majliskaan-na waxaa iska leh Anmaarأنمار\. Faraskaan madow iyo khaymadda madawna iyo inta la midka ahba ee maalka waxaa iska leh Rabiicahربيعة\. Khaadimaddaan (haweeney u adeegi jirtay) midabkeedu boorka u egyahay iyo inta la midka ah ee maalkeygana waxaa iska leh Iyaadإياد\. Hadduu idiin caddaan waayo oo uu shaki idinka galo sidaad maalka u qaybsan lahaydeenna waxaad u tagtaan faaliyaha Al Jurhamiiالجرهمي\ oo Najraanنجران\ deggan.

 

Markuu Nizaarنزار dhintay ayay wiilashiisii dhaxalka sida loo qaybsan lahaa ku heshiin waayeen. Markaasey waxay aadeen faaliyaha aabohood u tilmaamay oo Yamanيمن\ degganaa, ahaana xaakinka iyo qaalliga Carabta.

 

Intay dariiqa ku sii jireen ayuu Mudarمضر wuxuu arkay rati raadkiisa halkaas daaqay, markaasuu wuxuu yiri:

“Halkaan waxaa daaqay rati cawar ah, oo il kaliya leh”.

Markaasuu Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:

“Waa Rati dhutiya”.

Markaasuu Iyaadإياد\ wuxuu yiri:

“Waa rati sayn go’an.”

Markaasuu Anmaarأنمار\ wuxuu yiri:

“Waa rati baadi ah.”

XIGASHO: laashin.com

QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

 

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply