Saaka markii aan kacay oo salada subax tukaday oo xoogaa joogay ayaan gaaja la joogi waayay, waxaana aaday makhaayad aan wax ka cuno, makhaadii intaanan gaarin waxaan jidka kula kulmay dhowr nin oo saasaan wadaad ka muuqato, gar weyn, khamiisya gaaban, shaaribo iyo madac xiiran, dood kulul ayaa ka dhex aloosnayd oo waxay ka hadlayeen siyaasad, mar danbe soo noqon mayo iyo ninku siyaasi maahan ayaa mod ku doodayay, kaas waxaan is iri waa mucaarad oo faramaajo ayuu qaniinayay, modkale wuxuu lahaa, nin noo dhaama maleh, beesha caalaamku raali ayay ka tahay, waan ka gudbay aniga oo labta iska leh, shaqa la’aa raggu, waxaa igu soo dhacday waagii hore haddaad aragto culumo meel iskugu timid inta badan diin ayaa laga hadli jiray,
Makhaayadii markaan tagay oo fariistay ayaa shurbad dalbaday, sida aan maqlay shurbada aroortii la cabo calooshay u fiican tahay, in doora markaan shurbadii fiiqsanayay ayaan eegay miis iga horeeya oo dhinacayga bidix xiga, waxaa fadhiyay wiil makhaayada ka shaqeeya iyo wadaad kuwii jidka aan ku soo maray u eg, yar kale oo makhaayada ka shaqeeya ayaa soo dul istaagay, kolkaas ayaa kii yaraa ee fadhiyay qaaday hees hindi ah oo yiri waa filinkii iigu horeeyay ee aan galo, intaan kii yaraa ee kale hadal waxaa hadlay shiikhii oo yiri, mutun ayaa ka atoore ahaa, haa wlh waa sax ayaa kii yaraa yiri.
Sheeko dheer oo filimada hindiga ku saabsan ayaa la.qabsaday tan iyo intii la gaaray in magacyada jilayaasha hindiya la tiriyo, wadaadku waa aamisnaa inta badan balse waa saxayay oo kii ay ka tagaan ayuu u sheegayay, sida faaris ha iloobin rajey kumaar, wiilashii baa mid yiri cali dheere, wadaadkiina waa uu saxay oo ku yiri magaciisa waxaa la yiraahdaa amitaa bakshan, ugu danbayn heesihii ayaa loo yimid oo shiikhii uu qayb libaax ka qaatay, laabta waxaan iska iri tolow shiikhu sida uu heesahaan u xafisan yahay quraanka ma u xifdisan yahay, waxaan iskugu jawaabo ma garan balse in shiikhu fanaan waliba cod macaan yahay waan hubay.
Quraacdii ayaan dhamaystay oo soo baxay, waxaan soo maray wadaadii jidka taagnaa oo weli taagan oo markaan dood tii hore ka kulul oo ka xiisa badan haysta, qabiil ayay sheekadu marayasay iyo duulaan beeli ku qaaday beel.kale, sidaan is iri dhammaantood isku hal beel ayay ahaayeen waayo dhamaantood waa xanaaqsanaayeen waana caytamayeen, waxaana u badiyay in ay ka soo jeedeen beesha la weeray ee wax laga laayay, sii socod iyo soo socod eray diin ku saabsan kama maqal kiwaan, wadaadkii makhaayadana waxaaban is iri asagu waa xarga gooyay oo heeso iyo hindi u abtiris ayuu ka dhaammaan waayay.
Dadoow wixii dhalaalaa dahab maahan ee ogaada, qofkasta oo wadaad isku ekaysiiyana shiikh maahan ee xasuusnaada.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply