WAA ISKA CADAHAY {sheeko gaaban}

 

 

Goobtii lagu shirayay waxa soo buux dhaafiyay, dad aad u fara badan oo aan badankood waa imaanayaan aan la is lahayn, arrinta Meesha looga tashanaya waxay ahayd, fanax oo lagu soo eedeeyay in uu wiil yar daqray, asaguna diiday in uu wiilka daqray oo uu la kulmay wiilka oo markaas dhagaxu ku dhacay, dhagaxu meel uu ka yimid iyo cid soo tuurtayna uusan arag.

Shiikh ayaa aayada quraana ku furay fadhigii, iyo wacdi, oo yiri,

“Ilaahay xaqa in aan is ku sheegno ayuu nafaray, rasuulkuna wuxuu yiri, xaqa sheega wax kasta ha ka qaraaraadee, Walaalayaal arrintaan aan maanta Meesha u fadhino waxay nooga baahan tahay in aan si xaq ah u galno oo garsoor ilaahay iyo ummadiisu raali ka yihiin aan soo bandhigno, wiilkaan yarkaa ayaa daqar soo gaaray, waxa lagu eedeeyay fanax, asna waa iska dheereeyay, waa kaas hadalkana waan ka baxya”

Oday kale ayaa hadalkii qaatay oo yiri

“Arrinta Meesha loo yimid waa iska caddahay haddaan la is indha tirayn, jidka wiilka iyo fanax ayaa marayay, fanax wiilka waa ka danbeeyay, daqarkuna wiilka jeegada ayuu kaga dhacay, cid kalana Meesha ma marayn oo ma joogin, sow iskama cadda marka in fanax daqaray, haddii uusan asagu daqrin ma jin baa wiilka daqary”

Shiikhii ayaa hadalkii ka dhex galay oo yiri

“Maya, jin ma daqrin, oo hadi jin xaafada joogo anaaba ogaan lahaa, degaan jin waxa ugu sokeeya qashin qubkaas aan noo dhaweyn, maalintiina jinku ma socdo”

Oday kale ayaa hadalkii qaatay oo yiri

“Sow ma argtaan, waa sidii warsame sheegay, shiikhuna ugu markhaati furay, arrin iska cad ayaad waqtiga nooga dhuminaysaan, ee wixii go’aan laga gaari lahaa ha laga gaaro”

Xanaf ayaa hadalkii ka dhex galay oo yiri

“War ilaahy ka baqa, labadaas qof cid la joogtay maleh, wiilkuna fanax baa I daqray ma oran, fanaxna waa kanaa oo ma daqrin ayuu leeyahay, hadaan markhaati cad oo arkayay aan lahayn, ama fanax waan daqaray uusan lahayn, maxaa la xukmiyaa?”

“Markhaati ma doonto ayaa la yiraahdaa tan oo kale, uma baahna markhaati, waayo, cid kale Meesha ma joogin, jinni soow ma tuurin oo sheekhii waad maqlayseen, cirka kama soo dhicin dhagaxu oo hadduu ka soo dhaco dhalada ayuu wiilka kaga dhici lahaa ee gadaal ugama dhaceen, xanaf arrin sidii maalinti u cad ayaad doonaysaa dabooshid” ayaa warsame oo xanaaqsan yiri

Markii xanaf iyo odayaashii is mari waayeen ayaa odayaashii yiraahdeen, bal waan tashanaynaaye, fanax banaanka ha u baxo, markii uu baxay ayaa dood dheer bilaabatay

Nin ayaa markaas fikrad soo jeediyay oo yiri

“diintu waxay qabtaa il il , san san, daqarna waa daqar, marka aan fanax daqarno, dhiigeenii waan u qabnaa”

Xanaf ayaa soo booday oo yiri

“War ilaahay kama baqaysaan miyaa?”

“Rag iska celi iyo ilaahay ka baq meel islama wada galaan, soomaali baa horay u tiri, tan kale xaqeena inaan qaadano ma ceebaa, waan aragnaa falkii fanax waa ku cad yahaye?” warsame yiri

“War walaalayaaloow maxaa ku cad, war ilaahay ka baqa”

Food ayaa warkii ku soo laabtay oo yiri

“Hadda ka hor fanax sow ma dharbaaxin ina xaniin, waa nin gacan fudud, waana la yaqaana wax kasta ayaa ka suurooba, anigu waxaan qabaa aan daqarno asaga”

Shiikhii oo amusnaa yaa yiri

“Food waad saxan tahay oo diintu, il il, daqar daqar waa qabtaa, balse mas’alada Meesha taal baa waxay tahay, wiilka la daqray waa ilma yar, fanaxna waa nin weyn, marka sharicigii ilaahay siduu ahaa loo fulin mayo hadaan fanax daqarro”

“Maxaad leedahay shiikhoow marka?”

“Ilama fanax mid ha loo daqro wiilka, sidaas ayaa xaqqa lagu gaari karaa, balse nin weyn ayaa ilma yar loo daqraya, sharciga waa khilaafsan tahay”

Bulaan yar ayaa biloowday oo laba laba afka la iskula galay, hadalo yar ar na waa maqlayay ay ka mid yihiin

“Ilaahay ayaa clmi baray shiikha”

“Haddii uusan nala joogin maanta waan danbaabi lahayn”

“Waa nin xaqqa yaqaan shiikhu, barashada diintu fiicana”

Warar caynkaas aha ayay laba laba isku lahaayeen

Igu danbayn warsame ayaa yiri

“Sida shiikhu sheegay ayaan samaynayna, waayo diinta lama khilaafi karo”

Xanaf ayaa kor ugu dhaqaaway

“War diinta qof aan markhaati loo yahay daqar ku xukumaysa, waliba asaga maahane ilmihiisa ku xukumysa waa tee, war alle ka baqa”

“Subxaana llaah, war ma shiikhaad diinta ka badisa, mise warkaagu waa fanax cidiisaa reer abti kuu ah, war naga aamus hadaan ku garane”

Markii la go’aansaday in laba wiil loo diro ilma fanax oo ay kii la daqri lahaa keenaan ayaa islan wiil yar gacanta haysaa soo gashay oo tiri

“Culuma allay, raali iga haada arrin yar baan rabay idiin shegee”

“Hadhoow, hadhoow, noo sheeg, howl culus baan ku jirnaaye” ayaa warsame yiri

“Howsha aad ku jirtaan ayay ka mid tahay arrintaan u socda”

Inta la is fiirshay ayaa la yiri, waa maxay

“Wiilkaygan yarkaa ayaa igu yiri wiilka la daqaray anaa dhagaxa ku dhuftay”

“Waligiin been intaas la ‘eg ma aragteen, xagee ayuu ku arkay maba joogin aaga dhane”

“Dariishada ayaan ka soo tuuray ayuu yiri, waan la ciyaarayay, inaan daqro ma rabi”

Wiilkii hadii la warsadayna sidii wx u dhaceen ayuu sheegay.

“Ilaahoow ha na ceebayn” ayaa warsame yiri

“Ceebtiina maaqaane ninkaan weyn oo aad facsharteen, xaal iyo xumaan wuxuu idinku leeyahay ka soo baxa” ayaa xanaf yiri

“Maxaa xaal iyo xumayna, oo annagu ma xumaan in aan u samaynaynay ayay kula tahay, maya walaahi, caddaalad raadis baan ahayn, arrintuna waa iska cadayd, ibliiskaan yar baa soo baxay maahane, tan kale in wiilka sidaas dheh la yirina maxaan ka ognahay?”

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

Leave a Reply