TIIRAANYADA NOLOSHAYDA( QISO DHAB AH) QAYBTA 5AAD.

 

 

Xaalad murugo ayey runtii ii ahayd, xaalad xun ayaan dhex galay, waqti adag ayaa ii bilowday. Aniga tayda kama walwalsanayn ee tan ilmaha aabahood igu inkiray ayaan ka walwalsnaa, Alle mahdiise ma ahayn guurkayga guur qarsoon in ilmaha isaga uu iga dhalay aniga iyo inta na taqaanba waan wada ogayn warkiisa cid dhag u jalaqsiisay ma jirin. Qof walba oo qoyska ka mid ah dhakafaar ayuu arrintaas ka qaaday, dhacdo lala ashaqaraaro ayey ahayd runtii.

Isaga baladka wuu ka tagay xumaan daran uu ii geystay kadib, wuxuu u gudbay dhankaa iyo America, halkaas oo uu ka shaqa bilaabay dhowr dumar ahna uu ku guursaday mid u nagaatayse ma jirin.

Isaga baladka wuu ka tagay xumaan daran uu ii geystay kadib, wuxuu u gudbay dhankaa iyo America, halkaas oo uu ka shaqa bilaabay dhowr dumar ahna uu ku guursaday mid u nagaatayse ma jirin.

Waxaa dhacday in aan damcay in ilmaha aan baasaboor u xaraysto saxiixiisana muhiim ayuu ahaa, waa qof wax igala dhaxeeyaan, mar walba kama maarmi karin, waan wacay balse telkiisa waxaa iga qabtay gabar uu markaa qabay taas oo aan si wanaagsan iila hadlin inta ay i dhihi karto oo xumaan ah marka ay i dhahday ayey u dhiibtay telka isagana intaas wuu maqlayay oo kuma soo dhicin xitaa in yar oo xushmad ah in uu ii muujiyo, markii telka la iigu dhiibayna jawaabta uu i siiyay waxay ahayd ilmaha wixii ka dhalay saxiix u raadso, markii aan dhahay adiga ayaa iga dhalay maxaad isku yeelaysaa ayuu warkiisa iigu soo gaabshay horey ayaan uga dhaartay dhalliddooda.

Walaashiis ayaan wacay una sheegay arrinta i haysata iyo jawaabta aan kala kulmay way la hadashay balse waxba iskama baddalin go’aankiisa oo sidii oo kale ayuu ugu jawaabay.

Waxaan ku dadaalay in aan helo waddo kale oo arrimahayga aan ku xallisan karo alle mahadii dadaal aan sameeyay iyo dad soomaaliyeed oo i gacan qabtay kadib howlahaygii aan baasaboorada ugu helayay ilmaha waan ku guulaystay.

Waxaan go’aansaday in aan ka guuro magaaladan taariikhda xun ku yeelatay nolosha qoyskayga ee ilmahayga uu aabahood ku inkiray, waxaan u guuray magaala kale si aan noloshayda bog cuaub ugu furo horeyna uga socdo taariikhda xun ee noloshayda hore aan ka dhaxlay.

Alle wuu igu guuleyay oo degaan cusub iyo magaala cusub iyo dad cusub oo wada wanagsan ayaan ku dhex milmay, is baddal wayn oo noloshayda ah ayaa igu dhacay, caruurta iskuulo islaami ah ayaan geystay, laba shaqana waan helay, sidaa ayuu halganka noloshayda cusub ku hanaqaaday.

Waxaan ahaa qof da’yar balse dhib badan kala kulantay arrimaha qoyska, waxaa soo laabtay bilicdayda guud, rag fara badan ayaa isoo damaacinayay balse sida saxda ah go’aanka noloshayda aan u gaaray wuxuu ahaa ah in caruurtayda aan iska korsado oo aanan guur dambe samayn maxaa yeelay, muraayadda qalbiga ayaa iga jabtay oo sas ayaanba ka qaaday rag oo dhan waxaana aaminsanaa in rag oo dhan ay isku mid yihiin.

Waa nolosha iyo cashirkeeda qof walba waxa uu barto ayaa u adduunyo ah, aniga marka laga hadlyo dhanka qoyska xaalakayga sidaa ayuu ahaa oo dhan wanaagsan kama baran, waad cabiri kartaa xaalkayga gabar yar oo ugub ah inta la soo guursaday caruurtii ay dhashay oo dhana ninkii ka dhalay uu ku tilmaamay Wacelo aan lahayn aabe, waliba aan sidaas naguma nabad galin ee mar walba nolol qas iyo qalalaasa u taagan nagu dhex waday.

Waxaan dareemay xaqiiqdii markii aan magaaladaas i xanuujisay aan ka soo guuray in uu is baddal wayn igu dhacay dhan walba nafis fara badana aan dareemay, waxaan ka nastay saamaynta iyo ka warqabka noloshii hore iyo wixii la halmaala.
Wax walba magalaadan waa igu cusbanayeen wax walbana waa i farax galin jireen.

Nolosha waa hadba sida aad ka yeelato, sida aan ka yeesho in ay noqonaysana waan aaminsanaa, waa sababta aan u doortay in dhanka xun ee noloshayda  oo dhan aan uga soo tago halkii balaayada igula dhacday oo chapter cusubna aan dib u furto, Alle mahadii wax badan ayaa ii hirgalay wax badana waddadii aan ku gaari lahaa ayaan hayaa.

Dadka sidoodaba waxaa la kala gartaa xilliga adag inta qosykaygi hore burburka ku socday dad badan oo ehel ah ayaa eed igu hayay oo aaminsanaa in aan aniga ahay midda dabka ku shidaysa qosyka, buuqa ninkaygana qaybta ugu wayn ku leh.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply