TIIRAANYADA NOLOSHAYDA( QISO DHAB AH) QAYBTA 3AAD.

 

Muddo markaan kenya joogay sanadkuna uu sii marayo 1989 ayuu abtigey oo awalba dartey usoo laabtay balse markii dambe qoyskiisa kula biiray Swedan ayaa igu wargalshay in aan iska xaadiriyo xagaa iyo Dara salaam Tanzania si aan halkaas uga soo dhoofo.
Mahad alle ayey u sugnaatay ajar iyo khayr aan la soo koobi karina allaha ka siiyo, abtigey wuu ku guulaystay damiciisa ahaa in uu mar labaad igu celsho yurub sidaana aan kula midoobi qoyska abtigey mar kale, waxaasa dhanka dhaqaalaha qayb wayn ku lahaa aabahay oo aan dhihi lahaa hadduusan isagu ahaan lahayn waxba ma suuraabeen isagana xusuustayda kama ga’o. Balse aan dib idiin xusuusiyo in aan labada dhinac ee waalidiintaydaba aan ka ahaa qofka kaliya ee a wada fiirsanayeen.
Aabahey xaasas kale wuu lahaa balse Alle kuma guulayn in uu wax ka siiyo sidoo kale hooyadey iyana guur kala duwan waa samaysay iyana Alle wax kama siin.
Xiriirka aniga iyo zakariye inaga dhaxeeyay marba marka ka dambaysa caadaas ayuu marayay, wuxuu ii muujin jiray in uu ahaa nin naxariis badan, deeqsi ah, i dhagaysta, i fahma, igu kalsoon, kalsoonina iga keensaday.
Kadib markii aan Swedan imid oo xoogaa aan joogay sharcigiina qaatay ayuu dhacay guurkeena aadka loogu wada farxay maadaama laba wada dhalatay ay na kala dhaleen aabahay iyo aabihiisna ay ahaayeen laba Da’ oo isku xigta isna jecel.
Riya wanaagsan in ay ii rumowday ayaan u haystay noloshaydana dhanka quruxda badan ee aan ku riyoon jiray ayay jihada saartay.
Xaalkaygu xaal farxadeed ayuu ahaa, nolosha macaankeeda dhadhan dhabxanagayga aan ku haysto ayey ahayd oo xilliga aan rabo aan dhdhansan karo.
Iftiinka nolosha marka uu kuu soo muuqdo mugdina aad ku jirto waxa kaliya aad ka fakarayso ayaa noqonaya sida iftiinkaas aad ku heli lahayd, mugdiga noloshayda ku jirtayna wuxuu ahaa in aan kaligey dunidan ku ahaa oo iftiin aan u ahaa waalidkayga balse walaal iyo cid aan waheshado marka laga reebo qoyska abtigey ma jirin, sidaa darteed, zakariye wuxuu ii ahaa iftiin ii soo muuqday oo aan u xiisa qabay in aan mugdiga uga baxo.
In aan qoys yeesho isagana xaas u noqdo farxad ayey ahayd aan ku sugan karo inta aan ka gaarayo hammigayga kale ee nolosha oo ahaa in aan hooyo noqdo waliba hooyo barbaariso ubad ay kuwada faraxsan yihiin iyada iyo saygeeda.
Maalmihii farxadda, raaxada iyo rayn raynta ayaan kuwada jirnay, Swedan ayuu arooskeena ka dhacay aroos waliba aad loo soo agaasimaya laguna wada faraxsanaa aadna loogu soobaxay looguna sacab tumay.
Waxay ahayd subaxnimo aroornimo ah oo aan u wada soconay meel, xaafaddu waa Teneast Stockholm, cimiladu waa mid cadha badan oo qabow ku diiranaya xanfarna wata leh.
Qof walba gacmaha uyuu jeebabka jaakadaha waaween aan wadanay kula jiray, si nabdaysan ayaan uga soo baxnay gurigeena, aniga ayaa meel u socday isaguna wuu i wahelinayay Uur markaa yarna waan lahaa.
Sida sheekada ay noogu socotay baan mar kaliya is qabanay kadib markii uu ka carooday eray aan si kaftan ah u dhahay balse isaga meel xun ka taabtay oo uu la xanuunsaday.
Aniga kaftan ayey iga ahayd, ma ahayn wax aan isaga ula jeeday oo is lahaa ku dhaawac, laakin isaga si xun in uu ugu dhaawacmay ayuu muujiyay, la yaabkayguna wuxuu ahaa markii uu kari waayay in uu ila gaaro halkii aan u soconay oo gadaal uu iiga laabtay isaga oo ka cudur daaranaya in uusan ila sii socon karin.
Waa subaxaas subaxa ay bilaabatay musiibada dhibaatada salfan doonta qoyskayga, eray aan afkayga ka dhahay oo aanan ula dan lahayn in aan isaga ku dhaawaco ayaana sababasaday.
Wixii markaa ka dambeeyay qoyskayga xaaladdiisa ma daganayn ilaa saddex caruur ah ayaan ku dhalay muranka subaxaa bilowday.

Xaaladda qoyskeyga xaalad dagan ma aysan ahayn, dagaal, buuq, calool xumo iyo oohin qanaaco darro ii sii dheertahay ayaan ku jiray. Dhowr jeer ayaa garteena la galay, qaladku xagiisa ayuu ahaa mar walba oo aniga waxaan ahaa dulmanaha la dulmiyo, waa sida ay xaqiiqdu tahay, aniga waa la igu eedi karay af xumo ama hadal xumo iga timaada marka ay xaaladdu igu kululaato.
Sidaas ay tahay marnaba iguma soo dhacsanayn in aan kala tagno ninkayga, balse in ay wax qaldan yihiin waan ku jiifay, dareen ah in meel dheer aanan wada gaari karina mar walba waan qabay.
Xumaatooyin badan oo aanan mid mid u sheegi karin ayuu igula kacayay balse intaas oo dhan waxaan ugu sabrayay jacaylkiisa oo wali igu dhex noolaa kaas oo i siinayay enerjiga in aan iska adkaysto oohintana nafis joogta ah oo caawin ii ah bey ahayd.
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply