Aniga oo xooga muujinaya dhoola caddayn xageedana eegaya ayaan ku iri “saaka xaalku ma sahlana waan maxkamadaysnahay ayaan filaa”?
Maxkmad ma jirto eyey iigu laab dajisay iyada oo dhahayso Maxamed Muusa Sh Noor, aqoon gaar ah kuuma lahayn balse hawadaas ayaan kaa aqiin oo waan jeclaa mar in aan ku arko, ismase dhaheen jawigan iyo halkan ayaad isku arki doontaan, waxaaba filayay in waddadamada yurub mid ka mid ah aad ku nooshahay oo halkaa aad degaan ku tahay.
Waxay daba socotay barashada aan baxshay oo ku qeexay in aan halkan daganahay kana shaqaysto reerna ku leeyahay.
“Maxamadow in aad qoraa isku tilmaantana diiday, waasa kuu yeelay taada ah in aad wax xar xariiqdo, waxaan jeclaan lahaa in aan noloshayda wax ka xariiqdo, sababta aan u doortayna in aadan i waydiin ayaan jeclaan lahaa. Inta aanan sheekada kuu bilaabin codsi gaar ah ayaan ka hormarinayaa, Waddanka dhabta ah ee aan ku noolahay sheekadana ka dhacday ma sheegi kartid meelaha qaar ee sheekada oo laga fahmi karo in aan aniga ahay waad baddalaysaa”.
Waan ku fahmay ayaan iri, balse su’aal ayaan ku waydiinayaa ah maxaad ku dooratay in aad aniga ila wadaagto dhacdo ka mid ah dhacdooyinka noloshaada, maxaasa ka baqanaysaa marba haddaad dooratay in la soo bandhigo Qisada kugu dhacday?
Jawaab aan ku qanco oo fahmi karay ayey i siisay,waana ka aqbalay runtii dhamaan inta ay iga codsatay marba haddii waxa la qarinayo aysan ahayn qaabka ay qisada ku dhacday balse ay tahay tilmaamo lagu garan karo iyada iyo inta sheekada qusayso iyo goobaha ay ku noolaayeen.
Dabcan haddii xitaa aysan iiga cudur daara lahayn ma sheegeen oo qaabka wax aan u qoro ayey ka mid tahay in aan ilaalsho waxa qofka wax u dhibi kara shaqsiyaddiisa. Marka aqristayaal Qisada ayaa ina qusaysa ee ka raali noqda codsiga ay ii soo jeedisay gabadha qisadeena ku socoto iyo anigaba, aniga oo isku dayi doona ilaa xad inta aan qorma ahaan idin qancin karo in aan idinka qanciyo, nuxurka sheekadana aan la waxyeelayn doonin.
Hadaba aqriste sheeka walba qaab ayey ku bilaabataa, qaabna waa loo doortaa qoraalkeeda. Sheeka waa laga sheekeeyaa, midna qofka ay ku dhacday ayaa la isku ekeesiyaa, mid kalana si waraysi camal ah ayaa loo qoraa, midna qofka ay ku socoto ayaa loo dooyaa ka hadalkeeda. Anigana waxaan doortay in sheekada gabadha ay ku dhacday ay nooga sheekayso maadama dareen culus uu iiga muuqday, una ekayd qof doonayay in ay iska dajiso culays badan oo saaran, hadaba yaanan idinla fogaan, Hibo aan u daayo sida ay wax ugu dhaceen.
Tiiraanyada noloshayda ayey ku bilaawday, isla markiin uu afkeeda eraygaas ka soo baxayna way ceshan wayday ilmada, tiish ii dhawaa ayaan siiyay kuna dhahay “hoo, is adkee, in aad tiiraanayada noloshaada ila wadaagto sharaf ayey ii tahay” sidaas ayaana u doortay magaca sheekada.
Hibo oo xoogaa is adkaynaysa ayaa hadalkeeda ku bilowday sidan.
” waxaan ahaa ahayna ilaa hadda gabadha kaliya ee aabahay iyo hooyaday ay dunida awlaad ahaan ka tirsadaan.
Hooyadey iyo aabahay aniga oo yar ayuu calafkoodu kala dhamaaday oo kala tageen, hooyadey ayaana la joogi jiray oo isoo korsatay aabahayna wuu igu dhaqaalayn jiray halkaa.
Xaaladdayda nololeed sidaas ayey ahayd, dadka sida badan igu xeeran ee iga warqabay waxay ahaayeen reer abtiyaashey oo si wanaagsan aan ugu dhex jiray.
Sanadku waa 1988 waa xilligii dadku ay bilaabeen in ay dibadaha u baxaan, abtigey iyo qiyskiisa oo Nairobi u baxayeen ayaa la igu daray sidaana qoyskooda uga mid noqday.
Muddo sanad ah kadib abtigey iyo qoyskiisa safar ay ku aadayeen yurub ayaan qayb ka noqday balse aniga kaligey ayaa dhaxda la iga soo celshay kadib markii in aanan qoyska ka mid ahayn la ii sababeeyay, ha yeeshee abtigey ayaa diiday oo isku qasbay in kaligey aan la i celin oo isagu ila soo laabto.
Nairobi ayaan dib ugu soo laabanay muddo markii aan joogay ayuu zakariye oo aan ilma adeer ahayn ila soo xiriiray. Zakariye ilaa yaraanteeni ayaan is naqiin, isagu wuxuu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo soomaalida Kanada horey u gashay.
Sheeko iyo shukaansi xiriir ah ayaa inoo bilaabatay dhowr jeer ayuu ballamo badan ii qaaday ahayd in uu i guursanayo iina qaadayo xagaa iyo kanada balse waxba kama suura galin.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply