Social Media ayaa loo yaqaanaa haddaan af soomaaliyeenana waxaan dhihi lahaa Warbaahinta bulshada. Laga yaabee in si ka qurux badan sidan aad u dhigi lahayd waasa sida ay ila noqotay, waad iga sixi kartaa si ka wanaagsan sida aan u dhigay haddaad hayso.
Faaiidooyin badan ayey leedahay runtii warbaahinta bulshada, intaas oo malaayiin ayaa maanta qoys ku noqday, intaas oo riya ku nool ahaydna maanta riyadooda waa u rumowday, sidaas si la mid ah sida ay wax walba u leeyihiin nacfi iyo qasaaro labada dhinacba waa leedahay ayaa la dhihi karaa, waxay ku xirantahay uun sida uu qof walba dhinacyadeeda kala gadisan u isticmaalo.
Waxay ahayd subax Axad ah, subaxda axadda qaybteeda hore waxaa jirta meel aan ka qaxweeyo kuna diyaarsado qoraalada aan idinla wadaago. Dhowr subax ayey isheenu isku dhacday iyada oo la socota nin ay meeshaas ka wada shaahaan.
Waan dareemi karay in qofkan aysan ahayn qof degaan ku ah Nairobi marka aan wax ku qayaaso qaabka labiskeeda iyo erayada ingariiska ah ee ay u adeegsanaysay shaqaalaha ka adeegayay goobtaas.
Saaka subaxyada kale waa ka duwanayd aniga sida ii caadada ah meel gees ah oo xoogaa ka fog dadka ayaan fadhiisan jiray si dareenkayga guud aan ugu soo xaadiriyo qormooyinka aan diyaariyo subax walba oo axad ah.
Aniga oo ku foorara shaashaddayda qoraalka ayaan ka war helay qof igu salaamaya salaanta islaamka isla markaana iga codsanaya in bal uu fadhiisan karo kursiga iga soo horjeeda waydiin ay ka horaysiisay in qof kale ila fadhiyo iyo in kale.
Iguma cusbayn muuqaalka qofkan haweenayda ah oo subaxyada axadda qaar waan arki jiray iyada oo la socoto nin markaa Da’ dhaxaad ahaa, goobta waa Java coffe parkland Nairobi.
Waa qof quruxoon oo ladan runtii, dhaqaalahana uu ka muuqdo, cod macaan oo codka naxariista aan u aqaana lahayd.
Si asluubaysan oo wanaag iyo qaddarin ka muuqato ayey ii salaantay, waan dareemi karay in saaka ay kaligeed ahayd doonaysayna in ay wax badan iga ogaato, maadaama ay dhowr subax igu aragtay qaybtan aan ka fadhiisto maqaayaddan ee geeska ah.
Goobta aan u xushay waxay ahayd goob dugaal ah oo xoogaa yara ka dhex baxsan kuraasta isku dhaw ee maqaayadda, waa goob daganaan aan ku dareemayay buuquna uu ku yaraa. Kadib codsigii iyo waydiintii ay i waydiisay in ay fadhiisan karto ayaan ku iri waad fadhiisan kartaa walaal, aniga oo ka walwalsanaa qaab qoraalka iga qasmayay, maadaama saaka sheeko aanan kusoo tala galin ay qofkan i galin doonto.
“Magacayga waa Hibo” ayey ku bilowday, anigana waxaan ugu jawaab celshay “Maxamed”.
“Barasho wanaagsan maxamed, waad iga raali noqonaysaa saaka, waana ka cudur daaranayaa qasidda aan kaa qasayo qoraalkaaga”.
“Raali ahaanshaha waa lagaa aqbalay marba haddaad ogtahay waxa aad samaynayso ayaan ugu kaftan celshay” aniga soo laabayo shaashadda Computerkayga.
Sheeko is barasho iyo shaahayn ah ayaa meesha kuwada qaybsanay, iyada oo waydiinteeda ay u badnayd in ay wax badan ka ogaato shaqsiyaddayda iyo waxa aan ahay.
Si hufan oo daldalool aan lahayn ayaan su’aal walba jawaabteeda u siinayay iyaduna waxay muujinaysay in ay iga qanacsantahay. Dhoola caddaynteeda waa badnayd, waana dareemayay saaka in kulankan ay ila yeelanayso ay kusoo tala gashay, maxaa yeelay, qacdii ay soo gashayba waxaan arkayay iyada oo toos u soo abaartay dhinac aan maqaayadda ka fadhiyay.
Waydiimo badan oo u badnaa wax ka ogaanshiyaha shaqsiyaddayda kadib ayey markii dambe dulucda ujeedada usoo daadagtay iyada oo i waydiinaysa in aan ahay Qoraa iyo in kale?
Waxaan ku iri dunidayda marka laga eego wax waan qoraa balse iskuma tilmaami lahayn Qoraa, waxse waan xar xariiqaa.
Iyada oo muujinaysa in ay aqoon dhinaca warbaahinta bulshada ii leedahay ayey igu tiri dabcan waan kaa warqabaa oo aqoon waan kuu leeyahay marka laga eego dhinacyada warbaahinta bulshada muddo ka badan 3 sano ayaana ku aqiin. Tan iyo markii aan kugu arkay maqaayadda waydiimaha aan is waydiinayay waxay ahayeen xagee ku arki jirtay wajigan maba kugu cusbee?
Waan baqayay runtii dhowr subax ayaana damcay in aan kusoo dhiirado in aan kula hadlo oo ku waydiiyo in aad tahay qofka aan filayo. Dabcan haa, sabab kalana waan jirtay oo qofka ila socday wuxuu ahaa wadaadkayga, dhawaan ayaanu nimid Kenya howlo ganacsi oo dhanka Guryaha ayaana u nimid, marti ayaanu ku nahay meesha, ka raali noqo Maxamed fudaydkayga balse, waxa aan samaynayo waan ogahay sidoo kale ujeedada aan leeyahayna in gaari doono ayaan filayaa.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply