Soomaali iyo gaalo wada shiray

 

 Ergay beesha caalamka socda ayaa la shiray soomaali, gaalku xoogaa AF soomaali ah ayuu yaqaanay, wuxuu ku wareeray markii qabiil ka hadal ay soomaalidii meesha soo galisay, markaas ayuu yiri

“Asaga [idinka] sooomaali waa yihiin sow maaha?”

“Haa” ayay ugu war celiyeen, gaalkii baa mar kaas yri

“Iyada [ayaga] darrod hawwiye away?”

“Waa anaga”

“Asaga [idinku] soomaale waaye, si fiican garaty, lkn hawwiye darrod ma garan”

“Waa isla anaga”

“Darrod hawiye, hooyo hooyo asga [wuxuu garan wayay dhashay markasu yiri] keentay miyaa?”

“Maya saas maahan, kan waa daarood kan waa hawiye”

“Haaaa, marka Somali away?”

“War wuxu muxuu ahaa, war soomaali waa anaga, hawiye daarood waa anaga”

“Asaga [aniga] maraykan, hadii dhaho asga maraykan waa yahay wa shiino, fiicn miyaa [sax miyaa]”

“Maya”

“Adiga darrod hawwiye tahay, waa gartay, asaga [aniga] somali waa doonayaa”

“War wuxu see yahay, war anagaa ah soomaali”

“Asaga been badan waa taqaan, wallaahi, bye” waana ka atagay lacagtii loo ordayay oo cuna isla ahaayeena qabiil baa dhaafiyay,  wax badan qabiil waan ku khasaari doonaa soomaliyay haddii aanan ka daba harin.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply