SOOMAALI BAA TAHAY: HA NOQON MA FAKARE LOO FAKARO

 

Eebe quraankiisa wuxuu noogu sheegay in uu aadanaha karaameeyay, wax yaabaha uu ku karaameeyayna waxaa ugu weyn garaadka, garaadku lagu fakaro waa kan xoolaha iyo dadka kala sooca, wa kan malaa’igta aan kaga darajo sareyno, waa garaadka ilaahay u jeeday markii uu yiri cirarka isaga baxa haddaad awoodan balse aqoon idinka oo adeeegsanaya, waana adeegsigiisa waxaad  aragtaan oo aadanuhu maanta ku kala tagay, qaarna waqalka u baxeen oo nolol cusub meerayaal kale ka raadsanayaan, qaarna dhulkii ay ku dhasheen gaajo ugu dhimmanayaan.

Mark ha noqon loo fakare, karaamada eebe ku siiyay meel ha uga dhicin, adeegso garaadkaaga, la kaasho kuwa garaadka wacan, ha noqon mid ganacdase diin iyo ganacsade siyaasi iyo ganacsade qabiil meel ugu xiran, ogoow kan kuu fakarayaa mar kasta dantiisa ayuu ka horreysiin taada ama tiina, waayo asagu in uu kuu fakaro ayaad oggolaatay, sidii xoolo uu leeyhay in uu kuu maamulo ayaad oggolaatay, wuxuu kaa dhaadhacsiiyay in uu kaa garaad sareeyo adna waad ka yeeshay.

Kaligaa dib isugu noqo, is weydii maxaa dan ah oo kuugu jira qof aan dantaada wadin ama aadan ka helayn in aad dhiigaaga u daadiso, hantidaada ku taageerto, is weydii qof aan dadkaba kaa aqoon dartiis waxaad u noqoto, gablan, garoob, carruurtaadu dartiis ugu dhintaan, asga dartiis aad gabiib cidla ah ugu soo dhacdaa, is weydii markii balaayadaan asaga dartiis kuugu timaado muxuu kuu qaban karaa? Hubaal na wax uu kuu qaban karo maleh, waayo dadkaba kaama yaqaan, gabar iyo wiil kaa dhintay kuuma soo celin karo, hanti kaa maratay dib kuuma siin karo, dhaawaca adiga ku gaaray kaama dhayi karo.

Maxaad ugu dhiman marka?

Sow maaha isku beel baa nahay?

Beeli ma ku quudisay waligaa?

Ilma kaa jiran oo dalka wax looga qaban waayay dibada ma kuugu soo daaweysay beeli?

Dhallaan aad dhashay oo gaaja la seexan waayay oo oynaya weli cuno gargaar oo deg deg ah ma ka heshay?

Intaas aan soo sheegay iyo kabadan isku beel baa nahay laguma helo, balse saxiib qolo kala ah waa laga helaa, saxiibka aad beeshiisa iyo asgaba middiyaha u afaysanaysid ee kan kuu fakaraa uu kugu diray oo idin kala dilay.

Ha noqon ma fakare loo fakaro, ha noqon xoolo hoggaanka loo hayo, meelena ha uga dhicin karaamadii eebe kugu manaystay, dalkaan cidi kaama xigto, diinta cidi kaama xigto, siyaasadda cidi kaama xigto ee marna ha oggolaan in nin is xijiyo, in nin is xijiyay aad daba dhilif u noqotid, kan kuu fakara kaliya dalkaan mas’uuliyad kama saara, adigaba waa kaa saran tahay, asaga oo kale oo dantiisa wata kir inaad ku dhahdo waa mas’uuliyad ku saran, isku duubnida, horumarka dalka, baadada dadk iyo in badan oo kale ayaa mas’uuliyad kaa saran tahay.

Soomaali baa tahay, ina aadan iyo xaawo oo aan is dhalan rogin baa tahay, dadna waad u saraysaa, dhaba dhilif cidna uma noqotid, nin kale ma tuugsatid, in aad ogaato taasna waa mas’uuliyad ku saran, walaal ha noqon ma fakare loo fakaro, ahoow mid garaadkiisa u madax banana, mid aan cidi ka sarayn.

SuldaanCali Adam Amerkio

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply