SIYAASIYIINTEENA NAXAA NAYROOBI KA YAAL?

 

Waxaa caada u noqotay siyaasiyiinta soomaaliyeed siiba mucaaradka iyo kii xanaaqaaba in uu nayroobi isa sii taago, ay shirarkooda ku qabsadaan, bal marka hore aan is weydiinee dalk gudihiisa shir laguma qaban karo miyaa? Ma cid u diiday ayaa jirta in ay dalka ku qabsdaan? Mise maskax iyo xal hor leh ayaa u siyaada haday nayroobi tagaan? Waxa nayroobi kaga fadli badan tahay somaaliya waa maxay?

Waxaan filayaa weydiimahaas qofkii soomaali dhab ahi waa karan karaa jawaabtooda saxda ah.

Dhinac kale haddi aan ka eegno, ma kula tahay in shir ka dhacaya nayroobi aysan dowlada keyna raad ku yeelanayn? Maamuulkiisa iyo g’aankiisa wax ku lahayn? Waa ku yeelanaysa oo waa hubaal, mase kula tahay in kenya ay dan soomaali ka talinayso iyo aayatiin soomaali oo wanaagsan? Waa maya oo waan wada ognahay, tuhun miyaa kaaga jira marka in nayroobi looga tashto fayla jarida jiritaanka soomaaliya, waa maya oo cadeyn waxaa kuugu filan haddii kenya daacad tahay oo wanaag nala rabto, badeena si gardarro ah uma sheegateen oo iskuma daydeen in ay boobto oo ma tiraahdeen kismaayo waa degmo ka mid ah kenya ayada oo ka faa’iidaysanaysa tabar daradeena iyo siyaasiyiin soomaali oo sida kuwaan ay dhagta wax ugu sheegto jeebkana xoogaa u galiso, marna u caga juglayso, waayo waa hubaal in fara laga hayo siyaasiyiinta soomaaliyeed ee tumashada u taga nayroobi.

Xeelado waxaa jira ay adeegsaan sirdoonada aduunku oo ah qofkii la rabo in dan laga gaaro kaamira ama cod duube aya loogu xiraa qolka uu ka dagan yahay hotelka, gabadh qurxoona waa lagu qal qaaliya, faxshi kale oo badana waa la galiyaa waana laga duubaa falka ayaga oo ku dhex jira, qofkaas wuxuu noqonayaa mid jeebka ugu jira sirdoon kaas oo lagu shaqaysto, waana sida ay iila badan tahay in loo dhagray siyaasiyiin badan oo soomaaliya.

Tan kale nin gurigaaga barkiis sheegtay oo kugu qabsaday, intaad gurigiisa tagtid shaah ma ku cabi lahayd o ma la qosli lahayd? Waa maya, haddi ay dhab kaa tahay in aad doonaysid in gurigaagu uusan gacan taada ka bixin, sidaas oo kale kenyada baddeena dhici rabta dadka iskugu tagaa waxay muujinaysaa in ay raali ka yihiin in kenya baddeena la siiyo, waayo, hadii kale waxay u arki lahaayeen kenya nacab oo agteedaba ma tageen, balse hada waxay u arkaan kenya saxiib xaq ka maqan yahay oo ku kaalmaynaya ayagana in ay soo dhacsadaan xaq ka maqan.

Dowladu markii ay tiri qaadkii waan joojinay kenya waxay tiri wax dhiba maleh faramaajo wax yar baa u haray, saaxiibadeen ayaana qabsan doona soomaaliya qaadkana dib ayaa loo furi doonaa, u fiirsada kalsoonida hadalkaas ka muuqata, waa ay hubtaa kenya in hadii faramaajo laga guulaysto kan ku xiga uusan warkooda diidayn, kalsooni heerkaas gaaratay udubada ay ku dhidban tahay ma yara, kan amarkaas u fulinaya kenyana waxaa cad in uu yahay mid ay ayagu maamushaan oo warkooda aan dhinac mari karin.

Waa yaabe daacad haday jirto oo aysan doonayn in ay soomaaliya ku shiraan maxaa u diiday in ay jabuuti isugu tagaan ayagaa walaalaheen ah oo danteena ka talinaya oo intaas taageero nala garab taagan, balse ha uga fadhin in ay taas sameeyaan, waayo, kenya war bay geeyaan, sirta dadka iyo dowlada ayay geeyaan, xeesha soomaali rabto in badeeda ku difaacato ayay geeyaan,  amar iyo qorshana waa laga soo siiyaa ah sida soomaaliya cuuryaan looga dhigi lahaa aan kicin, ayagana dantooda qof ahaaneed ay u gaari lahaayeen.

Anigu waxaan qabaa cid alle cidii kenya hoos orada in ay tahay khaa’in dalka dhagar ka galay ciqaabtiisuna tahay dil.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply