Intii aysan bur burin boqortooyadi ifat ee ka talinaysay zaylac ilaa shawa, oo aysan soo bixin boqortooyadii awdal, culumo badan oo carab ah ayaa dalka yimid, sida caadadu ahayd qaarkood waaxay ahaayeen dowlado muslim o jabay oo kala yaaci qoloba dhan u yaacday, balse waxaa jiray dhowr shiikh oo ayagu jihaad iyo gaala la dagaalan u yimid, waxaana ka mid ahaa shiikh ismaaciil, shiikh xaawiye, shariif xusen.
Dhaqan waxaa jiray xilligaas iyo xilliya danbaba in qofku ama sheekhu uu qaato magaca degaanka uu joogo ama ka shiikha yahay, sidaas dateed waxay magacoodii danbe ka dhigteen jabarti oo ahayd dagaankii zaylac iyo hareeraheeda, gadaal danbe waxaan argnay, jabarti ka gadaal in culumadii ay qaateen magaca zaylac. Sida shiikh cabduraxmaan zaylici, iyo yuusuf zaylice, iyo shiikh kale oo caan ah oo masaari ah oo asna la yiraahdo cabdiraxman al zaylici oo tan iyo hadda firkiisii ay wataan macaga zaylac, kuna nool yihiin dalka masar.
Sidaas oo kale ayaana culmadaan u qaateen magaca jabarti oo ahaa degaankii, dagaaladii dhacay dadkii itoobiyaanka ahaa ee la qabatay waxaa loo iib geeyay aduunka gaar ahaan yaman, cumaan, sucuudiga,iyo meelo kale ayaga oo wata magaca adomihii jabarti, tan iyo maantana adoonimadii waxba kama korin oo shaqooyinka hoose iyo xoolo qalida uun baa loo ogol yahay, waxaa kale oo jira dad badan oo ku laabtay dalalakoodii ayaga oo xanbaarsan magacii jabarti oo tan iyo haddana firkoodii wato magaca jabarti, taas waxay muujinaysaa in cid walba oo wadata magaca jabarti ay fir ku leedahay soomaaliya, ama mid dhalasho ama dagaan
dagaalkii gaalada iyo muslinka wadadaan waxay noqdeen hoggamiyayaal ciidan, nin walba waxaas hoos imaanyay kumaan kun ciidan oo uu dagaal galiyo, waxaana la oran jiray, sida ciidankii shiikh xaayiye, ama shiikh ismaaciil, ama shariif xuseen, iwm, tirada wadaadaan dagaalka hoggaamiyana waxay ahay sida la sheego 11 ilaa 13 wadaad oo dibada ka yimid sida ku qoran kitaabka fatxul xabasha
Dagaalkii markii soomaalidu ku jabtay, waxaa lagu heshiiyay in la iska war hayo balse la kala fogaado si aan cowgu uga faa’iidaysan, muddo ka dib ciidamadii wadaada magacii wuxuu isku rogay dadkii ama ciidankii shiikh bel, sidaas ayayna ku socotay tan iyo inta la yimid in la yiraahdo qabiilkii hebel.
Tusaale, shiikh xaawiye al jabarti oo hadda ku duugan dagaanka oromadu wuxuu isku badalay hawiye, shiikh ismaaciil oo sida la shego dalka ka tagay ciidankiisii waxay isku rogeen daara ood ama daarood ismaaciil jabarti, shariif xuseen oo ahaa kan kaliya ee carur ku dhalay soomaaliya waxaa ka farcamay madhibaanka.
Waxaa markhaati maanta u ah hadalkaan in aan aragno beeelo ka tirsan daarood oo leh waxaan walaala nahay kuwa ka tiran hawiye, sidoo kale kuwa hawiye ka tirsan oo leh kuwa daarood ah ayaan walaala nahay, tani waxay kuu cadyn in kasta oo laba qabiil oo waaweyn ay abuurmeen balse dadkii aysan ka tagi beelaysigoodii hore iyo mid walba halka uu ka soo jeeday, markii hore waxa kala geeyayna ay ahayd dal iyo diin difaacid, oo ay ahaayeen ciidamo isku dhafan oo hal u jeedo leh oo aan kala sooc iyo iska la saarid aysan jirin, markii danbana qolo walba ku nagaatay halkii ay joogtay oo magacii hoggamiyahoodii qaatay, sababa badan owgeed, oo ay ka mid tahay sharfid shiikhii la sharfayo, magacii shiikha oo rasmi u noqday ciidankii markii danbe qabiilka isku rogay, dadka oo in badan rumaysnaa qofku intuu carab ku dhaw yahay ayuu diinta ku dhow yahay, tanna ay keentay in la abuuro abtirsiyo carab ah oo gabigood hal oday ku aruuraya, caqiil, maxaa qasab ka dhigay in abtirsiga carbeed ee soomaalidu sheegato dhamaan uu ku arooro caqiil, carab kale ma jrin miyaa? Tan waxay ku tusin in abtirsigaan uu yahay waxaan jirin ee la iskga dayday, oo reer hebel xagay is galiyeen miyaa, haye , anagana asaga na galiya, sidaas ay sheekadu tahay, sida abtirsi been ah loo abuuray oo kale maanta waxaa timid in dhaqan soomaali been ah oo la buuray oo aad ku arkaysid internetka in qamiiskii uu yahay ama ka mid yahay hiddaha iyo dhaqanka soomaaliaya, waa wax hadda la buuray sidaad aragtaan oo aan runta raad ku lahayn, khamiis xagee dhaqan keena ka soo galaa, sidaas oo kale ayaana loo abuuray qabiilada carabta ku abtirsanaya, sida khamiiskaasna carabi meel nagama soo gasho.
Shiikh xaawiye iyo shiikh ismaaciil oo shan boqol oo sano ka hor ahaa, haddii ay caruur intaas tira la eh kaga tageen dalka maxaa looga arki waayay dhaqankii carbeed caruurtooda, waana ognahay carabtu waa dad aan dhaqankooda ka tagin weliba si fudud, sida sooyaalku sheegayo banaadirigu boqolaal gu’ ayay ka horeeyeen labadaan shiikh oo dalka yimaadeen, haddana waan aragna sida dhaqankii carbeed ama faaris weli ugu danbeeyo,
500 ama 400 oo gu’ haddi ay dadkaan dalka joogeen sidee ayay uga tira bateen dadkii kumaankunka gu’ daganaa dalka? Sommaalidii hore kumaankunka gu’ joogtay ma farcamin miyaa? Ma duufaan baa laysay? Haddiisa aan affarta barjo ka nimid maxaa isku muuqaal iyo isku dhaqan naga dhigay? Sooyaalka soomaaliya oo idil carab waxay u hayteen soomaalidu in ay yihiin dad aan waxba ahayn oo waa ayaga yiraahda carabi waa naag iyo carab waa doqon, war ma qof is caayi lahaa oo is xaqiri lahaa ayaa jira? Taasi waxay markhaati u tahay in aan carab shaqo lagu lahayn haddii kale isma cayneen oo carabi waa xuntahay ma aynaan oraneen.
Hadda ka hor na waan sheegay . meel aad madaxeeda tahay majaheeda la iskama dhigo, dadkaan aad sheegaynaysaan iyo kuwa sii fac weynba anaga ayaa ka facweyn oo waa caruurteenii, 7000 ilaa 5000 oo gu’ yurub waa madoobayd, modow kalana maahayn ee soomaali meesha taagan ayay ahaayeen balse indha buluuga leh, dadkii yurub e La Brana la oranayay, waayo qumaatigii ay uga baxeen soomaaliya ayay yurub ku dageen ayaga oo aan meel ku sii hakan.
Sidee u doonaysaa in aad iiga dhaadhiciso marka dadkaan aduunku ka soo farcamay ayaa sooyaal dhow meela kale ka yimid, waa been iyo naxli.
Soomaaliya waa jirtay tan iyo bilowgii aduunka waana jiri doontaa, soomaaliyana ha noolaato hana isku duubnaato waligeed.
Qore: Suldaan Cali Adam Ameriko
Leave a Reply