Wadaada beenlayaasha alshabaab caruurta waa siraan, been ayay gu khubeeyaan ay ku beer laxowsadaan oo ku marin habaabiyaan, mid ka mid ah oo dhallinyaro u khudbaynayay wuxuu yiri:
[ma xasuustaan ikhwaanii, abuu xamza, mujaahidkii shalay jihaaday oo gaalada dowlada isku qarxiyay, markii uu shahiiday wax yar ka dib ayaa hurdo alle ii keenay, waana seexday, waxaa la I tusay abuu xamza oo qurux badan, oo nuur ka wada baxayo, kolkaas ayaa ikhwaanii, malaaigtii ku tiri, jannadii waa taas ee meeshaad rabto iyo taad rabto gal, faraxdii inta ka badatay ayuu orod is qaaday oo jannadii ku rooray, malag ayaa inta joojiyay ku yiri, maanta oo kale maahan in aad adigu orod iska daaye in aad socotidba, kaliya niyadda gasho jannadaad rabto waad dhex istaagaysaaye, niyadii ayuu gashtay janno uu asagu sawirtay, durbadiina asaga oo dheex taagan ayuu is arkay, isla malagii horey ula hadlay ayaa soo garab istaagay oo ku yiri, yaa abuu xamza, adigu mujaahid soo shahiiday ayaa tahay, naftaadii waxaad u soo hurtay diinta iyo alle, jannadaan na maqaamkaagu waa ka weyn yahay, ee janno kuu qalanta ayaan ku gayn, fiiriya bal ikhwaanii, dadana jannada carafteeda in ay uriyaan looma oggola, mujaahidkiina waxaaba la yiri, tani waa kugu yartahay oo adaa ka qiima badan, bal eega jannuu ka qiima batay, subxaannalaah ilaahii mujaahidiinta saas u sharfay, markaas ka dib ayaa malagii keeyay abuu xamza janno, janno aan waligiis maankiisa ku soodhicin, illintii ayuu isku celin kari waayay oo af labadii yeeray asaga oo leh, ilaahoow waa kugu mahad, qasriyo aan caqli bashar sawiri karin ayaa lagu yiri adaa iska leh, oo mid walba xuurul cayn ka buuxdo, malagii ayuu markaas ku yiri, xuurul cayntaan 72 ka badan, kolkaas ayaa malagii ku yiri, adigu ma dadka in aad la mid tahay ayaad u malaysay, xuurul cayntaadu waa dhowr boqol, hadaad doontana dhowr kun ayaa lagaaga dhigayaa, saa mujaahid soo shahiiday baa tahay, abuu xamza niyadda ayuu iska yiri, mid baaba iga badan oo aanan tabar u hayn, malagii oo qalbigiisa daalacanayay ayaa yiri, aduunkii ma joogtid mujaahid, boqolaalkaan iyo boqolaal kale oo xuurul cayna hal maalin baad isku mari kartaa hadaad rabtid, saacadii la joogana waa wada bikro, hadda hadaad ka kacdid bikray ku soo laaban, naaso dhaca maleh, jir dabca maleh, da’ kuma kororoto, intaas markii la I tusay ayaa cod maqlay igu leh, mujaahidiinta ugu bishaaree waxaad aragtay, haddaad qarisana ehlu naar ayaa tahay, ikhwaanii fi laah, ma waxaas ayaa wax la qariya ah?, waa maya wallaahi, inaan idiin sheego waan rabay oo ilaahay baan ku dhaartay waa doonayay idiin shego, balse danbi yar baan idin ka galay inaad I cafisan ayaan idin ka doonayaa, danbigaan idin ka galay waxaa weeye, markii aan hurdada ka kacay ayaan amiirka u tagay oo ku iri, shahiidka u horeya inaan noqdaan rabaa amiirul mu’miniinoow, wuxuuse igu yiri howl aan laggaga maarmi karin ayaad haysaa, waana iga diiday codsigaygii, balse ikhwaani fi diin, I cafiya wallaahi thuma wallaahi inaan idiin sheegaan rabay intaanan shahiidin, naf jeclaysi ayaa igalay ah jannadaad aragatay yaan lagaaga hor marin, xuurul cayntii boqolaalka haaa maantaba la joog]
Wadaad beenlihii asaga oo illin iska tiraya ayuu yiri:
[hadalka amiirka inaan jabiyaan diidanaye wallaahi kaligay inaan shahiido oo miino isku xiro oo gaaladaas isku hex qarxiyaan rabay]
Waa wacdigaas beentaah oo kale wax kama jiraanka ah waxay ku hudeen dhallin yaradeenii, dhiiggi muslinka iyo kii bani aadam ba u daadiyeen.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply