SHEKO JACAYL OO MURUG LEH

 

 

 

 

Geeelle wuxuu ahaan labaatan jir qurux iyo soo jiidashaba leh, saacada baddanna wuxuu ku mashquulsanaadaa baraha bulshada oo uu aad u daneyo, maalin ayuu ka bartay baraha bulashada gabar la yiaahdo Deeqo, waa ay is barteen halkaasna ka wada sheekaysan jireen, dad saaxiibbo ahna ay ku noqdeen, Deeqo waxay u noqotay Geelle qayb noloshiisa ka mid ah, oo nolol maalmeedkiisa ayay ka mid noqotay si buuxda, maalin ayuu jaamicadii ka soo laabtay, sidii caadada u ahaydna wuxuu sugayay in Deeqo khadka soo gasho si ay u sheekaytsaan, in saddex saacadood dhan ayuu sugayay, balse sooma aysan galin khadka, sidaas ayuuna ku seexday asaga oo aan arag, aroortii danbe markii uu kacay sidii dhaqanka u ahaydba khadii ayuu furay si uu Deeqo ula hadlo, wuxuuna arkay in ay ku jirto khadka oo ay asaga sugayso waxayna ku tiri,

”Wax badan baan ku sugayay, xagge ka baxday?”

Geelle oo yaaban ayaa ku yiri

”Aniga weeye qofka tan iyo shalay ku sugayay, adna aadan khadka soo gali”

taas wey ka raalli galisay waxayna u sheegtay in ay aad ugu mashuuqlsanayd diyaarinta imtixaanaadka sannadka.

 

Muddo markii ay sidaas iskula sheekaysanayeen, Geelle wuxuu dareemay ka helid iyo dareen gaar ah oo uu u hayo Deeqo, durbadiina waa uu u sheegay dareenka ku dhex aloosan naftiisa, waxay ku yiri

”sidii walaakay oo kale ayaan kuu jeclahay”

Geelle ayaa markaas yiri,

”Deeqo sidii walaashay oo kale kuuma jecli, ee jacayl dhab ah ayaan ku jeclahay” aamusnaan ka dib waxay tiri

”Kama helo qof aan internetka ku bartay in xariir noocaas ah na dhex maro”

”Sababna?” ayaa Geelle weydiiyay

”Jacayl caynkaad ah in uu jiro ma qabo, waxaan u haystaan in uu dhalanteed yahay”

 

Balse Geelle waa ku adkaystay inuu jecel yahay oo jacaylkiisu dhab yahay  oo uusan ahayn dhalanted iyo waxaan jirin waayo asagaa ayaa og dareenkiisa, hubana, Deeqo waxay bilowday in ay rumaysato hadalkiisa, in kasta oo cabsi ku jirtay haddana waxay ogolaatay In ay yeeshaan xariir, xiriirkoodii waa sii horumaray oo internetkii dhaafay oo ay bilaabeen in ay telephoonka ku wada hadlaan, xariirkaasna wuxuu socday lix bolood, tan iyo intii ay isla meel dhigeen in ay fool ka fool u kulmaan, oo qofba qofka kale uu arko markii u horeysay, waana ay kulmeen, Deeqana gabar qurxoon ayay ahayd, aragtidii u horaysana waa ay qancisay Geelle, asaguna nin dhallinyaro ah oo qurxoon ayuu ahaa, jacaylkii dhexdooda ahaana waa sii koray oo in is aragoodii bato ayaa bilaabatay.

 

Maalin ay kulmeen ayaa Geelle kadis uga dhigay in uu rabo in uu ciddeeda ka doonto, balse meeshii Deeqo ka farxi lahayd, waxay muujisay oo kala hortimid Geelle murug iyo baqdin,  waxayna u sheegtay in aysan dhacayn in ciddeedu ay oggolaadaan wuxuu rabo, waayo ciddeeda ayaa ka ballan qaaday ina adeerkeed oo ay mar dhow ay is guursadaan, hadalkaas ka tagay iyo ballantaas ay qaadeenna kama laaban karaan, sidii danab ayaa hadalada Geeqo ugu socdeen dhagaha Geelle, markii arrintii uu dhinac walba ka eegay waxaa u soo baxday in ay isla baxsadaan, balse Deeqo waa ka diiday taas oo waxay u sheegtay in uu iska illoobo ayada oo dhan, waayo ciddeedu waxay u alkumeen ina adeerkeed.

 

Markii Geelle uu raja beel gaaray wuxuu isku dayay in uu ilaawo ayada dhan, wuxuuna u socdaalay dalka banaankiisa, asaga oo qaba rajo la’aan, jacayl l’aan, aayatiin la’aan, gudahana ku sita wadne qarxay.

 

Murugtii iyo war warkii Deeqo hayay waxay ku noqdeen jirro aad u xun oo ay isbitaal la gashay , il biliqsi kasta waxaay go’canaysay in ay Geelle aragto, oo ruuxaa aad ugu baahnaa oo u xiisay, ina adeerkeedii ay u alkunayd markii uu maqlay xanuunkeeda waa uu ka tagay waana ka dheeraaday, hal maallina isbitaalka kuma soo booqan,

Waalidkeedana murug ayaa ku taagnayd markasta, waxayn aad uga shalaayeen diidmaii ay Geelle u diideen, dhowr bilood ka dib Geelle ayaa dibaddii ka soo laabtay asaga oo aan ogayn wixii ka danbeeyey oo dhacay gadaashiis, durbadiiba wuxuu aaday gurigii Deeqo si uu soo arko, waayo aad ayuu ugu xiisay, wuxuusa la kulamay aabaheed oo u sheegay in ay isbitaal jiifo Deeqo oo jira xun ay hayso, si aan daahsiimo lahayn oo deg deg ah ayaa Geelle ku aaday isbitaalkii, asagoo ilamdu ka socotana uu galay qolkii deeqa, balse waa uu soo daahay oo sariirta korkeeda wuxuu ugu yimid waraaq taal oo oranaysa

 

”gacaliye Geelle, iga raali ahoow, waayo inaan kula hadlo oo ku arko ayaan rabay, balse  hadda ma awoodo, maalin kasta waxaan dhowri jiray soo noqoshadaada, isbitaalka markii la I seexiyay maalintii koowaad ba waxaan dareensanaa in aanan nolol uga baxay, waxa kaliya oo aan rajaynayay waxay ahayd in aan hal mar uun ku arko inta aanan dhiman, taasna waa dhici weyday, nasiib darro, , hadaad waraaqdayda akhrisid ogoow waxaan rabaa  inaad noloshaada horey u sii qaadid ani la’aantay, in aadan ka murugoon maqnaanshahayga, aad ayaan ku jeclahay, nabadeey,

gacalisadaadii

Deeqo

 

waraaqdii markii uu akhriyay Geelle, wadnihiisu in uu googo’ayo ayuu daremay, oohin ayuu dhulka la fariistay, balse waa uu fuliyay dalabkii Deeqo oo noloshiisii horey ayuu u sii watay, gabar ayuu guursaday waxayna ku curteen gabar oo uu u bixiyay Deeqo.

DHAMMAD

W/Q

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply